M’Cheyne Bible Reading Plan
Qurbaanka Hadhuudhka Ah
2 Oo markii qof qurbaan hadhuudh ah Rabbiga u bixinayo, qurbaankiisu ha ahaado bur, oo waa inuu saliid ku shubaa, oo fooxna saaraa. 2 Oo isagu ha u keeno wadaaddada wiilasha Haaruun ah, oo cantoobo muggeed ha ka qaato burka, iyo saliidda, iyo fooxa oo dhan, oo wadaadku xusuus ahaan meesha allabariga dusheeda ha ugu gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 3 Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadhana waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa; oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.
4 Oo markaad bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo foorno lagu dubay, ha ahaado moofo aan khamiir lahayn oo laga sameeyo bur saliid lagu daray, ama canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay. 5 Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo digsi lagu dubay, ha ahaado bur aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray. 6 Waa inaad cad cad u kala jejebisid oo aad saliid ku shubtid, waayo, waa qurbaan hadhuudh ah. 7 Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo birdaawe lagu dubay, markaas ha laga sameeyo bur saliid lagu daray. 8 Oo qurbaanka hadhuudhka ah oo waxyaalahaas laga sameeyey waa inaad Rabbiga u keentaa, oo waa in wadaadka loo dhiibaa, oo isna meesha allabariga ha keeno. 9 Oo wadaadku qurbaanka hadhuudhka ah waa inuu ka qaadaa intii xusuusta ahayd, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 10 Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadho waa in Haaruun iyo wiilashiisu iska lahaadaan, oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo. 11 Qurbaan hadhuudh ah oo aad Rabbiga u bixinaysaan waa inaan khamiir lagu samayn, waayo, waa inaydaan khamiir iyo malab toona sidii qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo u gubin. 12 Iyaga waa inaad Rabbiga ugu bixisaan sidii qurbaan midhaha ugu horreeya ah, laakiinse waa inaan meesha allabariga loogu dul gubin caraf udgoon aawadeed. 13 Oo qurbaan kasta oo ah qurbaankaaga hadhuudhka ah waa inaad cusbaysaa, oo waa inaadan innaba u oggolaan in cusbadii axdiga Ilaahaaga ay ka maqnaato qurbaankaaga hadhuudhka ah. Qurbaannadaada oo dhan waa inaad cusbo la bixisaa.
14 Oo haddaad Rabbiga u bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo midhaha ugu horreeya ah, qurbaankaaga hadhuudhka ah oo midhaha ugu horreeya ah waxaad u bixisaa sabuul qoyan oo la dubay oo la tumay. 15 Oo waa inaad saliid ku shubtaa, fooxna saartaa, waayo, taasu waa qurbaan hadhuudh ah. 16 Oo wadaadku waa inuu gubaa intii xusuusta ahayd, oo qaarkeed ha ahaado hadhuudhka tuman, qaarkeedna ha ahaado saliiddeeda, iyo fooxeeda oo dhan, waayo, taasu waa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
Allabariga Qurbaannada Nabaadiinada Ah
3 Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah, oo uu lo'da ka bixinayo, lab ama dhaddig midduu yahayba, waa inuu Rabbiga hortiisa ku bixiyaa neef aan iin lahayn. 2 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu ku ag gowracaa iridda teendhada shirka, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga. 3 Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan, 4 iyo labada kelyood iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado. 5 Oo wiilasha Haaruun waa inay ku dul gubaan meesha allabariga iyo qurbaanka la gubayo oo kor saaran qoryaha dabka, waayo, taasu waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
6 Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah oo uu adhiga ka bixinayo, lab iyo dhaddig miduu yahayba, waa inuu bixiyaa neef aan iin lahayn. 7 Oo hadduu qurbaankiisa wan yar ku bixinayo, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo. 8 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu teendhada shirka horteeda ku gowracaa, oo wiilashii Haaruun waa inay neefka dhiiggiisa ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga. 9 Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydhiisa iyo badhidiisa oo dhan, taasoo uu ka gooyo meesha ay lafta dhabarka ka haysato, iyo xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan, 10 iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado. 11 Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.
12 Oo haddii qurbaankiisu neef riyo ah yahayna, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo. 13 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka, oo teendhada shirka horteeda waa inuu ku gowracaa, oo wiilasha Haaruunna neefka dhiiggiisa waa inay ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga. 14 Oo isagu ha bixiyo qurbaankiisii, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo oo ah xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan, 15 iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado. 16 Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaankii dabka loogu sameeyo caraf udgoon. Xaydha oo dhan Rabbigaa iska leh. 17 Tan iyo ab ka ab waa inuu qaynuun joogto ah ku ahaadaa meel kastoo aad deggan tihiinba inaydaan cunin xaydh iyo dhiig midnaba.
Ciise Baa Ka Ag Muuqday Bad Tiberiyas
21 Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa mar kale xertii isugu muujiyey Bad Tiberiyas agteeda. Oo sidatan ayuu isu tusay. 2 Waxaa wada joogay Simoon Butros, iyo Toomas ka la yidhaahda Didumos, iyo Nataana'el oo ahaa kii Kaana tii Galili, iyo wiilashii Sebedi, iyo laba kale oo xertiisa ah. 3 Simoon Butros wuxuu iyaga ku yidhi, Waa soo kalluumaysanayaa. Markaasay ku yidhaahdeen, Annana waa ku raacaynaa. Markaasay tageen oo doonnida fuuleen; laakiin habeenkaas waxba ma ay qaban. 4 Laakiin markii waagu beryay Ciise wuxuu taagnaa xeebta, xertiisiise ma ay garanaynin inuu Ciise yahay. 5 Markaasaa Ciise haddaba ku yidhi, Carruur yahay, wax la cuno ma haysaan? Waxay ugu jawaabeen, Maya. 6 Markaasuu ku yidhi, Shabagga ku tuura dhinaca midigta ee doonnida, waadna heli doontaane. Haddaba way tuureen, oo ma ayna karin inay soo jiidaan, kalluunka faro badnaantiisa aawadeed. 7 Kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa ayaa ku yidhi Butros, Waa Sayidkii. Haddaba markuu Simoon Butros maqlay inuu Sayidka yahay, ayuu dharkiisa guntaday (waayo, wuu qaawanaa), oo wuxuu isku tuuray badda. 8 Laakiin xertii kale waxay ku yimaadeen sixiimadda yar (waayo, kama ay fogayn dhulka, laakiin waxay u jireen qiyaastii laba boqol oo dhudhun), waxayna jiidayeen shabaggii kalluunka. 9 Haddaba markay dhulkii u soo degeen waxay arkeen dab dhuxul ah iyo kalluun saaran iyo kibis. 10 Markaasaa Ciise ku yidhi iyagii, Keena qaar kalluunkaad hadda soo qabateen. 11 Haddaba Simoon Butros ayaa sixiimaddii fuulay, oo wuxuu xagga dhulka u jiiday shabaggii oo ka buuxa boqol iyo saddex iyo konton kalluun oo waaweyn, oo in kastoo ay faro badnaayeen shabaggii ma dillaacin. 12 Markaasaa Ciise wuxuu iyaga ku yidhi, Kaalaya oo quraacda. Oo xertii midkoodna kuma uu dhicin inuu yidhaahdo, Kumaad tahay? waayo, waxay garanayeen inuu Sayidka yahay. 13 Kolkaasaa Ciise yimid oo qaaday kibistii oo siiyey iyaga, kalluunkiina sidoo kale. 14 Taasu waa markii saddexaad oo Ciise xertii isu muujiyey markii uu kuwa dhintay ka soo sara kacay dabadeed.
Hadalladii U Dambeeyey Oo Ciise Kula Hadlay Butros
15 Haddaba markay quraacdeen dabadeed Ciise wuxuu Simoon Butros ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, kuwan ma iga jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Baraarkayga daaji. 16 Haddana wuxuu mar labaad ku yidhi isaga, Simoon ina Yoonisow, ma i jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Idahayga ilaali. 17 Markii saddexaad ayuu ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, Ma i jeceshahay? Butros ayaa ka calool xumaaday, waayo, wuxuu markii saddexaad ku yidhi, Ma i jeceshahay? Markaasuu ku yidhi, Sayidow, wax walba waad og tahay, waadna garanaysaa inaan ku jeclahay. Ciise ayaa ku yidhi, Idahayga daaji. 18 Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Markaad yarayd adigu waad guntan jirtay, oo waxaad mari jirtay meeshaad doonaysay, laakiin markaad gabowdid, gacmahaad kala bixin doontaa, oo mid kalaa kuu guntin doona, oo wuxuu kuu qaadi doonaa meel aadan doonayn. 19 Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso dhimashaduu Ilaah ku ammaani doono. Markuu waxaas yidhi dabadeed, wuxuu ku yidhi, I soo raac.
20 Butros markuu jeestay wuxuu arkay kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa oo daba socda; isagu wuxuu ahaa kii laabta Ciise ku tiirsanaa wakhtigii cashada oo ku yidhi, Sayidow, waa kuma kan ku gacangelin doonaa? 21 Haddaba Butros markuu arkay, wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, kanna ka warran? 22 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaan doonayo inuu joogo ilaa aan imanayo, maxaa kaa galay? Adigu i soo raac. 23 Haddaba waxaa walaalaha ku dhex faafay hadalkaas oo leh, Kaas oo xerta ka mid ahaa ma dhiman doono. Laakiin Ciise kuma odhan, Ma dhiman doono, wuxuuse yidhi, Haddaan doonayo inuu joogo ilaa aan imanayo, maxaa kaa galay?
Dhammaadka
24 Kan weeye kii xerta ahaa oo u marag furay waxyaalahan, oo qoray waxyaalahan, oo waxaannu garanayna maraggiisu inuu run yahay.
25 Waxaana jira waxyaalo badan oo kale oo Ciise sameeyey, oo haddii mid mid loo wada qoro, waxaan u malaynayaa inaan dunidu qaaddeen buugagga laga qoro.
18 Kii gooni isu soocaa, wuxuu doondoonaa damaciisa,
Oo xigmadda oo dhanna wuu ku kacaa.
2 Nacasku waxgarashada kuma farxo,
Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.
3 Markii kii shar lahu yimaado waxaa kaloo timaada quudhsasho,
Sharafla'aantana waxaa la timaada ceeb.
4 Nin afkiis erayada ku jiraa waa sida biyo gun dheer,
Oo isha xigmadduna waa sida durdur socda.
5 Ma wanaagsana in kan sharka leh loo eexdo,
Ama in kan xaqa ah garta lagu afgembiyo.
6 Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran,
Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.
7 Nacaska afkiisu waa u baabba',
Oo bushimihiisuna naftiisay dabin u noqdaan.
8 Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan,
Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.
9 Kii shuqulkiisa caajis ku ahu,
Wuxuu walaal u yahay kii wax kharriba.
10 Rabbiga magiciisu waa noobiyad xoog leh,
Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa.
11 Ninkii taajir ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh,
Oo waa u derbi dheer sida ay la tahay isaga.
12 Dadka qalbigiisu waa kibraa intaanu baabbi'in ka hor,
Oo sharaftana waxaa ka horraysa is-hoosaysiinta.
13 Kii xaajo ka jawaabaa isagoo aan maqlin,
Waa u nacasnimo iyo ceeb.
14 Nin qalbigiisu waa u adkaysan karaa cudurkiisa,
Laakiinse qalbi jaban bal yaa u dulqaadan kara?
15 Kii miyir leh qalbigiisu wuxuu helaa aqoon,
Oo kuwa caqliga leh dhegtooduna waxay doondoontaa aqoon.
16 Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa.
Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn.
17 Kii dacwaddiisa u hor mara, mid xaq ah baa la moodaa,
Laakiinse deriskiisaa ka daba yimaada oo imtixaama isaga.
18 Saamigu wuxuu joojiyaa murammo,
Oo wuxuu kala kaxeeyaa kuwa xoogga badan.
19 In walaal la xumeeyey la soo celiyo waa ka sii adag tahay in magaalo xoog leh la qabsado,
Oo murammona waa ka xoog badan yihiin qalcad biraheeda.
20 Nin calooshiisu waxay ka buuxsami doontaa midhaha afkiisa,
Oo wuxuu isagu ka dhergi doonaa waxa bushimihiisa u kordha.
21 Geeri iyo nololuba waxay ku jiraan itaalka carrabka,
Oo kuwa jeceluna waxay cuni doonaan midhihiisa.
22 Ku alla kii afo helaa wuxuu helaa wax wanaagsan,
Oo Rabbigana raallinimuu ka helaa.
23 Miskiinku baryootan buu ku hadlaa,
Laakiinse taajirku si qallafsan buu ugu jawaabaa.
24 Ninkii saaxiibbo badsadaa naftiisuu kharribaa,
Laakiin waxaa jira saaxiib walaalkaa kaaga dhow.
WARQADDII RASUUL BAWLOS U QORAY DADKII
KOLOSAY
Salaan
1 Anigoo ah Bawlos, oo ah rasuulkii Ciise Masiix xagga doonista Ilaah, iyo walaalkeen Timoteyos, 2 waxaannu warqaddan u qoraynaa quduusiinta iyo walaalaha aaminka ah ee Masiixa ku jira oo Kolosay jooga. Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah.
Mahadnaqid Iyo Duco
3 Waxaannu ku mahadnaqnaa Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix, annagoo had iyo goorba idiin soo ducaynayna. 4 Waxaannu maqalnay rumaysadkiinna xagga Ciise Masiix iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan, 5 rajada jannada laydiin dhigay aawadeed, taas oo aad hore ugu maqasheen hadalka runta ah oo injiilka. 6 Kaasu waa idiin yimid, xataa siduu ugu yimid dunida oo dhan isagoo midho dhalaya oo kordhaya, sida uu idinkana midho idiinku dhalayo oo idiinku kordhayo, tan iyo maalintii aad maqasheen oo aad ogaateen nimcada Ilaah oo runta ku jirta. 7 Sidaasaad ka barateen gacaliyeheenna Ebafras oo addoon nala ah, oo Masiixa u ah midiidin aamin ah aawadeen, 8 kaas oo weliba noo caddeeyey jacaylkiinna Ruuxa ku jira.
Ciise Masiix Wuxuu Yahay Iyo Wuxuu Sameeyey
9 Sababtaas daraaddeed tan iyo maalintii aannu taas maqalnay ma aannu joojin inaannu idiin soo ducayno. Waxaannu Ilaah idiin baryaynaa inay idinka buuxsanto aqoonta doonistiisa xagga xigmadda iyo waxgarashada Ruuxa oo dhan, 10 inaad u socotaan si Rabbiga istaahisha oo aad wax kasta isaga kaga farxisaan, idinkoo midho ku soo saaraya shuqul kasta oo wanaagsan oo ku sii kordhaya aqoonta Ilaah. 11 Weliba waxaannu Ilaah baryaynaa inaad ku xoogaysataan xoog oo dhan sida uu yahay itaalka ammaantiisu xagga adkaysashada iyo dulqaadashada farxaddu la jirto oo dhan. 12 Mahad baannu u naqaynaa Aabbaha inaga dhigay kuwa istaahila inay ka qayb qaataan dhaxalka quduusiinta nuurka ku jirta. 13 Isagu waa inaga samatabbixiyey xoogga gudcurka, oo wuxuu inoo beddelay boqortooyadii Wiilka jacaylkiisa, 14 kaas oo aynu ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafka. 15 Isagu waa suuraddii Ilaaha aan la arki karin, oo ah curadka uunka oo dhan; 16 waayo, wax kastaba isagaa uumay, waxyaalaha samooyinka ku jira, iyo waxyaalaha dhulka joogaba, waxyaalaha la arki karo iyo waxyaalaha aan la arki karinba, hadday yihiin carshiyo ama sayidnimo ama madax ama amarro; wax walba isagaa uumay oo loo uumay. 17 Isagu wax kastaba wuu ka horreeyaa, oo wax kastaaba isagay isku haystaan. 18 Oo isagu waa madaxa jidhka, kaas oo ah kiniisadda, oo isagu waa bilowgii iyo curadka kuwii dhintay ka kacay, si uu uga horreeyo wax kastaba. 19 Waayo, waxaa Aabbaha ka farxisay in buuxnaanta oo dhammu ay isaga ku jirto, 20 iyo inuu isaga wax kastaba xaggiisa kula heshiiyo, isagoo kula nabday dhiiga iskutallaabtiisa; hadday yihiin waxyaalaha dhulka jooga ama hadday yihiin waxyaalaha samooyinka ku jiraba. 21 Idinku waa hore waxaad ahaydeen kuwo ajanabi laga dhigay, oo maankiinnana cadow baad ka ahaydeen xagga shuqulladiinna sharka ah, 22 laakiinse haatan isagu wuxuu idinkula heshiiyey jidhkiisii aadmiga oo dhintay, inuu isagu hortiisa idin keeno idinkoo quduus ah oo aan iin iyo eed midna lahayn, 23 haddii aad ku sii jirtaan iimaanka, oo aad gun iyo xidid adag ku leedihiin, oo aydnaan ka fogaan rajadii injiilkii aad maqasheen, kaas oo lagu wacdiyey uunka samada ka hooseeya oo dhan, oo anigoo Bawlos ah layga dhigay midiidin.
Qaybtii Uu Bawlos Ka Qaatay Shuqulka Ciise Masiix
24 Haatan waxaan ku farxaa xanuunsigayga aan idiin xanuunsado, oo waxaan dhammaystiraa dhibaatooyinka Masiixa oo jidhkayga ku dhiman jidhkiisa aawadiis kaasoo ah kiniisadda. 25 Taas waxaa la iiga dhigay midiidin xagga wakiilnimada Ilaah oo aniga aawadiin la ii siiyey inaan dhammaan erayga Ilaah ku wada wacdiyo. 26 Wuxuu ahaa wax aan la garanayn oo qarsoonaa tan iyo weligiis iyo qarni kasta, laakiinse haatan waxaa loo muujiyey quduusiintiisa. 27 Kuwaas Ilaah baa ku farxay inuu iyaga ogeysiiyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta qarsoodigan ee ku dhex jira quruumaha, kaas oo ah Masiixa idinku jira oo ah rajada ammaanta. 28 Isaga waannu naadinnaa, annagoo nin kasta waaninayna oo nin kasta wax ku barayna xigmad oo dhan, inaannu nin walba hor keenno isagoo Masiixa kaamil ku ah. 29 Taas ayaan u hawshoodaa anigoo aad u dadaalaya sida uu yahay shuqulkiisa si xoog leh igaga dhex shaqeeyaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya