Beginning
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed
58 Hubaal xaqnimada aamusnaan ma ku sheegtaan?
Binu-aadmigow, si qumman wax ma u xukuntaan?
2 Hubaal qalbiga waxaad ka samaysaan xumaato,
Oo waxaad ka fikirtaan dulmiga gacmihiinna oo aad dhulka ku samaysaan.
3 Kuwa sharka lahu waxay qalaad ku noqdaan uurkii hooyadood,
Oo mar alla markii ay dhashaan ayay habaabaan iyagoo been sheegaya.
4 Suntoodu waa sida abeesada waabaydeeda oo kale,
Iyagu waa sida jilbis dhega la' oo dhegihiisa fureeya,
5 Kaasoo aan maqlin codka saaxiriinta,
Iyagoo si caqli ah u sixraya.
6 Ilaahow, ilkahooda afkooda ku dhex burburi,
Rabbiyow, libaaxyada aaranka ah miciyahooda jejebi.
7 Ha u dhalaaleen sida biyo aad u durduraya.
Markuu fallaadhihiisa wax ku liishaamo, ha noqdeen sida wax kala jabay.
8 Ha noqdeen sida alalaxayda dhalaasha oo iska baabba'da,
Iyo sida dhicis naageed oo aan qorraxda arkin.
9 Intaan dheryihiinnu qodxaha taaban,
Ayuu kuwa qoyan iyo kuwa ololayaba ku kala firdhin doonaa dabayl cirwareen ah.
10 Kan xaqa ahu wuu rayrayn doonaa markuu arko aargudashada,
Oo wuxuu ku cago maydhan doonaa kan sharka leh dhiiggiisa.
11 Sidaas daraaddeed dadku wuxuu odhan doonaa, Hubaal kii xaq ahu abaalgud buu leeyahay,
Hubaal waxaa jira Ilaah dhulka xukuma.
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed. Wuxuu tiriyey markii Saa'uul cid u diray, oo ay gurigii ilaaliyeen inay isaga dilaan.
59 Ilaahayow, cadaawayaashayda iga samatabbixi,
Oo kuwa igu kacayna meel sare iga saar.
2 Iga samatabbixi xumaanfalayaasha,
Oo dadka dhiigyocabyada ahna iga badbaadi.
3 Waayo, bal eeg, waxay gaadaan naftayda,
Oo kuwa xoogga badanuna way isu kay wada urursadaan,
Rabbiyow, weliba ma aha xadgudubkayga aawadiis iyo dembigayga aawadiis toona.
4 Waxay u ordaan oo isu diyaariyaan wax aanan eed ku lahayn,
Dartay u kac inaad i caawiso oo aad i eegto.
5 Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow,
Sara joogso oo quruumaha oo dhan soo booqo,
Oo innaba ha u naxariisan xadgudbayaasha. (Selaah)
6 Fiidkay soo noqdaan, oo waxay u ciyaan sida eey oo kale,
Oo waxay ku warwareegaan magaalada hareeraheeda.
7 Afkooda waxaa ka qubmaysa cay,
Bushimahoodana waxaa ku jira seefo,
Waayo, waxay isyidhaahdaan, Bal yaa na maqla?
8 Laakiinse Rabbiyow, iyagaad ku qosli doontaa,
Quruumaha oo dhan waad quudhsan doontaa.
9 Xooggaygiiyow, adigaan ku sugi doonaa,
Waayo, Ilaah waa qalcaddayda.
10 Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona,
Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.
11 Sayidow, gaashaankayagiiyow,
Iyaga ha layn, waaba intaasoo ay dadkaygu illoobaane,
Laakiinse iyaga xooggaaga ku kala firdhi, oo hoos u soo deji.
12 Kibirkoodu iyaga ha dabo
Dembiga afkooda iyo erayada bushimahooda aawadood,
Iyo weliba habaarka iyo beenta ay ku hadlaan aawadood.
13 Iyaga cadho ku baabbi'i, si aanay mar dambe u jirin iyaga baabbi'i,
Oo ha ogaadeen in Ilaah u taliyo reer Yacquub
Tan iyo dhulka darafkiisa. (Selaah)
14 Oo iyagu fiidka ha soo noqdeen, oo sida eey oo kale ha u ciyeen,
Oo magaalada hareeraheeda ha ku warwareegeen.
15 Waxay u warwareegayaan inay cunto helaan,
Oo haddaanay dherginna habeenkii oo dhan way sii joogayaan.
16 Laakiinse anigu waxaan ka gabyi doonaa xooggaaga,
Haah, oo aroortii ayaan naxariistaada aad uga gabyi doonaa,
Waayo, waxaad ahayd qalcaddaydii,
Oo maalintii aan dhibaataysnaana magangal baad ii ahayd.
17 Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha inuu wax ku baro, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shuushan Ceeduud. Wuxuuna tiriyey markii uu la diriray Aram Nahara'im iyo Aram Soobaah, oo uu Yoo'aab soo noqday oo uu reer Edom Dooxadii Cusbada kaga laayay laba iyo tobanka kun.
60 Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay,
Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.
2 Dhulkii waad gariirisay, oo waad kala dildillaacisay,
Haddaba dildillaaciisa bogsii, waayo, wuu ruxmadaa.
3 Dadkaagii waxaad tustay waxyaalo adag,
Oo waxaad na cabsiisay khamri lala dhacdhaco.
4 Calan baad siisay kuwa kaa cabsada,
In runta loo soo bandhigo aawadeed. (Selaah)
5 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan,
Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.
6 Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa,
Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.
7 Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh,
Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga,
Yahuudahna waa ushayda boqornimo.
8 Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray,
Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa,
Falastiinay, qayli aawaday.
9 Bal yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh?
Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
10 Ilaahow, sow nama aadan xoorin?
Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
11 Cadowga naga caawi,
Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
12 Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa,
Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
61 Ilaahow, qayladayda maqal,
Oo baryadaydana dhegta u dhig.
2 Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya,
Ii hoggaami dhagaxa iga dheer.
3 Waayo, waxaad ii ahayd magangal,
Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.
4 Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga,
Oo waxaan magangeli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon. (Selaah)
5 Waayo, Ilaahow, nidarradaydii waad maqashay,
Oo waxaad i siisay kuwa magacaaga ka cabsada dhaxalkooda.
6 Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa,
Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.
7 Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa,
Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.
8 Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa,
Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. Oo wuxuu u tiriyey sidii Yeduutuun.
62 Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya,
Oo badbaadadayduna waxay ka timaadaa xaggiisa.
2 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah,
Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.
3 Balse idinku ilaa goormaad nin ku weeraraysaan,
Inaad kulligiin isaga dumisaan,
Sida derbi dhacaya, iyo deyr ligliganaya?
4 Iyagu waxay keliyahoo ku tashadaan si ay isaga sharaftiisa uga dejiyaan,
Oo waxay ku farxaan beensheegidda,
Afka way ka duceeyaan, laakiinse uurka way ka habaartamaan. (Selaah)
5 Naftaydoy, Ilaah oo qudha sug,
Waayo, isagaan wax ka filanayaa.
6 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah,
Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.
7 Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah,
Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.
8 Dadkow, isaga isku halleeya wakhti kastaba,
Oo qalbigiinna waxba ha kula hadhina Ilaah hortiisa,
Waayo, Ilaah baa magangal inoo ah. (Selaah)
9 Hubaal dad gun ahu waa xumbo,
Oo dad gob ahuna waa been,
Markii la miisaamo way kor mari doonaan,
Oo iyagu dhammaantood xumbo way ka fudud yihiin.
10 Dulmiga ha isku hallaynina,
Waxdhiciddana ha ku kibrina.
Maal hadduu idinku batona qalbigiinna ha raacinina.
11 Ilaah mar buu hadlay,
Oo laba goor baan maqlay,
In Ilaah xoogga iska leeyahay,
12 Oo weliba, Sayidow, adigu naxariis baad leedahay,
Waayo, nin kasta waxaad ugu abaalguddaa sidii camalladiisu ahaayeen.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu joogay cidlada reer Yahuudah.
63 Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa,
Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa,
Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.
2 Si aan u arko xooggaaga iyo ammaantaadaba aawadeed,
Ayaan kaa fiiriyey meesha quduuska ah.
3 Waayo, raxmaddaadu way ka sii wanaagsan tahay nolol,
Haddaba bushimahaygu way ku ammaani doonaan.
4 Sidaas daraaddeed waan kugu mahadnaqayaa intaan noolahay,
Oo gacmahaygana kor baan ugu qaadi doonaa magacaaga aawadiis.
5 Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo,
Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan
6 Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto
Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo.
7 Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad,
Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.
8 Naftaydu adigay ku raacdaa,
Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)
9 Laakiinse kuwa naftayda u doondoonaya inay halligaan aawadeed,
Waxay geli doonaan dhulka meelaha ugu hooseeya.
10 Waxaa iyaga loo gacangelin doonaa xoogga seefta,
Oo waxay qayb u noqon doonaan dawacooyinka.
11 Laakiinse boqorku wuxuu ku rayrayn doonaa Ilaah,
Mid kasta oo isaga ku dhaartaa wuu faani doonaa,
Waayo, kuwa beenta sheega afkooda waa la aamusiin doonaa.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
64 Ilaahow, codkayga maqal markii aan kuu soo cawdo,
Oo naftayda ka ilaali cadowga cabsidiisa.
2 Oo iga qari talada qarsoon oo kuwa sharka ka shaqeeya,
Iyo tirabadnaanta xumaanfalayaasha,
3 Oo carrabkooda u afeeyey sidii seef oo kale,
Oo fallaadhahoodii liishaamay kuwaas oo ah erayo qadhaadh,
4 Si ay meelo qarsoon kan qumman fallaadh ugaga ganaan,
Haddiiba si kedis ah ayay ugu ganaan, mana cabsadaan.
5 Qasdi shar ah bay isku dhiirrigeliyaan,
Waxay ku arrinsadaan inay si qarsoon dabinno u dhigaan,
Oo ay isyidhaahdaan, Bal yaa arki doona?
6 Waxay baadhaan xumaatooyin, iyagoo leh, Annagu baadhid caqli ah ayaannu ebinnay,
Fikirka ku jira uurka nin walba iyo qalbiguba waa mool dheer yihiin.
7 Laakiinse Ilaah waa toogan doonaa,
Oo haddiiba iyaga waxaa dhaawici doonta fallaadh.
8 Sidaas daraaddeed waa la kufin doonaa, iyagoo carrabkoodu col u yahay naftooda,
Wax alla wixii iyaga arka oo dhammu way carari doonaan.
9 Oo dadka oo dhammu way cabsan doonaan,
Oo waxay sheegi doonaan shuqulka Ilaah,
Oo si caqli ah ayay uga fikiri doonaan wuxuu sameeyey.
10 Kuwa xaqa ahu waxay ku farxi doonaan Rabbiga, oo isagay isku hallayn doonaan,
Oo inta qalbigoodu toosan yahay oo dhammuna way faani doonaan.
Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
65 Ilaahow, ammaan baa Siyoon kugu sugaysa,
Oo nidarkana waa in adiga laguu oofiyo.
2 Kaaga baryootanka maqlow,
Dadka oo dhammu adigay kuu iman doonaan.
3 Waxaa iga adkaada xumaatooyin,
Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.
4 Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado,
Inuu degganaado barxadahaaga.
Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga,
Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.
5 Ilaaha badbaadadayadow,
Waxyaalo cabsi badan ayaad xaqnimo noogu jawaabi doontaa,
Waxaad tahay kalsoonida kuwa dunida darfaheeda oo dhan,
Iyo kuwa badda fogba,
6 Kaas oo xooggiisa buuraha ku adkeeya,
Isagoo dhexda xoog ku xidhay.
7 Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda,
Iyo dadyowga buuqooda.
8 Oo weliba kuwa dhulka meelaha ugu fog deggan waxay ka cabsadaan calaamooyinkaaga,
Oo adigu waad ka farxisaa meelaha ay subaxda iyo fiidkaba ka baxaan.
9 Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa,
Oo aad baad u barwaaqaysaa,
Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa,
Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.
10 Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa,
Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda,
Oo tiixtiix baad ku jilcisaa,
Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa.
11 Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga,
Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag.
12 Waxay ku tifqaan daaqa cidlada,
Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.
13 Berrimmada daaqu waxay huwadaan tirooyin adhyo ah,
Dooxooyinkana waxaa qariya hadhuudh,
Markaasay farxad la qayliyaan, oo weliba gabyaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya