Beginning
SABUURRADII
Kitaabka Kowaad
Sabuurrada 1-41
1 Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh,
Oo aan istaagin jidka dembilayaasha,
Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.
2 Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga,
Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.
3 Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda,
Oo midhihiisa dhala xilligooda,
Oo aan caleentiisuna engegin.
Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
4 Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha,
Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
5 Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka,
Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.
6 Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda,
Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.
2 Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan,
Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn?
2 Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin,
Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan
Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
3 Silsiladahooda aan gooyno
Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.
4 Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa,
Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.
5 Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa,
Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
6 Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey
Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
7 Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa,
Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga,
Maantaan ku dhalay.
8 I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha,
Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.
9 Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah,
Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
10 Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha,
Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.
11 Rabbiga cabsi ugu adeega,
Oo reyreeya idinkoo gariiraya.
12 Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane.
Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa.
Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu wiilkiisa Absaaloom ka cararay.
3 Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa!
Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin.
2 Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh,
Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah)
3 Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan,
Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.
4 Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa,
Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)
5 Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday,
Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.
6 Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa,
Oo gees kasta iga hareereeyey.
7 Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow,
Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka,
Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.
8 Badbaado waxaa leh Rabbiga,
Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
4 Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal,
Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay,
Ii naxariiso oo baryadayda maqal.
2 Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa?
Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan?
Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan? (Selaah)
3 Laakiinse ogaada in Rabbigu gooni ahaan isugu soocay kii cibaado leh,
Rabbigu wuu maqli doonaa markii aan u yeedho isaga.
4 Cadhooda oo ha dembaabina,
Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aamusa. (Selaah)
5 Bixiya allabaryadii xaqnimada,
Oo Rabbiga isku halleeya.
6 Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya?
Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.
7 Waxaad qalbigayga gelisay farxad
Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan.
8 Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa,
Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab la afuufo oo muusika ah.
5 Rabbiyow, bal hadalladayda dhegta u dhig,
Oo ka fiirso fikirradayda.
2 Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda,
Waayo, adigaan kuu tukanayaa.
3 Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa,
Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.
4 Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa,
Oo shar adiga kula jiri maayo.
5 Kan ismadax-weyneeya hortaada soo istaagi maayo,
Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan.
6 Waad wada baabbi'in doontaa kuwa beenta ku hadla,
Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa'inkaba.
7 Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa,
Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.
8 Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami,
Oo jidkaaga hortayda ku toosi.
9 Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto,
Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan,
Hungurigooduna waa qabri af bannaan,
Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.
10 Ilaahow, iyaga kuwo eed leh ku tiri,
Oo iyagu taladooda ha ku baabbe'een,
Oo xadgudubkooda batay daraaddiis u tuur iyaga,
Waayo, way kugu caasiyoobeen.
11 Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha reyreeyeen,
Oo farxad ha ku qayliyeen weligoodba, maxaa yeelay, adigaa daafaca iyaga,
Kuwa magacaaga jeceluna adiga ha kugu farxeen.
12 Waayo, Rabbiyow, kii xaq ah waad barakayn doontaa,
Oo waxaad hareerihiisa ku wareejinaysaa raallinimo sidii gaashaan oo kale.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah, oo Shemiiniid lagu luuqeeyo.
6 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan,
Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
2 Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay,
Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.
3 Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay,
Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?
4 Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi,
Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.
5 Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto,
Bal yaase She'ool kaaga mahadnaqi doona?
6 Waxaan la daalay jibaadkayga,
Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa.
Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.
7 Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo,
Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.
8 Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow,
Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.
9 Rabbigu waa maqlay baryootankaygii,
Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.
10 Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan,
Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.
Kanu waa sabuur Shiggayoon ah oo Daa'uud Rabbiga ugu gabyay, oo ku saabsan Kuush oo ahaa reer Benyaamiin.
7 Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa,
Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi,
2 Waaba intaasoo ay naftayda sida libaax oo kale u kala dildillaaciyaane,
Oo ay i kala jeexjeexaan intii aanay jirin cid iga samatabbixisaa.
3 Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey,
Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,
4 Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah,
(Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)
5 De markaas cadowgu naftayda ha eryado, oo ha qabsado,
Oo isagu ha igu tunto,
Oo sharaftaydana ciidda ha ku rido. (Selaah)
6 Rabbiyow, cadhadaada la kac,
Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda,
Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.
7 Oo dadyowga ururradoodu ha ku hareereeyeen,
Oo adna iyaga xagga sare uga noqo.
8 Rabbigu dadyowga buu u garsooraa,
Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.
9 Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah,
Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.
10 Gaashaankaygu wuxuu la jiraa Ilaaha
Badbaadiya kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11 Ilaah waa xaakin xaq ah,
Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan.
12 Haddii aan laga noqon, isagu seeftiisuu afaysan doonaa,
Qaansadiisana wuu xootay, oo wuu diyaarsaday.
13 Oo weliba wuxuu diyaarsaday alaabtii dhimashada,
Oo fallaadhihiisana wuxuu ka dhigtaa kuwo ololaya.
14 Bal eega, ninku wuxuu la dhibtoodaa xumaan,
Oo wuxuu wallacay belaayo, oo wuxuu dhalay been.
15 Booraan buu sameeyey, oo uu qoday,
Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey.
16 Belaayadiisu waxay dib ugu noqonaysaa madaxiisa,
Oo dulmigiisuna dhaladiisuu ku soo degayaa.
17 Rabbiga waan ugu mahadnaqayaa sida ay xaqnimadiisu tahay,
Oo waxaan u ammaanayaa magaca Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.
8 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
2 Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga,
Waana cadaawayaashaada daraaddood,
Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
3 Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey,
Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
4 Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
5 Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha,
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
6 Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga,
Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
7 Idaha iyo lo'da oo dhan,
Iyo xayawaanka duurka joogaba,
8 Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda,
Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
9 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya