Beginning
WARQADDII RASUUL BAWLOS U QORAY DADKII
EFESOS
Salaan
1 Anigoo Bawlos ah, oo rasuul u ah Ciise Masiix xagga doonista Ilaah, waxaan warqaddan u qorayaa quduusiinta Efesos joogta iyo kuwa aaminka ah oo Ciise Masiix ku jira. 2 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
Barakooyin Ruuxa Ka Yimid
3 Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Wuxuu Masiix inagu siiyey barako kasta oo Ruuxa ka timid ee ku jirta meelaha jannada, 4 xataa siduu inoogu doortay isaga dhexdiisa intaan dunida la aasaasin ka hor inaynu quduus ahaanno oo iin la'aanno isaga hortiisa, isagoo ina jecel, 5 oo hore inoogu doortay inuu inaga dhigto carruurtiisii xagga Ciise Masiix siduu doonayay oo ku farxay, 6 in la ammaano cisada nimcadiisa ee uu inagu siiyey kan uu jecel yahay. 7 Isaga, sida ay hodantinimada nimcadiisu tahay, waxaynu dhiiggiisa ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafkeenna. 8 Nimcadaas wuxuu inoogu badiyey xagga xigmadda iyo miyirka oo dhan, 9 oo wuxuu ina ogeysiiyey qarsoodiga doonistiisa siduu ugu farxay oo Masiixa ugu fikiray 10 oo ugu talaggalay dhammaadka wakhtiga inuu Masiixa ku ururiyo wax kasta, waxa samooyinka ku jira iyo waxa dhulka joogaba. 11 Isagaynu dhaxal ku helnay innagoo laynagu doortay qasdiga kan wax kasta kaga shaqeeya sida ay tahay talada doonistiisu, 12 in kuweenna markii hore Masiixa wax ku rajeeyey aynu ahaanno kuwo aawadood lagu ammaano Ilaah cisadiisa. 13 Oo weliba idinku isagaad ku maqasheen ereyga runta ah, kaas oo ah injiilka badbaadadiinna, oo weliba idinku markii aad rumaysateen ayaa laydinku shaabadeeyey Ruuxa Quduuska ah oo uu ballanqaaday, 14 oo ah carbuuntii dhaxalkeenna xagga furashada hantida Ilaah in la ammaano cisadiisa.
Bawlos Baryadiisii
15 Anigu waxaan maqlay rumaysadkiinna xagga Rabbi Ciise, iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan, oo sidaas daraaddeed 16 ma joojiyo inaan Ilaah idiinku mahadnaqo. Baryadayda ayaan idinku soo xusuusanayaa, 17 in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin. 18 Oo waxaan Ilaah baryayaa in indhaha qalbigiinna la nuuriyo, si aad u ogaataan waxa ay tahay rajada yeedhistiisu, iyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta dhaxalkiisa ee ku jirta quduusiinta, 19 iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa 20 ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, oo uu fadhiisiyey meelaha jannada xagga midigtiisa. 21 Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya. 22 Wax kastana wuxuu ka hoosaysiiyey cagihiisa, oo wuxuu isaga madax wax kasta ka sarreeyaa uga dhigay kiniisadda, 23 taas oo ah jidhkiisa oo ah buuxidda kan wax kasta meel walba ku buuxiya.
Nimcada Ilaah Baa Lagu Badbaadaa
2 Idinku waxaad ku dhimateen xadgudubyadiinna iyo dembiyadiinna, 2 kuwaas oo aad markii hore ugu socon jirteen sida socodka wakhtigan iyo sida madaxda xoogga hawada oo ah ruuxa haatan ka dhex shaqaynaya carruurta caasinimada. 3 Iyaga dhexdooda mar baynu dhammaanteen ku dhaqmi jirnay damacyada jidhkeenna, innagoo samaynayna waxyaalaha jidhka iyo maanku ay doonayaan, oo innaguna xagga dabiicadda waxaynu ka ahayn carruurtii cadhada sida dadka kale. 4 Laakiinse Ilaaha naxariista hodanka ka ahu wuxuu inagu jeclaaday jacaylkiisa weyn, 5 oo sidaas daraaddeed markii aynu xadgudubyadeenna ku dhimannay wuxuu inala soo noolaysiiyey Masiix. Idinku nimco baad ku badbaaddeen. 6 Oo innagana isagii buu inala soo sara kiciyey, oo wuxuu isagii inala fadhiisiyey meelaha jannada xagga Ciise Masiix, 7 si uu wakhtiyada imanaya hodantinimada weyn oo nimcadiisa ugu muujiyo roonaanta uu inoogu qabo xagga Ciise Masiix. 8 Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid, 9 laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin. 10 Waayo, innagu waxaynu nahay wixii uu sameeyey, oo waxaa laynoogu uumay Ciise Masiix shuqullada wanaagsan aawadood oo Ilaah hore ugu diyaariyey inaynu ku soconno.
Yuhuudda Iyo Dadka Aan Yuhuudda Ahayn Waxay Ku Midoobaan Kiniisadda
11 Haddaba sidaas daraaddeed idinku xusuusta inaad waa hore xagga jidhka ka ahaan jirteen dad aan Yuhuud ahayn, oo kuwa gudan la yidhaahdo oo xagga jidhka gacmo lagu guday ay idiinku yeedhi jireen buuryoqab. 12 Waagaas Masiix baad ka soocnaydeen, oo shisheeyaad ka ahaydeen dawladda reer binu Israa'iil, oo ajanabi baad ka ahaydeen axdiyada ballanka, idinkoo aan rajo lahayn, oo aan dunida Ilaah ku lahayn. 13 Laakiinse kuwiinna mar hore fogaa, haatan waxaad ku jirtaan Ciise Masiix, oo waxaa laydinku soo dhoweeyey dhiigga Masiixa. 14 Waayo, isagu waa nabaddeenna, oo waa kan labada mid ka dhigay, oo dumiyey qoqobkii derbiga dhexe, 15 isagoo jidhkiisii ku buriyey cadownimadii taas oo ah sharciga amarrada ku jira qaynuunnada, inuu isaga qudhiisu labadii isugu abuuro nin cusub, isagoo saas nabad ku samaynaya, 16 iyo inuu labadooda oo isku jidh ah Ilaah kula heshiisiiyo xagga iskutallaabta, isagoo halkaas ku dilay cadownimada. 17 Oo markuu yimid ayuu nabad ku wacdiyey kuwiinnii fogaa, oo kuwii dhowaana nabad buu ku wacdiyey, 18 waayo, labadeennaba isagaynu Ruux keliya ugu galnaa Aabbaha. 19 Sidaas daraaddeed idinku mar dambe ma ihidin ajanabiyo iyo shisheeyayaal, laakiinse quduusiintaad isku waddan tihiin, oo waxaad ka mid tihiin reerka Ilaah, 20 oo waxaa laydinka dul dhisay aasaaskii rasuullada iyo nebiyada, oo waxaa dhagaxii geeska ee ugu weynaa idiin ah Ciise Masiix qudhiisa. 21 Oo dhismaha oo dhammu isaguu si wanaagsan isugu haystaa oo weynaadaa, oo wuxuu Rabbiga u noqdaa macbud quduus ah. 22 Idinkana isagaa laydinku wada dhisay inaad ahaataan rugtii Ilaah xagga Ruuxa.
Bawlos Waxaa Loo Diray Inuu Muujiyo Qarsoodiga Ilaah
3 Sababtaas daraaddeed anigoo Bawlos ah waxaan Ciise Masiix maxbuus ugu ahay idinka oo ah dad aan Yuhuud ahayn aawadiin. 2 Hubaal waxaad maqasheen wakiilnimada nimcada Ilaah oo la iigu kiin dhiibay, 3 iyo sida qarsoodigii laygu ogeysiiyey wixii la ii muujiyey, sidii aan mar hore dhawr eray idiinku soo qoray. 4 Markaad akhridaan waxaad ogaan karaysaan garashadayda xagga qarsoodiga Masiixa, 5 kaas oo aan qarniyadii kale loogu ogeysiin bini aadmiga sida haatan Ruuxu ugu muujiyey rasuulladiisa iyo nebiyadiisa quduuska ah. 6 Taas waxaa weeyaan in haatan dadka aan Yuhuudda ahayn ay yihiin kuwo wax inala dhaxla, oo aan isku jidh nahay, oo ay inagula qayb qaataan ballankii Ciise Masiix xagga injiilka, 7 kaas oo aniga layga dhigay midiidin sida ay tahay hadiyadda nimcada Ilaah oo lay siiyey sida ay tahay shaqaynta xooggiisu. 8 Aniga oo quduusiinta oo dhan ugu liita waxaa nimcadan la ii siiyey inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo hodantinimada Masiixa oo aan la baadhi karin, 9 iyo inaan dadka oo dhan garansiiyo waxay tahay talogelidda qarsoodigii weligiis ku qarsoonaa Ilaaha ah kan wax walba abuuray. 10 Sababtuna waxaa weeyaan in haatan madaxda iyo kuwa amarka leh oo ku jira meelaha jannada, kiniisadda lagu ogeysiiyo xigmadda Ilaah oo badan oo kala cayncaynka ah, 11 sida uu yahay qasdiga weligiis ah oo isagu ku qasdiyey Rabbigeenna Ciise Masiix, 12 kaas oo aynu ku leennahay dhiirranaan, oo aynu iskuhallayn ugu geli karno xagga rumaysadka aynu isaga rumaysan nahay. 13 Sidaas daraaddeed waxaan idinka baryayaa inaydnaan ku qalbi jabin dhibaatooyinkayga aan daraaddiin u maray, waayo, taasu waa idiin ammaan.
Ducadii Bawlos
14 Sababtaas daraaddeed waxaan ugu jilba joogsadaa Aabbaha hortiisa, 15 kaas oo magiciisa lagu magacaabay reerka oo dhan inta jannada ku jirta iyo inta dhulka joogtaba, 16 in sida hodantinimada ammaantiisu ay tahay uu idin siiyo itaal aad Ruuxiisa kaga xoogaysataan xagga gudihiinna, 17 iyo in Masiixu qalbiyadiinna degganaado xagga rumaysadka, 18 inaad jacayl xidid iyo aasaas ku yeelataan, iyo inaad u xoogaysataan si aad quduusiinta oo dhan ula garataan waxa ay yihiin ballaadhka iyo dhererka iyo korudheerida iyo hoosudheerida, 19 iyo inaad ogaataan jacaylka Masiixa oo aqoonta dhaafa, si ay idiinka buuxsanto Ilaah buuxnaantiisa oo dhammu.
20 Haddaba kan awooda inuu inoo sameeyo wax aad iyo aad uga sii badan waxa aynu weyddiisanno ama ku fikirno oo dhan sida u yahay xoogga inaga dhex shaqeeya, 21 isaga ammaanu ha ugu ahaato kiniisadda iyo Ciise Masiixba tan iyo qarniyada oo dhan iyo weligiis iyo weligiisba. Aamiin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya