Beginning
21 Oo Yehooshaafaadna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooraam. 2 Oo isna wuxuu lahaa walaalo oo ahaa ilma Yehooshaafaad, waana Casaryaah, iyo Yexii'eel, iyo Sekaryaah, iyo Casaryaah, iyo Miikaa'eel, iyo Shefatyaah, oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen ilma Yehooshaafaad kii ahaa boqorkii dalka Israa'iil. 3 Oo aabbahoodna wuxuu iyagii siiyey hadiyado waaweyn oo ah lacag, iyo dahab, iyo waxyaalo qaali ah, oo weliba wuxuu ugu daray magaalooyin deyr leh oo dalka Yahuudah ku yaal, laakiinse boqortooyadii wuxuu siiyey Yehooraam, maxaa yeelay, wuxuu ahaa curadkiisii.
Yehooraam, Boqorkii Yahuudah
4 Haddaba Yehooraam markuu boqortooyadii aabbihiis fuulay oo uu aad u xoogaystay ayuu walaalihiis oo dhan seef ku laayay, iyaga iyo kuwo kale oo ah amiirradii dadka Israa'iil. 5 Oo Yehooraam markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, siddeed sannadoodna boqor buu ku ahaa Yeruusaalem. 6 Oo wuxuu ku socday jidkii ay boqorradii dalka Israa'iil mareen, sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, wuxuu qabay Axaab gabadhiisii, oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah. 7 Habase yeeshee Rabbigu ma uu doonaynin inuu baabbi'iyo reerkii Daa'uud, maxaa yeelay, axdi wuu la dhigtay, oo wuxuu u ballanqaaday inuu isaga iyo carruurtiisa had iyo goorba laambad siiyo. 8 Oo wakhtigiisii ayaa reer Edom ka fallaagoobay dadka Yahuudah, oo iyana waxay yeesheen boqor u taliya. 9 Markaasaa Yehooraam soo gudbay isagoo wata saraakiishiisii iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, oo intuu habeennimo kacay ayuu laayay reer Edom oo hareereeyey isaga iyo saraakiishiisii gaadhifardoodka. 10 Reer Edomna way ka fallaagoobeen oo way ka hoos baxeen gacantii dadka Yahuudah ilaa maantadan la joogo. Oo haddana isla markaasba waxaa kaloo ka fallaagoobay oo gacantiisii ka hoos baxay reer Libnaah, maxaa yeelay, isagu wuxuu ka tegey Rabbigii ahaa Ilaaha awowayaashiis. 11 Oo weliba wuxuu buuraha dalka Yahuudah ka sameeyey meelo sarsare, oo dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ka dhigay inay sanamyo raacaan, oo dadkii Yahuudahna wuu habaabiyey. 12 Oo waxaa isagii u timid qorniin laga keenay Nebi Eliiyaah, oo leh, Rabbiga aabbahaa Daa'uud Ilaahiisa ahu wuxuu leeyahay, Adigu kuma aadan socon jidadkii aabbahaa Yehooshaafaad maray iyo jidadkii Aasaa oo boqorka dalka Yahuudah ahaa uu maray toona, 13 laakiinse waxaad ku socotay jidkii boqorrada dalka Israa'iil, oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba waxaad ka dhigtay inay sanamyo raacaan sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, oo weliba waxaad laysay walaalahaa oo reerka aabbahaa ka mid ahaa oo kaa wanaagsanaa, 14 haddaba sidaas daraaddeed bal eeg, Rabbigu belaayo weyn ayuu ku dhufan doonaa dadkaaga, iyo carruurtaada, iyo naagahaaga, iyo xoolahaaga oo dhanba. 15 Oo adigana waxaa kugu dhici doona cudur weyn oo xiidmahaaga ayaa bukan doona, ilaa xiidmahaagu ay kaa soo dhacaan maalin ka maalin cudurka aad qabto daraaddiis. 16 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yehooraam ku soo kiciyey reer Falastiin iyo reer Carabta oo ag joogay reer Itoobiya. 17 Oo waxay ku soo kaceen dalka Yahuudah, oo way burburiyeen, waxayna wada qaateen maalkii guriga boqorka yiil oo dhan, iyo weliba wiilashiisii iyo naagihiisii, sidaas daraaddeed wiilna uma hadhin isagii kii wiilashiisa ugu yaraa oo Yehoo'aaxaas la odhan jiray mooyaane. 18 Oo waxaas oo dhan dabadood Rabbigu wuxuu isaga xiidmihiisii ku dhuftay cudur aan la bogsiin karin. 19 Oo wakhtigii waa iska socday, oo laba sannadood dabadood waxay noqotay in xiidmihiisii la soo dhacay cudurkii uu qabay daraaddiis, oo wuxuu u dhintay cudurro xunxun. Oo dadkiisiina isaga dab uguma ay shidin siday awowayaashiis dab ugu sharfi jireen oo kale. 20 Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa siddeed sannadood, oo wuxuu tegey oo dhintay isagoo aan la jeclayn, oo waxaa lagu aasay magaalada Daa'uud, laakiinse laguma aasin qabuurihii boqorrada.
Axasyaah, Boqorkii Yahuudah
22 Markaasaa dadkii Yeruusaalem degganaa waxay meeshiisii boqor kaga dhigteen Axasyaah oo ahaa wiilkiisii ugu wada yaraa, maxaa yeelay, guutadii ragga ahayd oo reer Carbeed xerada la timid way wada laayeen kuwii waaweynaa oo dhan. Sidaas daraaddeed waxaa boqor noqday Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah. 2 Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo afartan sannadood, oo Yeruusaalemna sannad ayuu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Catalyaah ina Coomrii. 3 Oo isaguna wuxuu ku socday jidadkii reerka Axaab maray, waayo, hooyadiis waxay kula talin jirtay inuu shar sameeyo. 4 Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, sidii reerka Axaab yeeli jiray oo kale, waayo, markii aabbihiis dhintay ka dib iyagaa ahaan jiray lataliyayaashiisii ilaa uu baabba'ay. 5 Oo weliba wuxuu ku socon jiray taladoodii, wuuna raacay Yehooraam ina Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad, oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen. 6 Markaasuu ku noqday Yesreceel in lagu soo daweeyo nabrihii ay Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah tegey inuu soo arko Yehooraam ina Axaab oo joogay Yesreceel, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.
7 Haddaba Axasyaah baabbi'iisii wuxuu ka yimid xag Ilaah, markuu Yooraam u tegey, maxaa yeelay, markuu yimid ayuu Yehooraam kula kacay Yeehuu ina Nimshii kaasoo Rabbigu u subkay inuu baabbi'iyo reerka Axaab. 8 Oo kolkii Yeehuu xukunka ku soo dejinayay reerkii Axaab wuxuu helay amiirradii dalka Yahuudah iyo Axasyaah walaalihiis wiilashii ay dhaleen oo Axasyaah u adeegaya, markaasuu iyagii laayay. 9 Kolkaasuu doondoonay Axasyaah (oo Samaariya ku dhex dhuumanayay), waana la soo qabtay oo waxaa loo keenay Yeehuu, waana la dilay, oo isagii waa la aasay, waayo, waxay isyidhaahdeen, Isaga waxaa dhalay Yehooshaafaad oo Rabbiga ku doondooni jiray qalbigiisa oo dhan. Oo Axasyaah reerkiisiina ma uu lahayn xoog uu boqortooyada ku sii haysto.
Catalyaah Iyo Yoo'aash
10 Haddaba Catalyaah oo ahayd Axasyaah hooyadiis markay aragtay in wiilkeedii dhintay ayay kacday oo wada baabbi'isay farcankii reer boqor ee Yahuudah oo dhan. 11 Laakiinse Yehooshabecad oo ahayd boqorka gabadhiisii waxay la tagtay Yoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, oo ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo. Haddaba Yehooshabecad oo ahayd Boqor Yehooraam gabadhiis, oo u dhaxday wadaadkii Yehooyaadaac la odhan jiray waxay isagii ka qarisay Catalyaah si ayan isaga u dilin (maxaa yeelay, iyadu waxay ahayd Axasyaah walaashiis). 12 Oo intii lix sannadood ah ayuu kula qarsoonaa guriga Ilaah, oo dalkiina waxaa u talisay Catalyaah.
23 Haddaba sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac xoog isgeliyey oo wuxuu soo kaxaystay oo axdi la dhigtay boqol-u-taliyayaashii ahaa Casaryaah ina Yeroxaam, iyo Ismaaciil ina Yehooxaanaan, iyo Casaryaah ina Coobeed, iyo Macaseeyaah ina Cadaayaah, iyo Eliishaafaad ina Sikrii. 2 Oo iyana waxay ku soo wada wareegeen dalkii Yahuudah, oo magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan waxay ka soo wada urursadeen kuwii reer Laawi iyo madaxdii qolooyinka dadka Israa'iil oo waxay wada yimaadeen Yeruusaalem. 3 Markaasaa shirkii oo dhammu axdi boqorkii kula dhigtay guriga Ilaah, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Bal eega, boqorka wiilkiisu isagaa boqor noqon doonee, sidii Rabbigu uu kaga hadlay farcanka Daa'uud. 4 Haddaba idinku sidan yeela: qaybtiinna saddexaad ee sabtida gasha oo ah reer Laawi iyo wadaaddadu, waa inay ahaadaan iridjoogayaal albaabbada jooga, 5 oo meel saddexaadna waa inay guriga boqorka joogaan, meel saddexaadna ha joogeen iridda aasaaska agteeda, oo dadka oo dhammuna waa inay ku wada jiraan guriga Rabbiga barxadihiisa. 6 Laakiinse guriga Rabbiga gudihiisa yuusan ninna soo gelin wadaaddada iyo kuwa reer Laawi oo adeegaya mooyaane, iyagu ha soo galeen, waayo, iyagu waa quduus, laakiinse dadka oo dhammu waa inay Rabbiga amarkiisa dhawraan. 7 Oo reer Laawi boqorka ha isku wareejiyeen iyadoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo ku alla kii guriga gudihiisa soo gala ha la dilo, oo idinku boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba. 8 Sidaas daraaddeed reer Laawi iyo dadkii Yahuudah oo dhammuba way wada yeeleen wixii uu wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ku amray oo dhan, oo nin waluba wuxuu kaxeeyey raggiisii sabtida geli lahaa iyo kuwii sabtida bixi lahaaba, maxaa yeelay, wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ma uu kala dirin guutooyinkii. 9 Markaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa boqol-u-taliyayaashii siiyey warmihii iyo gaashaammadii waaweynaa iyo gaashaammadii yaryaraa oo Boqor Daa'uud lahaa oo guriga Ilaah yiil. 10 Oo dadkii oo dhanna wuxuu ka dhigay in nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto oo ay istaagaan guriga dhankiisa midig ilaa dhankiisa bidix iyo tan iyo meesha allabariga agteeda iyo guriga agtiisa, oo boqorkii bayna isku wareejiyeen. 11 Markaasay wiilka boqorka soo bixiyeen, oo waxay u saareen taajkii, markhaatifurkiina way siiyeen, oo waxay ka dhigeen boqor, oo Yehooyaadaac iyo wiilashiisiina intay isagii subkeen ayay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado. 12 Oo Catalyaahna markay maqashay qayladii dadka iyo iyagoo ordaya oo boqorka ammaanaya ayay dadkii ugu timid gurigii Rabbiga. 13 Oo bal eeg, boqorku wuxuu ag taagnaa tiirkiisii iridda u dhowaa, oo saraakiishii iyo kuwii turumbada watayna boqorkay ag taagnaayeen, oo dadkii waddanka oo dhammuna way reyreeyeen oo turumbooyin afuufeen, oo kuwii gabayaaga ahaana waxay ka dhawaajiyeen alaabtii muusikada oo waxay hoggaamiyeen kuwii qaaday gabaygii ammaanta ahaa. Kolkaasaa Catalyaah dharkeedii iska jeexjeexday oo waxay tidhi, Waa fallaagow! Waa fallaagow! 14 Markaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa soo bixiyey boqol-u-taliyayaasha ciidanka u sarreeyey, oo wuxuu ku yidhi, Iyada soo bixiya oo safafka dhex mariya, oo kii soo raacana seef ha lagu dilo, waayo, wadaadku wuxuu yidhi, Iyada ha ku dhex dilina guriga Rabbiga. 15 Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu guriga boqorka u mari jireen; oo halkaasay ku dileen.
16 Markaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya isaga qudhiisa iyo dadka oo dhan iyo boqorkaba inay ahaadaan Rabbiga dadkiisa. 17 Dabadeedna dadkii oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisiiba way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda. 18 Markaasaa Yehooyaadaac hawshii guriga Rabbiga u doortay wadaaddadii reer Laawi ahaa oo Daa'uud ku dhex qaybiyey guriga Rabbiga, inay qurbaannada la gubo oo Rabbiga u bixiyaan siday ugu qoran tahay sharcigii Muuse, iyagoo faraxsan oo gabyaya siduu ahaa amarkii Daa'uud. 19 Oo iridjoogayaashiina wuxuu joojiyey irdihii guriga Rabbiga si uusan u soo gelin mid wax ku nijaasoobay wax kasta ha ahaadee. 20 Oo haddana wuxuu kaxeeyey boqol-u-taliyayaashii, iyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii dadka, iyo dadkii waddanka oo dhanba, oo waxay boqorkii ka soo kaxeeyeen gurigii Rabbiga, oo intay iriddii sare soo mariyeen ayay keeneen gurigii boqorka, kolkaasay boqorkii ku fadhiisiyeen carshigii boqortooyada. 21 Sidaas daraaddeed dadkii waddanka oo dhammu way wada reyreeyeen, oo magaaladiina way xasilloonayd, oo Catalyaahna ayay seef ku dileen.
Yoo'aash Oo Hagaajiyey Macbudkii
24 Yoo'aashna toddoba sannadood buu jiray markuu boqor noqday, oo afartan sannadoodna Yeruusaalem buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Sibyaah tii reer Bi'ir Shebac. 2 Oo Yoo'aashna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa wakhtigii wadaadkii Yehooyaadaac ahaa noolaa oo dhan. 3 Oo Yehooyaadaacna wuxuu isagii u guuriyey laba naagood, oo wuxuu dhalay wiilal iyo gabdhoba. 4 Oo waxyaalahaas dabadoodna Yoo'aash wuxuu ku fikiray inuu gurigii Rabbiga cusboonaysiiyo. 5 Markaasuu soo wada ururiyey wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, oo wuxuu ku yidhi, Baxa oo magaalooyinka dalka Yahuudah taga, oo reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ka soo ururisaan lacag guriga Ilaahiinna lagu cusboonaysiiyo sannad ilaa sannad, oo xaalkaas dhaqso u sameeya. Habase yeeshee kuwii reer Laawi xaalkaas kuma ayan dhaqsan. 6 Markaasaa boqorkii wuxuu u yeedhay Yehooyaadaac oo madax ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad u weyddiin weyday reer Laawi inay dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem ka soo ururiyaan cashuurtii Muuse oo ahaa addoonkii Rabbiga iyo tii shirka reer binu Israa'iil teendhadii maragga aawadeed? 7 Waayo, Catalyaah oo ahayd tu shar ah wiilasheedii ayaa gurigii Ilaah burburiyeen, oo weliba alaabtii guriga Rabbiga oo quduuska laga dhigay oo dhan waxay wada siiyeen Bacaliim. 8 Sidaas daraaddeed boqorkii wuu amray oo iyana waxay sameeyeen sanduuq, oo waxay ag qotomiyeen guriga Rabbiga iriddiisa dibaddeeda. 9 Markaasay dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem oo dhan ku naadiyeen in Rabbiga loo keeno cashuurtii Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah uu reer binu Israa'iil kor saaray markay cidlada dhex joogeen. 10 Markaasaa amiirradii iyo dadkii oo dhammu reyreeyeen oo intay wax keeneen ayay ku rideen sanduuqii ilaa ay ka buuxiyeen. 11 Oo waxay noqotay in markii sanduuqii la geeyey xafiiskii boqorka iyadoo ay reer Laawi sidaan, oo la arkay in lacag badanu ku jirto ayaa waxaa yimid oo sanduuqii ka shubay karraanigii boqorka iyo sirkaalkii wadaadka sare, oo haddana sanduuqii bay qaadeen oo meeshiisii ku celiyeen. Oo saasay maalin kasta yeeli jireen, oo waxay soo ururiyeen lacag faro badan. 12 Oo boqorkii iyo Yehooyaadaac waxay lacagtii siin jireen kuwii samayn jiray hawshii adeegidda guriga Rabbiga, oo waxay soo kiraysteen wastaadyo iyo nijaarro si ay u cusboonaysiiyaan gurigii Rabbiga, oo waxay kaloo siin jireen kuwii bir iyo naxaas wax uga samayn jiray si ay gurigii Rabbiga ugu hagaajiyaan. 13 Markaasay shaqaalihii shaqeeyeen, oo shuqulkiina gacantoodii buu ku hagaagay, oo gurigii Ilaahna waxay ka dhigeen siduu ahaan jiray, wayna adkeeyeen. 14 Oo markay hawshii dhammeeyeen waxay lacagtii hadhay keeneen boqorkii iyo Yehooyaadaac hortooda, oo taasna waxaa gurigii Rabbiga looga sameeyey weelal, kuwaasoo ahaa weelal lagu adeegi jiray iyo kuwa wax lagu bixin jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii ahaa dahabka iyo lacagta. Oo Yehooyaadaac cimrigiisii oo dhanna guriga Rabbiga waxaa had iyo goor lagu bixin jiray qurbaanno la gubo. 15 Laakiinse Yehooyaadaac wuu da' weynaa, gabow buuna la dhacay, wuuna dhintay, oo markuu dhintay wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood. 16 Oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, iyo meel qabuurihii boqorrada dhexdooda ah, maxaa yeelay, wax wanaagsan buu ku dhex sameeyey reer binu Israa'iil, iyo xagga Ilaah iyo xagga gurigiisba.
Xumaatadii Yoo'aash
17 Haddaba markii Yehooyaadaac dhintay dabadeed waxaa yimid amiirradii dalkii Yahuudah oo boqorkay u sujuudeen. Markaasaa boqorkii iyagii maqlay. 18 Oo iyana waxay ka tageen gurigii Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo waxay u adeegeen geedihii Asheeraah iyo sanamyadii. Markaasaa dadkii dalka Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa waxaa ku soo degtay cadho xadgudubkoodan aawadiis. 19 Oo weliba wuxuu u soo diray nebiyo si ay iyaga ugu soo celiyaan Rabbiga xaggiisa, iyana way ku marag fureen iyagii, laakiin ma ay maqlin. 20 Markaasaa Ruuxii Ilaah wuxuu ku soo degay Sekaryaah oo uu dhalay wadaadkii Yehooyaadaac ahaa, oo isna intuu meel dadka ka korraysaa istaagay ayuu ku yidhi, Ilaah wuxuu idinku leeyahay, War maxaad ugu xadgudbaysaan Rabbiga amarradiisa? Idinku ma liibaani karaysaan, maxaa yeelay, Rabbiga waad ka tagteen, isna wuu idinka tegey. 21 Oo iyana intay isagii shirqool u dhigeen, ayay iyagoo boqorka amar ka wata isagii ku dhagxiyeen barxadda guriga Rabbiga. 22 Sidaasuusan Boqor Yoo'aash u xusuusan roonaantii uu Yehooyaadaac oo isaga aabbihiis ahaa u sameeyey, laakiinse wuxuu dilay wiilkiisii. Oo markuu dhimanayay ayuu yidhi, Rabbigu xaalkan ha fiiriyo oo ha idin weyddiiyo. 23 Oo isla sannaddaas dhammaadkeedii waxaa isagii ku soo kacay ciidankii reer Suuriya, oo intay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem yimaadeen ayay amiirradii dadka oo dhan ka baabbi'iyeen dadka dhexdiisii, oo wixii ay dhaceen oo dhan ayay u direen boqorkii Dimishaq degganaa. 24 Ciidankii reer Suuriya waxay yimaadeen iyagoo ah guuto yar, markaasaa Rabbigu wuxuu gacanta u geliyey ciidan aad u faro badan, maxaa yeelay, waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood. Oo sidaasaa xukun loogu soo dejiyey Yoo'aash. 25 Oo markay isagii ka tageen, (waayo, waxay ka tageen isagoo aad iyo aad u buka) ayaa isaga addoommadiisii u sirqooleen dhiiggii uu qabay oo ilma Yehooyaadaac, kii wadaadka ahaa, oo waxay dileen isagoo sariirtiisii ku jiifa, wuuna dhintay. Oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, laakiinse isagii laguma dhex aasin qabuurihii boqorrada. 26 Oo kuwii isaga sirqoolka u dhigayna waxay ahaayeen Saabaad oo ay dhashay Shimcaad oo ahayd reer Cammoon, iyo Yehoosaabaad oo ay dhashay Shimriid oo ahayd reer Moo'aab. 27 Haddaba xaalkii wiilashiisa, iyo culaabtii weynayd ee korkiisa saarnayd, iyo siduu gurigii Ilaah mar dambe u dhisayba, bal eeg waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii boqorrada. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya