M’Cheyne Bible Reading Plan
Dadkii Oo Caasiyoobay
14 Oo shirkii oo dhammuna codkoodii bay kor u qaadeen oo qayliyeen, oo dadkiina habeenkaas way ooyeen. 2 Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo shirkii oo dhammu waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa inoo roonayd inaynu dalkii Masar ku dhimanno! Amase inaynu cidladan ku dhimanno! 3 Bal Rabbigu muxuu inoogu soo kexeeyey dalkan aynu seefta ku le'anayna? Naagaheenna iyo dhallaankeennu dhac bay noqonayaan. Sow inaynu Masar ku noqonno inooma roona? 4 Oo markaasaa midba midkii kale ku yidhi, Kaalaya aynu madax doorannee oo aynu Masar isaga noqonnee. 5 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay ku hor dheceen ururkii shirka reer binu Israa'iil oo dhan. 6 Oo Yashuuca ina Nuun iyo Kaaleeb ina Yefunneh oo kuwii dalka soo basaasay ka mid ahaa ayaa dharkoodii iska jeexjeexay, 7 oo waxay la hadleen shirkii reer binu Israa'iil oo dhan oo ku yidhaahdeen, War dalkii aannu dhex marnay oo aan soo basaasnay waa dal aad iyo aad u wanaagsan. 8 Oo haddii Rabbigu inagu farxo, ayuu dalkaas ina geeyn doonaa, oo wuu ina siin doonaa dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan. 9 Laakiinse Rabbiga ha ku caasiyoobina, oo ha ka cabsanina dadka dalka deggan, waayo, waxay inoo yihiin sida kibis oo kale. Daafacoodii korkooda waa laga qaaday, oo Rabbigu innaguu inala jiraaye; iyaga ha ka cabsanina. 10 Laakiinse shirkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Iyaga ha la dhagxiyo. Markaasaa ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil oo dhan uga muuqatay teendhadii shirka.
11 Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Dadkanu ilaa goormay i quudhsanayaan? Oo ilaa goormay i rumaysan waayayaan in kastoo aan dhexdooda calaamooyinka oo dhan ku sameeyey? 12 Haddaba iyagaan belaayo ku dhufan doonaa, oo waan dhaxal tiri doonaa, oo waxaan kaa samayn doonaa quruun iyaga ka weyn oo ka sii xoog badan. 13 Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay. 14 Oo iyana waxay u sheegi doonaan dadka dalkan deggan. Iyagu waxay maqleen inaad dadkan dhex joogto, Rabbiyow, waayo, Rabbiyow, fool ka fool baa laguu arkay oo daruurtaadii baa iyaga kor taagan, oo maalintii waad ku hor kacdaa tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah. 15 Haddaba haddaad dadkan sidii nin keliya u disho, quruumihii warkaaga maqlay way hadli doonaan, oo waxay odhan doonaan, 16 Rabbigu ma uu karin inuu dadkan keeno dalkii uu ugu dhaartay, sidaas daraaddeed ayuu cidladii ku laayay. 17 Haddaba waan ku baryayaaye, Sayidow, xooggaagu wax weyn ha ahaado, sidaad u hadashay oo aad tidhi, 18 Rabbigu cadho waa u gaabiyaa, oo waa naxariis badan yahay, oo xumaanta iyo xadgudubka wuu dhaafaa, oo sinaba uma caddeeyo in kan dembiga galay aanu eed lahayn, oo xumaantii awowayaashana wuxuu gaadhsiiyaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad. 19 Haddaba waan ku baryayaaye, sida ay naxariistaadu u weyn tahay oo aad dadkan u cafiyi jirtay tan iyo dalkii Masar iyo ilaa haddeer dadkan xumaantooda saamax. 20 Markaasaa Rabbigu yidhi, Sidaad u tidhi, waan u saamaxay, 21 laakiinse sida runta ah anigu waan noolahay, oo dunida oo dhammuna waxay ka buuxsami doontaa ammaanta Rabbiga. 22 Kulli dadkii ammaantayda arkay, oo arkay calaamooyinkii aan ku sameeyey Masar iyo cidladii, oo weliba tobankan jeer i jirrabay oo aanay codkaygiina dhegaysan, 23 hubaal ma ay arki doonaan dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, oo intoodii i quudhsatayna midna ma arki doono. 24 Laakiinse addoonkayga Kaaleeb wuxuu lahaa ruux kaleeto oo dhammaan ahaan buu ii raacay, oo sidaas daraaddeed isaga waan geeynayaa dalkii uu tegey, oo farcankiisuna way lahaan doonaan. 25 Haddaba dooxada waxaa deggan reer Camaaleq iyo reer Kancaan. Idinku berrito dib u noqda, oo waxaad tagtaan cidladii ku taal jidka loo maro Badda Cas.
26 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, 27 Ilaa goormaan u adkaysanayaa shirkan sharka ah oo ii gunuusa? Waxaan maqlay gunuuskii ay reer binu Israa'iil ii gunuuseen. 28 Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaaye, hubaal sidaad dhegahayga ugu hadasheen ayaan idinku samaynayaa. 29 Meydadkiinnu waxay ku dhici doonaan cidladan, oo kulli kuwiinna la tiriyey sidii tiradiinnu ahayd oo ah intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd oo aniga ii gunuusay, 30 hubaal idinku geli maysaan dalkii aan ku dhaartay inaan idin dejinayo, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane. 31 Laakiinse yaryarkiinna aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyagaan keeni doonaa, oo iyagu way baran doonaan dalkii aad diiddeen. 32 Laakiinse idinka meydadkiinnu way ku dhici doonaan cidladan. 33 Oo carruurtiinnuna afartan sannadood ayay cidlada ku warwareegi doonaan, oo ilaa meydadkiinnu ay cidlada ku baabba'aan iyagu waxay sidi doonaan daacadnimola'aantiinna. 34 Oo maalmihii aad dalka ku soo basaasteen oo afartan maalmood ahaa, maalintiiba sannad ayaad dembiyadiinna u qaadanaysaan, oo idinku xumaantiinna waad qaadanaysaan xataa afartan sannadood, oo waxaad ogaan doontaan diidniintayda. 35 Anigoo Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay, oo hubaal waxan oo dhan ayaan ku samaynayaa shirkan sharka ah ee iiga wada ururay oo dhan. Cidladan ayay ku baabbi'i doonaan oo ku wada dhiman doonaan. 36 Oo nimankii Muuse u diray inay dalka soo basaasaan oo soo noqday oo shirka oo dhan ka dhigay inay isaga u gunuusaan markay dalkii war xun ka keeneen, 37 nimankaas oo war xun dalkii ka keenay ayaa belaayadii ku dhintay Rabbiga hortiisa. 38 Laakiinse Yashuuca ina Nuun iyo Kaaleeb ina Yefunneh ayaa nolol kaga hadhay nimankii tegey inay dalka soo basaasaan. 39 Markaasaa Muuse hadalkaas reer binu Israa'iil oo dhan u sheegay, kolkaasaa dadkii aad u baroorteen. 40 Markaasaa aroor hore kaceen, oo buurta dhaladeeday fuuleen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waa na kan, waanan u kacaynaa meeshii Rabbigu noo ballanqaaday, maxaa yeelay, waannu dembaabnay. 41 Kolkaasaa Muuse yidhi, War Rabbiga amarkiisa maxaad ugu xadgudbaysaan, waayo, taasu faa'iido idiinma lahaan doonto? 42 Halkaas ha u kicina, waayo, Rabbigu idinma dhex joogo ee yaan cadaawayaashiinnu idin layn. 43 Waayo, halkaas waxaa idinka horreeya reer Camaaleq iyo reer Kancaan, oo seeftaad ku le'an doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga lasocodkiisii dib baad uga noqoteen, oo sidaas daraaddeed Rabbigu idinla jiri maayo. 44 Laakiinse iyagii waxay ku sii adkaysteen inay buurta dhaladeedii fuulaan, habase yeeshee Muuse iyo sanduuqii axdiga Rabbigu xeradii kama ay bixin. 45 Kolkaasay reer Camaaleq iyo reer Kancaan oo buurta degganaa hoos u degeen, oo intay laayeen ayay tan iyo Xormaah eryadeen.
Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.
50 Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay,
Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
2 Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah
Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
3 Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono,
Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa,
Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.
4 Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare,
Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.
5 Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya,
Kuwii axdi igula dhigtay allabari.
6 Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona,
Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)
7 Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa,
Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa,
Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.
8 Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada,
Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.
9 Reerkaaga dibi ka qaadan maayo,
Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.
10 Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh,
Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.
11 Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan,
Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.
12 Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen,
Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh.
13 Miyaan cuni doonaa hilibka dibida,
Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?
14 Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa,
Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi,
15 Oo i bari maalinta dhibi jirto,
Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
16 Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa,
Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa,
Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?
17 Adigoo tacliinta neceb,
Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.
18 Markaad tuug aragtay waad oggolaatay,
Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.
19 Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo,
Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.
20 Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa,
Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
21 Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay,
Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah,
Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.
22 Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada,
Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,
23 Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa,
Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana
Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.
Xukunkii Yeruusaalem Iyo Yahuudah
3 Waayo, bal eega, Sayidka ciidammada ahu wuxuu Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ka qaadayaa tiirka iyo waxa la cuskado, xataa tiirka cuntada oo dhan, iyo tiirka biyaha oo dhan, 2 iyo ninka xoogga badan, iyo ninka dagaalyahanka ah, iyo xaakinka, iyo nebiga, iyo waxsheegaha, iyo odayga, 3 iyo sirkaalka konton u taliya, iyo ninka sharafta leh, iyo lataliyaha, iyo saanaca, iyo saaxirka. 4 Oo waxaan amiirro uga dhigi doonaa carruur, oo dhallaan baa iyaga u talin doona. 5 Oo dadkana midkood kastaba waxaa dulmi doona mid kale, oo mid kastaba waxaa dulmi doona deriskiisa, yarku wuxuu ku kibri doonaa odayga, oo kan hoosena kan sharafta leh. 6 Oo markaas nin wuxuu soo qaban doonaa walaalkiis oo jooga gurigii aabbihiis, oo wuxuu ku odhan doonaa, Adigu waxaad leedahay dhar, haddaba taliye noo noqo oo waxan burburka ahuna ha kaa hooseeyo. 7 Maalintaasba wuu dhawaaqi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Anigu bogsiiye noqon maayo, maxaa yeelay, gurigayga dhar iyo dhuuni midna laguma arko, haddaba dadka taliye ha iiga dhigina. 8 Waayo, Yeruusaalem waa duntay, oo dadka Yahuudahna waa dheceen, maxaa yeelay, hadalkooda iyo falimahooduba waxay col ku yihiin Rabbiga, oo indhihiisa ammaanta leh ayay ka cadhaysiiyaan. 9 Muuqashada wejigooda ayaa iyaga ku marag furta oo dembigoodana way u sheegaan sidii dadkii Sodom oo kale, oo innaba ma ay qarsadaan. Naftoodaa hoogtay! Waayo, xumaan bay isu keeneen. 10 Waxaad sheegtaan inuu kan xaqa ah barwaaqaysnaan doono, waayo, iyagu waxay cuni doonaan midhihii falimahooda. 11 Waxaa hoogay kan sharka ah, waayo, belaayaa ku dhici doonta, oo waxaa loo samayn doonaa wixii gacmihiisu sameeyeen oo kale. 12 Laakiinse waxaa dulma dadkayga carruur, oo dumar baa iyaga u taliya. Dadkaygow, hoggaamiyayaashaadu way ku qaldaan, oo waxay kharribaan jidkaaga aad ku socoto. 13 Rabbigu wuxuu u sara joogaa inuu doodo, oo wuxuu u taagan yahay inuu dadka xukumo. 14 Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan. 15 Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, War maxaad ula jeeddaan dadkayga aad burburinaysaan iyo masaakiinta aad wejigooda duqaynaysaan?
16 Oo weliba Rabbigu wuxuu yidhi, Gabdhaha Siyoon waa kibirsan yihiin, oo waxay socdaan iyagoo madax taagan oo indhaha ku baaqaya, oo qaadaya tallaabooyin yaryar oo degdeg ah, dugaagadaha cagahana way ka shanqadhiyaan, 17 haddaba sidaas daraaddeed gabdhaha Siyoon madaxooda dhaladiisa Sayidku wuxuu u yeeli doonaa canbaar, oo wuxuu muujin doonaa cawradooda. 18 Oo maalintaas Sayidku wuxuu iyaga ka qaadi doonaa quruxda dugaagadaha cagahooda, iyo shabagyada timaha, iyo bilaha, 19 iyo waxa dhegaha la sudho, iyo sindiyada, iyo indhashareeryada, 20 iyo waxa madaxa lagu sharraxo, iyo silsiladaha lugaha, iyo waxa madaxa lagu xidho, iyo weelasha cadarka, iyo qardhaasaha, 21 iyo kaatummada, iyo sangelisyada, 22 iyo dharka lagu iido, iyo shaadirrada, iyo go'yaasha, iyo boorsooyinka, 23 iyo muraayadaha, iyo dharka wanaagsan, iyo garbasaarrada, iyo gambooyinka. 24 Oo waxay noqon doontaa in meeshii ay ka carfi jireen ay ka qudhmuunaan doonaan, oo meeshii ay dhex-xidh ka xidhan jireenna xadhig bay dhexda ku xidhan doonaan, oo meeshii ay timo wanaagsan ka lahaayeenna waa looga xiiri doonaa, oo meeshii ay maro wanaagsan ka guntan jireenna, joonyad bay ka guntan doonaan, oo meeshii ay quruxda ka lahaayeenna waa laga sunti doonaa. 25 Raggaagu wuxuu ku le'an doonaa seefta, oo kuwaaga xoogga badanuna waxay ku le'an doonaan dagaalka. 26 Oo Siyoon irdaheeduna way ooyi doonaan oo ay barooran doonaan, oo iyadoo cidla ah ayay dhulka fadhiisan doontaa.
4 Oo maalintaas toddoba naagood ayaa isku nin qabsan doona, oo waxay ku odhan doonaan, Annagaa ismasruufayna oo annagaa is-arrad tirayna, ee magacaaga keliya ha lanoogu yeedho, oo ceebtayada naga fogee.
Biqilka Rabbiga
2 Oo maalintaas ayaa biqilka Rabbigu noqon doonaa wax qurux iyo ammaan badan, oo midhaha dhulkuna waxay kuwa reer binu Israa'iil oo baxsaday u noqon doonaan wax lagu faano oo quruxsan. 3 Oo waxay noqon doontaa in kii Siyoon ku hadhay iyo kii Yeruusaalem sii joogay loogu yeedho quduus, xataa mid kasta oo ku qoran kuwa Yeruusaalem ku nool dhexdooda 4 markii Sayidku maydho wasakhda dadka Siyoon, oo uu Yeruusaalem dhiiggeeda dhexdeeda kaga nadiifiyo ruuxa caddaaladda, iyo ruuxa wax guba. 5 Oo meel kasta oo la deggan yahay oo Buur Siyoon ku taal, iyo shirarkeeda oo dhanba Rabbigu wuxuu ku kor abuuri doonaa maalintii daruur iyo qiiq, habeenkiina dab ololaya iftiinkiis, oo ammaanta oo dhanna waxaa ka sarrayn doona dabool. 6 Oo maalinnimada waxaa jiri doona meel kulaylka laga hadhsado, iyo meel la galo, iyo meel laga dugsado duufaanka iyo roobka.
Rumaysad
11 Rumaysadku waa hubaasha waxyaalaha la rajeeyo, iyo xaqiiqaynta waxyaalaha aan la arkin. 2 Waayo, saasaa loogu markhaati furay waayeelladii. 3 Rumaysad ayaynu ku garanaynaa in duniyooyinka lagu abuuray erayga Ilaah, sidaas daraaddeed waxa la arko lagama samayn waxa muuqda. 4 Haabiil rumaysad ayuu Ilaah ugu bixiyey allabari aad uga wanaagsan kii Qaabiil, sidaas daraaddeed waxaa loogu markhaati furay inuu xaq yahay, Ilaahna waa ka markhaati furay hadiyadihiisii. Saas daraaddeed isagoo dhintay ayuu weli hadlaa. 5 Enoog rumaysad baa kor loogu qaaday si uusan dhimasho u arag, lamana helin, maxaa yeelay, Ilaah baa isagii qaaday, waayo, intaan kor loo qaadin ka hor ayaa markhaati loo furay inuu Ilaah ka farxiyey. 6 Oo rumaysadla'aantiis ma suurtowdo in isaga laga farxiyo, taas aawadeed kan Ilaah u yimaadaa waa inuu rumaysto inuu jiro oo uu yahay kan u abaalguda kuwa isaga doondoona. 7 Nuux oo Ilaah uga digay waxyaalo aan weli la arkin ayaa cabsaday, oo rumaysad buu ku diyaariyey doonni in reerkiisu ku badbaado, sidaasuu dunida u xukumay oo ku noqday mid dhaxla xaqnimada rumaysadka ku timaada. 8 Ibraahim kolkii loo yeedhay, rumaysad buu ku addeecay inuu tago meeshuu ku heli lahaa dhaxalka, wuuna tegey isagoo aan garanaynin meeshuu ku socdo. 9 Rumaysad buu ku degganaa dhulkii loo ballanqaaday sidii dhul qalaad, wuxuuna taambuugyo la degganaa Isxaaq iyo Yacquub oo ahaa kuwii la dhaxlay isku ballan. 10 Waayo, wuxuu filanayay magaalo aasaas leh oo kan dhisay oo sameeyey uu Ilaah yahay. 11 Saarah qudheedu rumaysad bay ku heshay xoog ay ku uuraysato, oo iyadoo dhaaftay wakhtigii dhalmada ayay dhashay, waayo, waxay ku tirisay ku aamin ah kii u ballanqaaday. 12 Sidaas daraaddeedna waxaa mid sidii nin dhintay oo kale ah ka dhashay dad u badan sida xiddigaha cirka iyo sida cammuudda badda xeebteeda taal oo aan la tirin karin.
13 Kuwaasu kulligood rumaysad bay ku wada dhinteen, iyagoo aan helin waxyaalihii loo ballanqaaday, laakiin meel fog bay ka arkeen oo way aqbaleen, oo waxay qirteen inay dhulka ku ahaayeen shisheeyayaal iyo dad sodcaal ah. 14 Waayo, kuwa waxyaalahan oo kale yidhaahdaa waxay muujiyaan inay doondoonayaan waddan kooda ah. 15 Oo hadday xusuusnaayeen waddankii ay ka baxeen way heli lahaayeen wakhti ay ku noqdaan. 16 Laakiin imminka waxay aad u doonayaan waddan ka wanaagsan oo ah jannada, sidaas daraaddeed Ilaah ka xishoon maayo in loogu yeedho Ilaahood, waayo, wuxuu iyaga u diyaariyey magaalo.
17 Ibraahim kolkii la jirrabay, rumaysad buu Isxaaq allabari ahaan ugu bixiyey. Kii ballamada aqbalay ayaa wuxuu bixinayay wiilkiisii keliyaha, 18 in kastoo lagu yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa. 19 Wuxuu ku tirinayay in Ilaah ka kicin karo xataa kuwii dhintay; oo sida masaal oo kale ayuu isagii uga helay kuwii dhintay. 20 Isxaaq rumaysad buu ugu duceeyey Yacquub iyo Ceesaw xagga waxyaalaha iman doona. 21 Yacquubna markuu dhimanayay rumaysad buu ugu duceeyey mid kasta oo wiilashii Yuusuf ka mid ah, oo Ilaahna wuu caabuday isagoo cuskanaya ushiisa guudkeeda. 22 Yuusufna markii dhimashadiisii dhowayd rumaysad buu kaga hadlay bixitinka reer binu Israa'iil, wuxuuna ka dardaarmay lafihiisa.
23 Muusena markuu dhashay, waalidkiis rumaysad bay ku qariyeen saddex bilood, maxaa yeelay, waxay arkeen inuu ilmo wanaagsan yahay, kamana ay cabsan amarkii boqorka. 24 Muuse markuu weynaaday rumaysad buu ku diiday in loogu yeedho wiilkii gabadha Fircoon. 25 Oo wuxuu ka doortay in lala silciyo dadkii Ilaah intuu wakhti yar dembi ku farxi lahaa; 26 isagoo ku tirinaya cayda lagu caayo Masiixa aawadiis inay ka qiimo weyn tahay maalka Masar, waayo, wuxuu filanayay abaalgudka. 27 Rumaysad buu kaga tegey Masar isagoo aan ka cabsanayn boqorka cadhadiisii, waayo, wuxuu u adkaystay sidii mid fiirinaya kan aan la arkin. 28 Rumaysad buu ku sameeyey Kormaridda iyo dhiigga rushayntiisii inuusan Baabbi'iyihii curadyadu iyaga taaban. 29 Rumaysad bay ku dhex mareen Badda Cas sidii dhul engegan, laakiin markay Masriyiintu saas isku dayeen, way liqday.
30 Derbiyadii Yerixoo rumaysad bay ku dumeen kolkii toddoba maalmood lagu warwareegay dabadeed. 31 Dhilladii Raxab rumaysadkeedii aawadiis lama ay halligmin kuwii caasiyiinta ahaa, maxaa yeelay, basaasyadii bay nabad ku dhowaysay.
32 Oo maxaan kale oo idhaahdaa? Waayo, wakhtigu waa igu gaabnaan doonaa haddaan wax ka sheegi lahaa Gidcoon, iyo Baaraaq, iyo Samsoon, iyo Yeftaah, iyo Daa'uud, iyo Samuu'eel iyo nebiyadii. 33 Rumaysad bay kaga adkaadeen boqortooyooyin, oo xaqnimo ku sameeyeen, oo ballamo ku heleen, oo afafka libaaxyada ku xidheen, 34 oo xooggii dabka ku demiyeen, oo seefta afkeedii kaga baxsadeen, oo itaaldarradii kaga xoogaysteen, oo dagaal ku itaal weynaadeen, oo colalkii shisheeyaha ku eryeen. 35 Dumar baa waxay heleen kuwii ka dhintay iyagoo la sara kiciyey, qaar kalena waa la xanuujiyey ilaa ay ka dhinteen iyagoo aan aqbalin in la samatabbixiyo si ay ku gaadhaan sarakicid ka wanaagsan. 36 Qaar kalena waxay jirrabaad ahaan ula kulmeen majaajilo iyo karbaashid iyo weliba silsilado iyo xabbis. 37 Waana la dhagxiyey, miinshaarna waa lagu kala jeexay, waana la jirrabay, seefna waa lagu gowracay, wayna warwareegeen iyagoo qaba hargo idaad iyo hargo riyood, iyagoo caydh ah oo la dhibay oo la silciyey. 38 Dunidu ma ay istaahilin iyagii. Waxayna warwareegi jireen lamadegaanka iyo buuraha iyo boholaha iyo godadka dhulka. 39 Kuwaas oo dhammu, iyagoo loo markhaati furay rumaysadkoodii daraaddiis, ayaanay helin wixii loo ballanqaaday; 40 waayo, Ilaah wuxuu hore u arkay wax ka wanaagsan oo inagu saabsan, inaan la'aanteen iyaga kaamil laga dhigin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya