Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

M’Cheyne Bible Reading Plan

The classic M'Cheyne plan--read the Old Testament, New Testament, and Psalms or Gospels every day.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Bilowgii 48

Manaseh Iyo Efrayim

48 Waxyaalahaas ka dib waxaa Yuusuf lagu yidhi, Bal eeg, aabbahaa waa bukaaye. Markaasuu wuxuu kaxaystay labadiisii wiil oo ahaa Manaseh iyo Efrayim. Kolkaasaa waxaa Yacquub loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Bal eeg, wiilkaagii Yuusuf baa kuu imanaya. Markaasaa Israa'iil intuu xoog isgeliyey ayuu soo dul fadhiistay sariirtiisii. Markaasaa Yacquub wuxuu Yuusuf ku yidhi, Ilaaha Qaadirka ah ayaa iigu muuqday Luus oo ku taal dalka Kancaan, wuuna i barakeeyey, oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg waan ku badin doonaa, waanan ku tarmin doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa dad fara badan; dhulkanna waxaan siin doonaa farcankaaga kaa dambeeya, inuu hanti aan weligeed dhammaanayn u ahaado. Haddaba labadaadii wiil oo dalka Masar kuugu dhashay, intaanan kuugu iman Masar, anigaa iska leh. Efrayim iyo Manaseh ayaan u lahaan doonaa sida Ruubeen iyo Simecoon. Carruurta aad iyaga ka dib dhasho, adigaa iska lahaan doona, waana in loo bixiyo magacyada walaalahood markay wax dhaxlaan. Anigana, markii aan ka imid Fadan ayaa Raaxeel igaga dhimatay dalkii Kancaan waddada loo maro, intaanan weli Efrad soo gaadhin; oo kolkaasaan iyadii ku aasay waddada loo maro Efrad, meeshaasuna waa Beytlaxam. Markaasaa Israa'iil intuu wiilashii Yuusuf dhugtay ayuu yidhi, Kuwanu waa ayo? Markaasaa Yuusuf wuxuu aabbihiis ku yidhi, Waa wiilashaydii Ilaah halkan igu siiyey. Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, iyaga ii soo dhowee, waanan u ducaynayaa. 10 Haddaba Israa'iil cimrigiisii dheeraa aawadiis ayuu la indha darnaaday, sidaas daraaddeed waxba ma uu arki karin. Kolkaasuu iyagii u soo dhoweeyey, wuuna isku duubay oo dhunkaday. 11 Markaasaa Israa'iil wuxuu Yuusuf ku yidhi, Uma aan malaynayn inaan wejigaaga arki doono, oo bal eeg, Ilaah weliba wuxuu i tusay xataa farcankaagii. 12 Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ka durkiyey lowyihiisii; oo intuu sujuuday ayuu wejigiisii dhulka saaray. 13 Markaasuu Yuusuf labadoodiiba kaxeeyey, intuu Efrayim gacantiisii midigta ahayd ku qabtay oo ku toosan Israa'iil bidixdiisa, Manasehna ku qabtay bidixdiisii oo ku toosan midigtii Israa'iil, wuuna u soo dhoweeyey iyagii. 14 Markaasaa Israa'iil soo fidiyey gacantiisii midigta ahayd, oo wuxuu saaray madaxii Efrayim oo kii yaraa ahaa. Gacantiisii bidixda ahaydna wuxuu saaray Manaseh madaxiisii, wuuna isdhaafiyey gacmihiisii, maxaa yeelay, Manaseh wuxuu ahaa curadkii. 15 Markaasuu Yuusuf u duceeyey, oo wuxuu yidhi, Ilaaha aabbahay Isxaaq iyo awowgay Ibraahim ay ku hor socdeen, oo ah Ilaaha i quudinayay intii aan noolaa oo dhan ilaa maanta, 16 iyo malaa'igtii iga soo samatabbixisay xumaato oo dhan, wiilasha ha barakeeyeen; oo magacayga ha lagu magacaabo iyaga, iyo magicii aabbahay Isxaaq, iyo kii awowgay Ibraahim; oo dad faro badan dhulka ha ku noqdeen. 17 Oo markii Yuusuf arkay in aabbihiis gacantiisii midigta ahayd Efrayim madaxiisa saaray ayuu taas ka xumaaday; markaasuu gacantii aabbihiis qabtay inuu ka qaado Efrayim madaxiisa oo uu saaro Manaseh madaxiisa. 18 Oo Yuusufna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, saas ma aha, waayo, kanu waa curadkii ee gacantaada midigta ah madaxiisa saar. 19 Markaasaa aabbihiis diiday oo wuxuu ku yidhi, Waan ogahay, waan ogahay, wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu noqon doonaa quruun, wuuna weynaan doonaa; habase yeeshee walaalkiisa ka yar baa ka weynaan doona, oo farcankiisu wuxuu noqon doonaa quruumo faro badan. 20 Oo maalintaasuu u duceeyey iyagii, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil idinkay idinku ducaysan doonaan, iyagoo leh, Ilaah ha kaa dhigo sidii Efrayim iyo sidii Manaseh. Oo Efrayimna wuxuu ka hor mariyey Manaseh. 21 Oo Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse Ilaah baa kula jiri doona, oo mar labaadna wuxuu ku geeyn doonaa dhulkii awowayaashaa. 22 Oo weliba waxaan ku siiyey qayb dheeraad ah, oo aad walaalahaa dheer tahay, waana tii aan reer Amor kaga qaatay seeftayda iyo qaansadayda.

Luukos 1:39-80

Maryan Waxay Booqatay Elisabed; Gabaygii Maryan Ee Ammaanta Ahaa

39 Maalmahaas Maryan baa kacday, oo waxay dhaqso u tagtay dhulkii buuraha lahaa ilaa magaalo ka mid ah reer Yahuudah, 40 oo waxay gashay gurigii Sakariyas, oo salaantay Elisabed. 41 Oo waxaa dhacay goortii Elisabed salaantii Maryan maqashay in ilmihii uurkeeda ku boodbooday; Elisabedna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah. 42 Markaasay cod dheer ku qaylisay oo tidhi, Dumarka dhexdooda waad ku barakaysan tahay, oo midhaha uurkaaga waa barakaysan yahay. 43 Xaggee waxanu iiga yimaadeen in Sayidkayga hooyadiis iigu timaado? 44 Bal eeg, markii codkii salaantaadu dhegahayga ku dhacay, ilmaha uurkayga ku jira ayaa farxad la boodbooday. 45 Waxaa barakaysan tii rumaysatay; waayo, waxyaalihii xagga Rabbiga looga sheegay ayay dhici doonaan. 46 Maryanna waxay tidhi,

Naftaydu Rabbigay weynaynaysaa,
47 Ruuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah.
48 Waayo, wuxuu eegay hoosaysnimada addoontiisa,
Bal eeg, tan iyo hadhow qarniyada oo dhammu waxay iigu yeedhi doonaan tan barakaysan.
49 Waayo, kan xoogga leh ayaa waxyaalo waaweyn ii sameeyey;
Magiciisuna waa Quduus,
50 Tan iyo ab ka ab naxariistiisu waxay gaadhaa
Kuwa isaga ka cabsada.
51 Wuxuu xoog ku sameeyey gacantiisa,
Oo kuwii fikirradii qalbigoodii ku kibray ayuu kala firdhiyey.
52 Kuwii xoogga lahaa ayuu carshiyadoodii ka soo dejiyey
Oo kuwii hooseeyey ayuu sarraysiiyey.
53 Kuwii gaajaysnaa ayuu wax wanaagsan ka dhergiyey,
Kuwii hodanka ahaana iyagoo madhan ayuu diray.
54 Midiidinkiisii Israa'iil ayuu caawiyey
Inuu xusuusto inuu u naxariisto
55 Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba
(Siduu awowayaasheennii ula hadlay).

56 Maryan waxay iyada la joogtay abbaaraha saddex bilood, markaasay gurigeeda ku noqotay.

Dhalashadii Yooxanaa Baabtiisaha; Aabbihiis Gabaygiisii Ammaanta Ahaa

57 Hadda Elisabed wakhtigii ay umuli lahayd ayaa la joogay, oo wiil bay dhashay. 58 Derisyadeedii iyo xigaalkeedii ayay maqleen siduu Rabbigu naxariistiisii ugu weyneeyey iyada, wayna la farxeen. 59 Waxaa dhacay inay maalintii siddeedaad u yimaadeen inay wiilkii gudaan, oo waxayna u bixiyeen magicii aabbihiis Sakariyas. 60 Kolkaasaa hooyadiis u jawaabtay oo ku tidhi, Sidaas ma aha; waxaase loogu yeedhi doonaa Yooxanaa. 61 Waxay ku yidhaahdeen, Xigaalkaaga kuma jiro qof magacaas loo bixiyey. 62 Waxay aabbihiis gacan ugu tilmaameen oo weyddiiyeen wuxuu doonayay in loogu yeedho. 63 Markaasuu wuxuu weyddiistay loox oo ku qoray, isagoo leh, Magiciisu waa Yooxanaa. Wayna wada yaabeen. 64 Kolkiiba afkiisii ayaa furmay, oo carrabkiisiina waa debcay, markaasuu hadlay oo Ilaah ammaanay. 65 Dadkii agtooda joogay oo dhammu way wada cabsadeen, oo hadalladan oo dhan waa lagaga hadlayay dalkii buuraha lahaa oo Yahuudiya oo dhan. 66 Kuwa waxyaalahaas maqlay oo dhan ayaa qalbigooda geliyey oo waxay yidhaahdeen, Haddaba ilmahanu muxuu noqon doonaa? Waayo, gacantii Rabbiga ayaa la jirtay isaga.

67 Markaasaa aabbihiis Sakariyas waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, waxna wuu sii sheegay isagoo leh,

68 Ha ammaanmo Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil,
Waayo, dadkiisii ayuu soo booqday oo furtay.
69 Badbaadiye xoog leh ayuu inoogu kiciyey
Gurigii midiidinkiisa Daa'uud,
70 (Siduu afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii uga hadli jiray),
71 Inuu inaga badbaadiyo cadaawayaasheenna iyo gacanta kuwa ina neceb oo dhan,
72 Iyo inuu u naxariisto awowayaasheen,
Iyo inuu axdigiisii quduuska ahaa xusuusto,
73 Oo ahaa dhaartii uu awoweheennii Ibraahim ugu dhaartay,
74 Inuu ina siiyo innagoo cadaawayaasheenna gacmahooda laynaga bixiyey
Inaynu baqdinla'aan isaga ugu hawshoonno
75 Quduusnimada iyo xaqnimada isaga hortiisa cimrigeenna oo dhan.
76 Adiguna, ilma yahow, waxaa laguugu yeedhi doonaa nebigii Kan ugu sarreeya,
Waayo, waxaad hor mari doontaa Rabbiga hortiisa inaad jidadkiisa diyaargaraysid;
77 Oo aad dadkiisa ogeysiisid badbaadada
Ee dembidhaafkooda ah,
78 Ee laga hela naxariista weyn ee Ilaaheenna,
Tan qorraxda soo baxda xagga sare inaga soo booqan doonta,
79 Inay iftiimiso kuwa fadhiya gudcurka iyo hooskii dhimashada,
Iyo inay cagaheenna jidkii nabadda ku kaxayso,

80 Wiilkuna waa koray oo ruuxuu ka xoogoobay, wuxuuna joogay cidlada ilaa maalintii uu Israa'iil istusi lahaa.

Ayuub 14

14 Ninkii naagu dhashaba
Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan.
Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa,
Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago.
Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa?
Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?
Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara?
Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro.
Maxaa yeelay, dadka cimrigiisu waa go'an yahay, oo inta bilood oo uu jirayo tiradoodana adigaa haya,
Oo waxaad u dhigtay soohdin uusan dhaafi karin.
Bal ha nastee isaga ka sii jeeso,
Ilaa uu cimrigiisa ka dhammaysanayo sida shaqaale maalintiisa u dhammaysto.
Waayo, geed dheer haddii la gooyo rajuu leeyahay inuu mar kale soo biqlo,
Iyo in laantiisa curdanka ahu ayan joogsan.
In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo,
Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,
Biyaha urkooda ayuu ku biqli doonaa,
Oo waxaa ka soo bixi doona laamo curdan ah oo dhalato la moodo.
10 Laakiinse ninku wuu dhintaa, wuuna iska baabba'aa,
Oo ninka naftu waa ka dhacdaa, oo bal xaggee buu joogaa isagu?
11 Biyuhu badda way ka dhammaadaan,
Oo webiguna waa gudhaa oo waa iska engegaa,
12 Sidaas oo kalaa dadku u jiifsada oo mana uu kaco,
Oo jeeray samooyinku wada baabba'aan iyagu sooma toosi doonaan,
Oo hurdadoodana kama kici doonaan.
13 Hahe bal maad She'ool igu qarisid,
Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto,
Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid!
14 Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa?
Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa
Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado.
15 Waad ii yeedhi lahayd, oo anna waan kuu jawaabi lahaa;
Oo adna waxaa damac kaa geli lahaa shuqulkii gacmahaaga.
16 Laakiinse haatan waad tirisaa tallaabooyinkayga,
Balse miyaadan dembigayga isha ku hayn?
17 Xadgudubkaygii kolay baa lagu xidhay,
Oo xumaantaydiina meel baad ku dhuujisay.
18 Oo sida xaqiiqada ah buurtii dhacdaa waa baabba'daa,
Oo dhagaxiina meeshiisii wuu ka dhaqaaqaa.
19 Biyuhu dhagaxyaday lisaan,
Oo daadkooduna wuxuu qaada ciidda dhulka,
Oo adna sidaasoo kalaad u baabbi'isaa binu-aadmiga rajadiisa.
20 Weligaaba waad ka adkaataa isaga, oo isna wuu iska baxaa,
Oo jaahiisa waad beddeshaa, oo waad iska dirtaa isaga.
21 Wiilashiisa waa la sharfaa, laakiinse isagu waxba kama oga;
Oo haddana hoos baa loo ridaa, laakiinse isagu waxba kama garto iyaga.
22 Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa,
Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.

1 Korintos 2

Xigmadda Dadka Iyo Muujinta Ilaah

Walaalayaalow, anna markaan idiin imid, lama iman hadal wanaaggiis ama xigmad, anoo idinku wacdiyaya maraggii laga furay Ilaah, waayo, waxaan goostay inaanan waxba dhexdiinna ka ogaan Ciise Masiix oo ah kan iskutallaabta lagu qodbay maahee. Oo waxaan idinkula joogay itaaldarro, iyo cabsi, iyo gariir badan. Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga, inaan rumaysadkiinnu ku tiirsanaan xigmadda dadka, laakiin inuu xoogga Ilaah ku tiirsanaado.

Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa garashadu ku dhan tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabbi'in doono; laakiin qarsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed, tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garanaynin, waayo, hadday garan lahaayeen, iskutallaabta kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta, laakiin sida qoran,

Waxyaalo aanay ishu arkin, oo aanay dhegtu maqlin,
Oo aan qalbiga dadka gelin,
Wax kastoo ay yihiinba, Ilaah baa u diyaariyey kuwa isaga jecel.

10 Innagase Ilaah baa inoogu muujiyey Ruuxa, waayo, Ruuxu wuxuu baadhaa wax kasta, xataa waxyaalaha hoos u dhaadheer oo Ilaah. 11 Waayo, dadka dhexdood yaa garanaya nin waxyaalihiisa, ruuxa ninka ku jira mooyaane? Sidaas oo kalena ninna garan maayo waxyaalaha Ilaah, Ruuxa Ilaah mooyaane. 12 Laakiin innagu ma aynu helin ruuxa dunida laakiinse Ruuxa Ilaah ka yimid, inaynu garanno waxyaalaha uu Ilaah nimco ahaan inoo siiyey. 13 Waxyaalahaasna ayaannu ku hadalnaa, kumase hadalno hadallo la baro ee ah xigmadda dadka, laakiin waxa Ruuxu baro, annaga oo waxyaalaha ruuxa ah ku simayna waxyaalaha ruuxa ah. 14 Ninka nafta raacaa ma aqbalo waxyaalaha Ruuxa Ilaah, waayo, nacasnimo bay u yihiin, mana garan karo, maxaa yeelay, ruuxa ayaa lagu imtixaamaa. 15 Kii ruuxa raacaa wax walbuu imtixaamaa, laakiinse isaga qudhiisa ninna ma imtixaamo. 16 Waayo, yaa gartay maanka Rabbiga inuu wax baro isaga? Laakiin annagu waxaannu leennahay maanka Ciise.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya