Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Beginning

Read the Bible from start to finish, from Genesis to Revelation.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Maahmaahyadii 24-26

24 Dad shar leh ha ka masayrin,
Hana jeclaysan inaad iyaga la joogtid.
Waayo, qalbigoodu wuxuu ka fikiraa kharribaad,
Oo bushimahooduna waxay ku hadlaan belaayo.
Guri wuxuu ku dhismaa xigmad,
Wuxuuna ku taagnaadaa waxgarasho,
Qawladuhuna aqoontay kaga buuxsamaan
Maal kasta oo qaali ah oo qurux badan.
Ninkii caqli lahu xoog buu leeyahay,
Oo ninkii aqoon lahuna itaal buu sii korodhsadaa.
Waayo, waa inaad talo wanaagsan ku dagaallantaa,
Oo waxaa taliyayaal badan la jirta nabadgelyo.
Xigmaddu nacaska way ka dheer tahay,
Isagu xagga iridda afkiisa kuma kala qaado.
Kii ku fikira inuu xumaan sameeyo,
Waxaa loogu yeedhi doonaa belaayo-sameeye.
Fikirka nacasnimadu waa dembi,
Kii wax quudhsadaana waa u karaahiyo dadka.
10 Maalinta dhibaatada haddaad liicdid,
Itaalkaagu waa yar yahay.
11 Samatabbixi kuwa dhimashada loo wadayo,
Kuwa ku dhow in la gowracona dib uga qabo.
12 Haddaad tidhaahdid, Bal eeg, waxan ma aannu garanayn,
Kan qalbiyada miisaamaa miyaanu ka fiirsanayn?
Oo kan naftaada dhawraa miyaanu ogayn?
Oo miyaanu isagu nin walba ugu abaalgudayn sida shuqulkiisu yahay?
13 Wiilkaygiiyow, malab cun, waayo, wuu wanaagsan yahay,
Oo waxaad cuntaa awlallada malabka, taas oo kuu dhadhan macaan.
14 Oo xigmadda aqoonteeduna sidaasoo kalay naftaada u ahaan doontaa,
Oo haddaad iyada heshid waxaa jiri doona abaalgud,
Oo rajadaaduna ma go'i doonto.
15 Sida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa,
Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.
16 Waayo, nin xaq ahu toddoba goor buu dhacaa, wuuna soo sara kacaa haddana,
Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu afgembiyaa belaayo.
17 Ha rayrayn markuu cadowgaagu dhaco,
Oo qalbigaaguna yaanu farxin markuu turunturoodo,
18 Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa,
Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.
19 Xumaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin,
Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,
20 Waayo, kii shar leh abaalgud ma heli doono,
Oo laambadda xumaanfalayaashana waa la bakhtiin doonaa.
21 Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso,
Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,
22 Waayo, belaayadoodu si degdeg ah ayay u soo kici doontaa,
Oo bal yaa yaqaan baabbi'inta labadoodaba?

Erayada Kale Oo Kuwa Caqliga Leh

23 Oo weliba waxyaalahanuna waa wixii ay kuwa caqliga lahaa yidhaahdeen.
In dadka garsooridda loogu kala eexdaa ma wanaagsana.
24 Kii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay,
Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,
25 Laakiinse kuwii isaga canaantaa farxad bay yeelan doonaan,
Oo dushoodana waxaa ku soo degi doonta barako wanaagsan.
26 Kii jawaab qumman ku jawaabaa
Bushimuhuu dhunkadaa.
27 Shuqulkaaga dibadda ku hagaajiso,
Oo beerta ku diyaarso,
Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.
28 Deriskaaga sababla'aan markhaati ha ku furin,
Oo bushimahaagana ha ku khiyaanayn.
29 Hana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa,
Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.
30 Waxaan ag maray ninka caajiska ah beertiisa,
Iyo ninka garaadka daran beercanabkiisa,
31 Oo bal eeg, kulligood waxaa ka baxay qodxan,
Oo dhammaantoodna waxaa qariyey maraboob,
Oo derbigoodii dhagaxa ahaana waa dumay.
32 Markaasaan eegay oo aad uga fiirsaday,
Waan fiiriyey oo wax ka bartay.
33 Weliba in yar baad seexanaysaa, oo in yar baad gam'aysaa,
Oo in yar baad gacmaha hurdo u laabaysaa,
34 Haddaba caydhnimo waa kuu iman doontaa sida tuug oo kale,
Oo baahina sida nin hub sita oo kale.

Maahmaahyadii Kale Ee Sulaymaan

25 Oo weliba kuwanuna waa maahmaahyadii Sulaymaan,
Oo boqorkii Yahuudah oo Xisqiyaah ahaa raggiisii ay soo guuriyeen.
Waa u ammaan Ilaah inuu xaal qariyo,
Laakiinse waa u ammaan boqorrada inay xaal baadhaan.
Sida samadu u sarrayso, oo dhulkuna u gun dheer yahay,
Ayaan qalbiga boqorrada loo baadhi karin.
Lacagta wasakhda ka qaad,
Oo dabadeedna waxaa lacagshubaha uga soo bixi doona weel.
Boqorka hortiisa kuwa sharka leh ka fogee,
Oo carshigiisuna xaqnimuu ku taagnaan doonaa.
Ha isweynweynayn boqorka hortiisa,
Oo kuwa waaweyn meeshoodana ha istaagin.
Amiirkii aad indhahaaga ku aragtay
Intii hortiisa lagu hoosaysiin lahaa,
Waxaa kuu wanaagsan iyadoo lagu yidhaahdo, Halkan sare kaalay.
Dirir degdeg ha ugu bixin,
Waaba intaasoo aad ugu dambaysta garan weydaa waxaad samayn lahayd,
Markii uu deriskaagu ku ceebeeyey dabadeed.
Dacwadaada deriskaaga kala dood,
Laakiinse mid kale xaalkiisa qarsoon ha sheegin,
10 Waaba intaas oo uu ku caayaa kii maqlaa,
Oo aanay ceebtaadu kaa hadhin.
11 Hadalkii si hagaagsan loogu hadlaa
Wuxuu la mid yahay tufaaxyo dahab ah oo lagu dhex sameeyey taswiiro lacag ah.
12 Kii caqli leh oo wax canaantaa wuxuu dhegta wax maqasha oo addeecda ula mid yahay
Hilqado dahab ah iyo wax laysku sharraxo oo dahab saafiya ah.
13 Wargeeyihii aamin ahu wuxuu kuwii isaga soo diray ula mid yahay
Qabowga barafka cad oo wakhtiga beergooyska,
Waayo, isagu wuxuu qabowjiyaa nafta sayidyadiisa.
14 Ku alla kii hadiyad been ah isku faaniyaa
Wuxuu la mid yahay daruuro iyo dabayl aan roob lahayn.
15 Waxaa xaakin wax lagu oggolaysiiyaa dulqaadasho badan,
Carrab macaanuna laftuu jebiyaa.
16 Malab ma heshay? In kugu filan oo keliya ka cun,
Waaba intaas oo intaad ka dheregto aad soo hunqaacdaaye.
17 Cagtaadu ha ku yaraato guriga deriskaaga,
Waaba intaasoo uu kaa daalaa oo uu ku necbaadaaye.
18 Ninkii deriskiisa marag been ah ku furaa
Waa sida budh iyo seef iyo fallaadh af badan oo kale.
19 In wakhtiga dhibaatada nin aaminlaawe ah laysku halleeyo
Waa sida ilig jaban iyo cag murkacatay oo kale.
20 Kii qalbi murugaysan u gabyaa
Waa sida mid maalin qabow huwiska iska qaada iyo sida khal soodhe lagu shubo oo kale.
21 Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii,
Hadduu harraadsan yahayna waraabi,
22 Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa,
Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa.
23 Dabaysha woqooyi roob bay keentaa,
Sidaas oo kale carrabkii xan badanna weji cadhaysan buu keenaa.
24 In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon
In guri weyn naag muran badan lala joogo.
25 Warkii wanaagsan oo dal fog ka yimaadaa
Waa sida biyo qabow ay naf harraadsan u yihiin oo kale.
26 Ninkii xaq ah ee kii shar leh isu dhiibaa
Waa sida durdur qasmay iyo sida il biyood oo wasakhowday oo kale.
27 In malab badan la cunaa ma wanaagsana,
Sidaas oo kalena in ammaan la doondoontaa ammaan ma aha.
28 Kii aan ruuxiisa u talin karinu
Waa sida magaalo duntay oo aan derbi lahayn oo kale.

26 Sida wakhtiga kulul aan baraf cad ugu habboonayn, oo wakhtiga beergooyska aan roob ugu habboonayn,
Ayaan sharaf nacas ugu habboonayn.
Sida shimbir iska wareegaysa iyo sida dabafallaadh iska duulaysa,
Ayaan habaarkii sababla'aan ahu cidna ugu dhacayn.
Jeedal faras buu ku habboon yahay, dacayna dameer,
Ulina dhabarka nacaska.
Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay,
Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye.
Nacas ugu jawaab sida nacasnimadiisu tahay,
Waaba intaasoo uu isla caqli weynaadaaye.
Kii nacas gacantiis farriin u sii dhiibaa
Cagahuu iska gooyaa oo khasaaruu cabbaa.
Sida lugaha curyaanku u laalaadaan
Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.
Kii nacas sharaf siiyaa
Wuxuu la mid yahay mid wadhaf dhagax ku xidha oo kale.
Sida qodaxdu u dhex gasho sakhraan gacantiis,
Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.
10 Kii nacaska ama kuwa jidka maraya kiraystaa
Waa sida qaansoole dadka oo dhan dhaawaca oo kale.
11 Nacas nacasnimadiisa ku noqnoqdaa
Waa sida eey mantaggiisa ku noqnoqda oo kale.
12 Nin isla caqli weyn ma aragtay?
Waxaa isaga ka rajo roon nacas.
13 Ninkii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa waddada jooga;
Libaax baa jidka taagan.
14 Sida albaabku birihiisa ugu noqnoqdo,
Ayaa kii caajis ahuna sariirtiisa isugu rogrogaa.
15 Kii caajis ahu wuxuu gacantiisa geliyaa xeedhadiisa,
Oo inuu afkiisa ku soo celiyona waa ku dhib isaga.
16 Kii caajis ahu waa iskala caqli badan yahay
Toddoba nin oo xigmad ku jawaabi karta.
17 Kii isagoo jidka iska maraya isku dhex dara dirir aanu waxba ku lahayn,
Wuxuu la mid yahay mid eey dhegaha qabta oo kale.
18 Sida nin waalan oo rida dab,
Iyo fallaadho, iyo dhimasho,
19 Ayuu yahay kii intuu deriskiisa khiyaaneeyo,
Haddana yidhaahda, Miyaanan cayaarayn?
20 Xaabola'aanta dabku waa bakhtiyaa,
Oo meeshii aan mid xan badanu jooginna muranku waa ka joogsadaa.
21 Sida dhuxuli raran u sii shiddo, qoryona dab u sii belbeliyaan,
Ayuu ninkii muran badanuna dirir u sii kiciyaa.
22 Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan,
Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.
23 Bushimihii macaan iyo qalbigii shar lehba
Waxay la mid yihiin weel dhoobo ah oo lagu dahaadhay lacag wasakhdeed.
24 Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa,
Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa.
25 Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan,
Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo.
26 In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo,
Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.
27 Ku alla kii bohol qodaaba isagaa ku dhex dhici doona,
Oo kii dhagax giringiriyana, isaguu ku soo rogman doonaa.
28 Carrabkii been sheega wuxuu neceb yahay kuwuu dhaawacay,
Oo afkii wax faaniyaana wuxuu ka shaqeeyaa baabba'.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya