Beginning
Ciise Waa Laga Celiyey Naasared(A)
6 Meeshaas ayuu ka tegey oo waddankiisii yimid, xertiisiina way soo raaceen. 2 Goortii sabtida la gaadhay ayuu bilaabay inuu sunagogga wax ku baro; dad badan oo maqlayaana way la yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu waxyaalahan ka helay? Oo xigmaddan la siiyeyna maxay tahay in xataa shuqulladan oo xoogga leh gacmihiisu sameeyaan? 3 Kanu miyaanu ahayn nijaarkii, ina Maryan, kii walaal u yahay Yacquub, iyo Yoosee, iyo Yuudas, iyo Simoon; gabdhihii walaalihiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Wayna ka xumaadeen. 4 Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Nebi murwad la' ma jiro, waddankiisa, iyo dadkiisa, iyo gurigiisa dhexdooda maahee. 5 Meeshaas shuqul xoog leh kuma samayn karin inuu dhawr buka gacmihiisii saaro oo bogsiiyo mooyaane. 6 Wuuna ka yaabay rumaysadla'aantooda aawadeed. Kolkaasuu tuulooyinka ku wareegay isagoo wax baraya.
Rasuulladii Shuqulkoodii(B)
7 Kolkaasuu laba-iyo-tobankii u yeedhay, wuxuuna bilaabay inuu laba laba u diro. Wuuna siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan. 8 Wuxuuna ku amray, Waxba safarka ha u qaadanina ul maahee. Kibis iyo qandi iyo lacag kiishad ku jirta ha qaadanina. 9 Kabo gashada, laakiin laba khamiis ha gashanina. 10 Wuxuuna ku yidhi, Meel walba oo aad guri ka gashaan, halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan. 11 Meel alla meeshaan idin soo dhowayn oo aan idin maqlin, goortaad halkaas ka tegaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato. 12 Markaasay baxeen oo waxay wacdiyeen dadkii si ay u toobadkeenaan. 13 Jinniyo badan ayay saareen, dad badan oo bukayna saliid bay mariyeen, wayna bogsiiyeen.
Dhimashadii Yooxanaa Baabtiisaha(C)
14 Boqor Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, waayo, magiciisa ayaa meel walba laga wada ogaaday. Kolkaasuu yidhi, Yooxanaa Baabtiisaha ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay, sidaa darteeda shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan. 15 Laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Waa Eliyaas; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Waa nebi, nebiyada kale la mid ah. 16 Laakiin Herodos goortuu maqlay wuxuu yidhi, Kanu waa Yooxanaa, kii aan madaxa ka gooyay. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay. 17 Waayo, Herodos qudhiisa ayaa cid diray oo Yooxanaa qabtay oo u xabbisay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, waayo, wuu guursaday, 18 oo Yooxanaa wuxuu Herodos ku yidhi, Xalaal kuu ma aha inaad naagtii walaalkaa haysatid. 19 Sidaa darteed ayaa Herodiya ka dhiriftay oo doonaysay inay disho, mase karin, 20 waayo, Herodos baa Yooxanaa ka baqay. Wuxuu ogaa inuu yahay nin qumman oo quduus ah, wuuna ilaaliyey. Oo goortuu maqlay waa wareeray, farxadna wuu ku maqlay.
21 Goortii maalin wanaagsan timid, markii la xusuustay dhalashadii Herodos, ayuu diyaafad ugu yeedhay raggiisii waaweynaa iyo saraakiishiisii iyo cuqaashii Galili. 22 Kolkaasaa gabadhii Herodiya qudheedu soo gashay oo cayaartay, oo waxay ka farxisay Herodos iyo kuwii la fadhiyey, kolkaasaa boqorkii baa wuxuu gabadhii ku yidhi, Wax alla wixii aad doonaysidba i weyddiiso, waanan ku siinayaa. 23 Kolkaasuu wuxuu ugu dhaartay, Wax alla wixii aad i weyddiisatidba, waan ku siinayaa ilaa boqortooyadayda badhkeed. 24 Markaasay baxday oo hooyadeed ku tidhi, Maxaan weyddiistaa? Oo waxay tidhi, Madaxa Yooxanaa Baabtiisaha. 25 Kolkiiba boqorkii ayay dhaqso ugu timid oo weyddiisatay iyadoo leh, Waxaan doonayaa haddaba madaxii Yooxanaa Baabtiisaha inaad xeedho igu siiso. 26 Markaasaa boqorkii aad u calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuusan doonaynin inuu diido. 27 Kolkiiba boqorkii wuxuu diray askari oo ku amray inuu madaxiisa soo qaado. Markaasuu tegay oo xabsiga madaxa kaga gooyay. 28 Madaxiisiina ayuu xeedho ku soo qaaday oo gabadhii siiyey, gabadhiina waxay siisay hooyadeed. 29 Tan goortii xertiisii maqashay, ayay yimaadeen oo meydkiisii qaadeen oo aaseen.
Soo Noqodkii Rasuullada(D)
30 Rasuulladii ayaa Ciise u soo ururay, oo waxay u sheegeen wixii ay sameeyeen oo dhan iyo wixii ay bareenba. 31 Markaasuu iyaga ku yidhi, Keligiin kaalaya cidlada, waxoogaana ku nasta. Waayo, kuwii imanayay iyo kuwii tegayay way badnaayeen, nefis ay wax ku cunaanna ma lahayn. 32 Kolkaasay keli ahaantooda doonni raaceen oo meel cidla' ah tageen. 33 Dadkii baase arkay iyagoo tegaya, qaar badanna way garteen, oo magaalooyinka oo dhan ayay ka soo ordeen, wayna ka dheereeyeen. 34 Ciise goortuu soo degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen sidii ido aan adhijir lahayn, wuxuuna bilaabay inuu wax badan baro.
Waxaa Cunto La Siiyey Shan Kun Oo Nin(E)
35 Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, haddana maalintii horay u badatay. 36 Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan. 37 Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan? 38 Markaasuu ku yidhi, Immisa kibsood baad haysaan? Soo eega. Oo markay ogaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Shan kibsood iyo laba kalluun.
39 Kolkaasuu ku amray inay cawska koox koox ugu fadhiisiyaan. 40 Waxay u fadhiisteen safaf boqol boqol iyo konton konton ah. 41 Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakeeyey, kibistiina ayuu kala jejebiyey oo xertiisii siiyey inay hortooda dhigaan, labadii kalluunna wuu u qaybiyey giddigood. 42 Dhammaantood way wada cuneen, oo ka dhergeen. 43 Oo waxay soo gureen laba iyo toban dambiilood oo ka buuxa jajabkii iyo kalluunka. 44 Kuwii kibistii cunayna waxay ahaayeen shan kun oo nin.
Ciise Baa Badda Ku Dul Socday(F)
45 Kolkiiba wuxuu xertiisii ku amray inay doonnida fuulaan oo ay hortiis tagaan dhanka kale oo Beytsayda intuu dadkii badnaa dirayo. 46 Goortuu kala diray, ayuu buurta tegey inuu ku tukado. 47 Goortii makhribkii la gaadhay, doonnidii waxay joogtay badda dhexdeeda, isaguna keligiis ayuu dhulka joogay. 48 Wuxuu arkay iyagoo wadidda ku dhibtoonaya, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd. Wakhtigii gaadhka afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda, wuuna iska dhaafi lahaa. 49 Laakiin goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, waxay moodeen inuu muuqasho yahay, markaasay qayliyeen. 50 Waayo, way wada arkeen, wayna nexeen. Markiiba wuu la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina. 51 Markaasuu doonnidii iyaga ugu tegey, dabayshuna waa joogsatay. Aad iyo aad bay u nexeen oo ula yaabeen. 52 Waayo, iyaga kibistii waxba kama ay garanin, maxaa yeelay, qalbigoodu waa engegnaa.
Bogsiintii Dadka Gennesared Joogay(G)
53 Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared, oo doonnidiina xeebtay ku xidheen. 54 Goortay doonnida ka soo degeen, kolkiiba dadku way garteen isaga. 55 Oo waxay orod ku wareegeen dalka u dhow oo dhan oo bilaabeen inay kuwa buka sariiro ugu soo qaadaan meeshii ay ku maqleen inuu joogo. 56 Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.
Ciisaa Ka Jawaabay Eedayntii Ku Saabsanayd Xeerka(H)
7 Kolkaasaa waxaa u soo urureen Farrisiintii iyo qaar culimmo ah oo Yeruusaalem ka yimid. 2 Goortaasay arkeen xertiisii qaarkooda oo kibis ku cunaya gacmo nijaasaysan, waxa weeye gacmo aan dhaqnayn. 3 Waayo, Farrisiinta iyo Yuhuudda oo dhammu waxba ma cunaan haddayan gacmahooda aad u dhaqin, si ay u xajiyaan xeerkii waayeellada. 4 Oo goortay suuqa ka yimaadaan waxba ma cunaan, inay maydhaan maahee. Waxyaalo badan oo kale ayaa jira oo ay heleen inay xajiyaan sida dhaqidda koobab, iyo dheriyo, iyo weelal naxaas ah, iyo miisas. 5 Markaasaa Farrisiintii iyo culimmadii weyddiiyeen oo waxay ku yidhaahdeen, Xertaadii maxay ugu socon waayeen xeerkii waayeellada, waxayse wax ku cunaan gacmo nijaasaysan? 6 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay, labawejiilayaalow, siday u qoran tahay,
Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan,
Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay.
7 Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan,
Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka.
8 Idinku qaynuunkii Ilaah waad ka tagtaan, oo waxaad xajisaan xeerka dadka, sida dhaqidda dheriyada iyo koobabka, oo wax kale oo badan oo kuwaas la mid ah ayaad samaysaan.
9 Markaasuu ku yidhi, Qaynuunkii Ilaah aad baad u diiddaan inaad xeerkiinna xajisaan. 10 Waayo, Muuse wuxuu yidhi, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus; oo kan aabbihii iyo hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado. 11 Laakiin waxaad leedihiin, Haddii nin aabbihii iyo hooyadii ku yidhaahdo, Wixii aan idiin tari lahaa oo dhan waa Qurbaan, waxa weeye, Waa sadaqad aan Ilaah siiyey; 12 idinku uma daysaan mar dambe inuu aabbihii iyo hooyadii wax u sameeyo. 13 Ereygii Ilaah ayaad ku buriseen xeerkiinna aad bixiseen, oo wax badan oo kuwan oo kale ah ayaad samaysaan.
14 Markaasuu dadkii badnaa haddana u yeedhay oo ku yidhi, I maqla kulligiin oo garta. 15 Ma jiraan wax dibadda jooga oo intay ninka galaan nijaasayn karaa, laakiin waxa isaga ka soo baxa kuwaasaa waxa ninka nijaaseeya. 16 Haddii nin dhego wax lagu maqlo leeyahay ha maqlo.
17 Markuu dadka ka tegey oo guri galay ayaa xertiisii masaalladii wax ka weyddiisay. 18 Wuxuu iyaga ku yidhi, Idinkuna ma sidaasaad garashola'aan u tihiin? Miyaydnaan garanaynin in waxa dibadda joogaa oo dadka galaa ayan nijaasayn karin? 19 Waayo, qalbigiisa ma galaan, laakiin calooshiisay galaan, oo waxay ku dhacaan meesha lagu saxaroodo. Sidaasuu cuntada oo dhan ku nadiifiyey. 20 Wuxuuna ku yidhi, Waxa ninka ka soo baxa, kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa. 21 Waayo, waxan weeye waxa qalbiga dadka gudihiisa ka soo baxa fikirrada shar leh, iyo galmada xaaraanta ah, iyo tuuganimada, iyo dilidda, 22 iyo damacnimada, iyo sharka, iyo khiyaanada, iyo camal xumaanta, iyo il xun, iyo cayda, iyo kibirka, iyo nacasnimada. 23 Waxyaalahan shar leh oo dhammu gudahay ka soo baxaan oo ninka nijaaseeyaan.
Bogsiintii Gabadha Aan Yuhuudda Ahayn(I)
24 Meeshaas ayuu ka kacay oo wuxuu tegey soohdimaha Turos iyo Siidoon. Markaasuu guri galay. Ma uu doonaynin in la ogaado, laakiin wuu qarsoomi kari waayay. 25 Kolkaasaa naag gabadheedu jinni wasakh leh qabtay ayaa warkiisa maqashay, oo intay timid ayay lugihiisa isku tuurtay. 26 Naagtii waxay ahayd Gariig, qolo ahaanna Surofoynike. Oo waxay ka bariday inuu jinniga gabadheeda ka saaro. 27 Kolkaasuu ku yidhi, Kolka hore carruurtu ha dheergaan, waayo, ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro. 28 Laakiin way u jawaabtay oo ku tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyaha miiska hoostiisa ku jiraa waxay cunaan jajabka carruurta ka dhaca. 29 Kolkaasuu iyada ku yidhi, Hadalkaas aawadiis tag; jinnigii ayaa gabadhaada ka baxay. 30 Goortay gurigeeda timid waxay aragtay gabadhii oo sariirta jiifta oo jinnigii ka baxay.
Nin Dhego Iyo Carrabla' Oo La Bogsiiyey(J)
31 Mar kale ayuu soohdimaha Turos ka soo tegey oo Siidoon maray oo badda Galili yimid, soohdimaha Dekabolisna ayuu soo dhex maray. 32 Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la', waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro. 33 Kolkaasuu dadkii badnaa dhinaca uga bixiyey, oo farihiisa ayuu dhegihiisa ka geliyey, wuuna tufay oo carrabkiisa taabtay. 34 Markaasuu cirka kor u eegay, wuuna taahay oo ku yidhi, Efata, waxa weeye, Furan. 35 Markiiba dhegihiisa waa furmeen oo carrabkiisii xidhnaa waa debcay, oo si bayaan ah ayuu u hadlay. 36 Wuuna ku amray inaanay ninna u sheegin; laakiin in alla intuu amray, ayay in ka badan sii naadiyeen. 37 Aad iyo aad bay ula yaabsanaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Wax walba si wanaagsan ayuu u sameeyey. Kuwa dhegaha la' wax buu maqashiiyaa, kuwa carrabka la'na wax buu ka hadliyaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya