M’Cheyne Bible Reading Plan
Eliiyaah Oo Tukeyaal Quudiyeen
17 Oo Eliiyaah oo ahaa reer Tishbii, oo ka mid ahaa kuwii Gilecaad degganaa ayaa Axaab ku yidhi, Waxaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ee aan hortiisa taaganahay noloshiisa ugu dhaartay inaan dharab iyo roob midna sannadahan la arki doonin, sidaan leeyahay mooyaane. 2 Markaasaa haddana waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh, 3 Halkan ka tag, oo u leexo xagga bari, oo waxaad ku ag dhuumataa durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun. 4 Oo waxaad ka cabbi doontaa durdurka, oo tukayaashana waan ku amray inay halkaas kugu quudiyaan. 5 Sidaas daraaddeed wuu tegey, oo wuxuu yeelay sidii erayga Rabbigu ku yidhi, waayo, wuu tegey oo ag joogi jiray durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun. 6 Oo tukayaasha ayaa subaxdii u keeni jiray kibis iyo hilib, fiidkiina kibis iyo hilib, oo biyona durdurkuu ka cabbi jiray. 7 Oo in yar dabadeed ayaa durdurkii iska engegay, maxaa yeelay, dalku roob ma lahayn.
Naagtii Carmalka Ahayd Ee Joogtay Sarefta
8 Markaasaa waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh, 9 Kac oo waxaad tagtaa Sarefta oo ay reer Siidoon leeyihiin, oo halkaas iska deg; oo bal eeg, naag carmal ah oo halkaas joogta waxaan ku amray inay ku quudiso. 10 Sidaas daraaddeed wuu kacay, oo wuxuu tegey Sarefta, oo markuu magaaladii iriddeedii yimid waxaa halkaas joogtay naag carmal ah oo xaabo guranaysa; oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi iyadii, Waan ku baryayaaye, wuxoogaa biyo ah weel iigu keen aan cabbee. 11 Oo markay u sii socotay inay u keento ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye waxaad gacanta iigu soo qaaddaa in yar oo kibis ah. 12 Iyana waxay tidhi, Waxaan Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisa ugu dhaartay inaanan kibis haysan innaba, laakiinse waxaan haystaa sacab muggiis oo jidhiidh ah oo weel ku jira, iyo in yar oo saliid ah oo kusad ku jirta, oo bal eeg, laba qori baan u guranayaa si aan intaan gurigayga galo ugu diyaariyo aniga iyo wiilkayga, dabadeedna aan cunno oo aan dhimannee. 13 Markaasaa Eliiyaah ku yidhi iyadii, Ha cabsane tag oo yeel sidaad tidhi, laakiinse marka hore ii soo samee in yar oo kibis ah oo ii keen, dabadeedna u samee adiga iyo wiilkaaga. 14 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weelka jidhiidha ahu idlaan maayo, kusadda saliidda ahuna idin gabi mayso ilaa maalinta Rabbigu dhulka roob ku soo daayo. 15 Markaasay tagtay oo waxay yeeshay sidii Eliiyaah ku yidhi, oo iyadii iyo isagii iyo reerkeediiba maalmo badan bay wax cunayeen. 16 Oo weelkii jidhiidha ahaa ma uu idlaan, kusaddii saliidda ahaydna ma ay gabin, oo waxay ahaatay siduu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay Eliiyaah. 17 Oo waxyaalahaas dabadood ayaa naagtii guriga lahayd wiilkeedii bukooday, oo xataa neef keliyahu kuma hadhin, maxaa yeelay, bukaankiisu aad buu u xumaa. 18 Markaasay Eliiyaah ku tidhi, War nin yahow Ilaah, maxaa inoo dhexeeya? War ma waxaad iigu timid inaad dembigayga i soo xusuusisid oo aad wiilkayga dishid? 19 Markaasuu ku yidhi, Naa bal wiilkaaga ii keen. Oo intuu isagii ka qaaday xabadkeedii ayuu kor ula baxay qowladdii uu isagu degganaa, oo wuxuu saaray sariirtiisii. 20 Markaasuu Rabbiga u qayshaday, oo ku yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, naagta carmalka ah oo aan la degganahay ma shar baad ku soo dejisay intaad wiilkeedii dishay? 21 Oo saddex jeer ayuu wiilka korkiisii isku kala bixiyey, oo intuu Rabbiga u qayshaday ayuu yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, waan ku baryayaaye, wiilkan naftiisii mar kale ha ku soo noqoto. 22 Markaasaa Rabbigu dhegaystay Eliiyaah codkiisii, oo yarka naftiisii mar kalay ku soo noqotay, wuuna soo noolaaday. 23 Dabadeedna Eliiyaah yarkii buu soo qaaday, oo intuu qowladdii ka soo dejiyey ayuu gurigii keenay, oo u dhiibay hooyadiis; wuxuuna Eliiyaah iyadii ku yidhi, Bal eeg, wiilkaagii waa nool yahaye. 24 Markaasaa naagtii waxay Eliiyaah ku tidhi, Haatan waan garanayaa inaad tahay nin Ilaah, iyo inuu run yahay erayga Ilaah oo afkaaga ku jira.
4 Sayidyadow, addoommadiinna siiya waxa xaqa ah oo u qalma, idinkoo garanaya inaad jannada Sayid ku leedihiin.
Baryo Ku Saabsan Faafinta Injiilka
2 Haddaba baryada ku sii adkaada, idinkoo ku soo jeeda oo mahadnaqaya. 3 Oo weliba annagana noo soo duceeya in Ilaah noo furo albaabka hadalka, si aannu uga hadalno qarsoodiga Masiixa, kaas oo aan u xidhnahay; 4 inaan u muujiyo, sida igu waajibka ah inaan uga hadlo. 5 Kuwa dibadda jooga xaggooda xigmad ku socda, oo wakhtiga ku faa'iidaysta. 6 Mar kasta hadalkiinnu nimco ha lahaado isagoo cusbo lagu daray, inaad ogaataan sida idinku waajibka ah inaad mid kasta ugu jawaabtaan.
Salaanta Iyo Dhammaadka(A)
7 Axwaalkayga oo dhan waxaa idiin sheegi doona walaalkeen Tukhikos oo ah gacaliye iyo midiidin aamin ah oo addoon ila ah xagga Rabbiga. 8 Isagaan idiinku soo diray sababtan daraaddeed, inaad ogaataan axwaalkayaga iyo inuu qalbiyadiinna dhiirrigeliyo, 9 oo weliba waxaan isaga la soo diray walaalkeen Oneesimos, kaas oo ah mid aamin ah iyo gacaliye, oo idinka mid ah. Iyagu waxay idiinka warrami doonaan waxa meeshan ka dhacay oo dhan.
10 Waxaa idin soo salaamaya Aristarkhos oo ila xidhan, iyo Markos oo Barnabas abti u yahay, kaas oo wax isaga ku saabsan laydinku amray; hadduu idiin yimaado aqbala. 11 Weliba waxaa idin soo salaamaya Ciise oo la yidhaahdo Yuustos. Kuwaas oo ka mid ah kuwa gudan ayaa ah kuwa keliya oo iila shaqeeya boqortooyada Ilaah, iyagoo ii noqday kuwo i dhiirrigeliyey. 12 Waxaa kaloo idin soo salaamaya Ebafras, oo idinka mid ah, oo ah addoonkii Ciise Masiix. Kol kastaba baryadiisa ayuu idiinku dadaalaa inaad istaagtaan, idinkoo kaamil ah oo aad u huba doonista Ilaah oo dhan. 13 Waxaan ugu markhaati furayaa inuu u hawshoodo idinka aawadiin iyo kuwa La'odikiya jooga iyo kuwa Hi'erabolis jooga aawadood. 14 Waxaa idin soo salaamaya Luukos oo ah gacaliyaha dakhtarkaa iyo Deemaas. 15 Walaalaha La'odikiya jooga iyo Numfas, iyo kiniisadda gurigiisa ku jirta nagu salaama. 16 Warqaddan markii laydinka dhex akhriyo, haddana ha laga dhex akhriyo kiniisadda reer La'odikiya, oo idinkuna akhrista warqadda aad La'odikiya ka heli doontaan. 17 Oo Arkhibbos waxaad ku tidhaahdaan, Adeegiddii xagga Rabbiga oo aad heshay, ku dadaal inaad dhammaysid.
18 Anigoo Bawlos ah ayaa salaantan gacantayda ku qoraya. Xusuusta xidhnaantayda. Nimco ha idinla jirto.
Webiga Ka Soo Baxayay Daarta
47 Oo haddana wuxuu mar kale i geeyey daarta albaabkeedii, oo bal eeg, biyaa ka soo hoos baxayay marinkii daarta dhankeeda bari, waayo, daarta horteedu waxay u sii jeedday xagga bari, oo biyuhuna waxay ka soo hoos baxayeen daarta dhankeeda midigta oo ah meesha allabariga dhinaceeda koonfureed. 2 Markaasuu jidkii iridda xagga woqooyi iga soo bixiyey, oo wuxuu ila wareejiyey jidkii dibadda ahaa oo iridda dibadda loo mari jiray oo ku dhinac yiil jidkii xagga bari u sii jeeday, oo bal eeg, biyaa dhankeeda midigta ka dareerayay. 3 Oo ninkii markuu xagga bari tegey isagoo gacanta xadhigga ku haysta wuxuu qiyaasay kun dhudhun, oo wuxuu i soo dhex mariyey biyihii oo anqowyada i jooga. 4 Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo biyuhu waxay i joogeen lowyaha. Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo markanna biyuhu waxay i joogeen dhexda. 5 Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo markan waxay ahaayeen webi aanan lug kaga gudbi karin, waayo, biyihii kor bay u keceen, oo waxay noqdeen biyo lagu dabaasho iyo webi aan lug lagaga gudbi karin. 6 Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxan ma aragtay? Oo haddana wuu i soo waday oo wuxuu igu soo celiyey webiga qarkiisii. 7 Haddaba markaan soo noqday, bal eeg, webiga qarkiisii waxaa ku yiil geedo tiro badan oo dhankan iyo dhankaasba kaga yaal. 8 Oo markaasuu igu yidhi, Biyahanu waxay u baxayaan xagga dalka bari, oo waxay u dhacayaan tan iyo lamadegaanka Caraabaah la yidhaahdo, iyo xagga badda, biyihii baxayayna badday gelayaan oo biyuhuna way bogsan doonaan. 9 Oo meel alla meeshuu webigaasu gaadhoba wax kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqaaba way noolaan doonaan, oo waxaa jiri doona kalluun aad iyo aad u faro badan, maxaa yeelay, biyahaasu halkaasay u tagaan inay biyaha baddu bogsadaan aawadeed iyo in wax kastaaba ay soo noolaadaan meel alla meeshuu webigaasu gaadhoba. 10 Oo kalluumaystayaashuna waxay istaagi doonaan badda qarkeeda, oo tan iyo Ceyn Gedii iyo ilaa Ceyn Ceglayim inta ka dhex leh waxay ahaan doontaa meel shabagyo lagu wadho, oo kalluunkooduna wuxuu ahaan doonaa cayn badan oo sida kalluunka badda weyn aad iyo aad u tiro badan. 11 Laakiinse meelaheeda dhoobada iyo biyagaleenka ahuba ma ay bogsan doonaan, illowse waxay ahaan doonaan cusbo miidhan. 12 Oo webiga qarkiisana dhinacan iyo dhinacaasba waxaa ka bixi doona geed kasta oo la cuno, oo aan caleentiisu dhari doonin, oo aan midhihiisu dhammaan doonin. Oo bil kastaba wuxuu soo bixin doonaa midho cusub, maxaa yeelay, biyahoodu waxay ka soo baxaan meesha quduuska ah. Oo midhahoodu waxay ahaan doonaan cunto, caleentooduna dawo.
Soohdimihii Dalka
13 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Tanu waa inay ahaataa soohdinta aad dalka dhaxal ahaan ugu qaybsan doontaan siday laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil yihiin. Reer Yuusuf waa inuu laba qaybood helaa. 14 Oo waa inaad dhaxashaan, oo intii midkiin helo waa in kan kalena uu intaas oo kale helaa, waayo, gacantaydaan kor ugu qaaday oo ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo, oo dalkaasu dhaxal buu idiin ahaan doonaa. 15 Oo dalka soohdintiisa dhanka woqooyi waxay ahaan doontaa tan iyo badda weyn iyo jidka Xetlon iyo ilaa meesha laga galo Sedaad, 16 iyo Xamaad, iyo Beerotaah, iyo Sibrayim oo u dhaxaysa soohdinta Dimishaq iyo soohdinta Xamaad, iyo Xasar Hatiikoon oo ku ag taal soohdinta Xawraan. 17 Oo soohdinta tan iyo badduna waxay ahaan doontaa Xasar Eenaan oo ah soohdinta Dimishaq, oo xagga woqooyina waa soohdinta Xamaad. Taasu waa soohdinta dhanka woqooyi. 18 Oo tan dhanka barina waxay ahaan doontaa Webi Urdun oo u dhexeeya Xawraan iyo Dimishaq iyo Gilecaad, iyo dalka reer binu Israa'iil. Tan iyo soohdintaas iyo ilaa badda bari waa inaad qiyaastaan, oo taasuna waa tan dhanka bari. 19 Oo dhanka koonfureed xaggiisana waa tan iyo Taamaar iyo ilaa biyaha Meriibad Qaadeesh, iyo tan iyo webiga xagga badda weyn, oo taasuna waa soohdinta dhanka koonfureed. 20 Oo tan dhanka galbeedna waxay ahaan doontaa badda weyn ilaa soohdinta koonfureed iyo ilaa la yimaado meel Xamaad ka soo hor jeedda. Oo taasuna waa soohdinta dhanka galbeed. 21 Sidaas waa inaad dalkaas u qaybsataan siday qabiilooyinka reer binu Israa'iil yihiin. 22 Oo waa inaad dhaxal ahaan saami ugu qaybsataan idinka iyo shisheeyayaasha idin dhex deggan oo dhexdiinna carruurta ku dhalay, oo waxay idiin ahaan doonaan sida kuwa dalka ku dhex dhashay oo reer binu Israa'iil oo kale, oo iyaguna waa inay dhaxal idinkula qaataan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda. 23 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kan shisheeyaha ahu qabiilkii uu dhex deggan yahay halkaas waa inaad dhaxalkiisa kala siisaan.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
103 Naftaydoy, Rabbiga ammaan,
Oo inta igu jirta oo dhammay, ammaana magiciisa quduuska ah.
2 Naftaydoy, Rabbiga ammaan,
Oo ha illoobin wanaagga uu kuu sameeyo oo dhan.
3 Isagaa kaa cafiya dembiyadaada oo dhan,
Oo kaa bogsiiya cudurradaada oo dhan,
4 Oo naftaada ka badbaadiya halligaadda,
Oo raxmad iyo naxariis kugu barakeeya,
5 Oo kaa dhergiya waxyaalaha wanwanaagsan,
Si ay dhallinyaranimadaadu ugu cusboonaato sida gorgorka oo kale.
6 Rabbigu wuxuu falaa xaqnimo,
Gar buuna u gooyaa kuwa dulman oo dhan.
7 Isagu wuxuu Muuse garansiiyey jidadkiisii,
Reer binu Israa'iilna falimihiisii.
8 Rabbigu waa raxmad badan yahay, waana nimco miidhan,
Cadho wuu u gaabiyaa, waana naxariis badan yahay.
9 Isagu had iyo goor wax canaanan maayo,
Oo sii cadhaysnaan maayo ilaa weligiis.
10 Isagu inoolama uu macaamiloon sidii dembiyadeennu ahaayeen,
Oo inooguma uu abaalmarin sidii xumaatooyinkeennu ahaayeen.
11 Waayo, sida samadu dhulka uga sarrayso,
Sidaas oo kalaa naxariistiisu ugu weyn tahay kuwa isaga ka cabsada.
12 Sida barigu uga fog yahay galbeedka,
Sidaas oo kaluu xadgudubkeennii inooga fogeeyey.
13 Sida aabbe carruurtiisa ugu naxo oo kale
Ayaa Rabbigu ugu naxaa kuwa isaga ka cabsada.
14 Waayo, abuuristeennuu og yahay,
Oo wuu xusuusan yahay inaan innagu ciid nahay.
15 Laakiinse dadka cimrigiisu waa sida doog oo kale,
Sida ubaxa berrinka ayuu u barwaaqoobaa.
16 Waayo, dabayl baa dul marta, wuuna baabba'aa,
Oo meeshiisiina mar dambe ma aqoon doonto.
17 Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba,
Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,
18 Kuwaas oo ah kuwa axdigiisa xajiya
Iyo kuwa amarradiisa xusuusta oo wada yeela.
19 Rabbigu carshigiisii wuxuu ka dhistay samooyinka,
Oo boqortooyadiisuna wax walbay u talisaa.
20 Malaa'igihiisa xoogga badan oo eraygiisa oofiya
Oo codka hadalkiisa maqlow,
Rabbiga ammaana.
21 Rabbiga ammaana, ciidammadiisa oo dhammow,
Idinkoo ah midiidinyadiisa wuxuu doonayo sameeyow,
22 Shuqulladiisa oo dhammow, Rabbiga ku ammaana
Meel kasta oo dowladnimadiisa ahba,
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya