Beginning
XABAQUUQ
Cabashadii Xabaquuq
1 Kanu waa waxa culus ee uu Nebi Xabaquuq arkay. 2 Rabbiyow, ilaa goormaan kuu qayshadaa, oo adna aadan i maqlayn? Dulmi baan kaaga qayshadaa, oo namana aad badbaadisid. 3 Bal maxaad xumaan ii tustaa oo aad qallooc iigu jeedisaa? Waayo, waxaa hortayda yaal halligaad iyo dulmi, oo waxaa kor u kaca dirir iyo dagaal. 4 Sidaas daraaddeed sharcigii waa dabcay oo caddaaladduna hore uma socoto, waayo, kii sharrow ah ayaa hareereeya kii xaq ah, oo sidaas daraaddeed garsooridda waa la qalloociyaa.
Jawaabtii Rabbiga
5 Bal eega quruumaha dhexdooda, ka fiirsada oo aad u yaaba, waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul aydaan rumaysan doonin in kastoo laydiin sheego. 6 Waayo, bal eega, waxaan soo kicinayaa reer Kaldayiin oo ah quruuntaas qadhaadh oo degdegga badan oo dhulka ballaadhkiisa mara inay hantiyaan meelo la dego oo ayan iyagu lahayn. 7 Iyagu waa kuwa laga cabsado oo aad looga baqo; xukunkooda iyo sharaftoodu iyagay ka soo baxaan. 8 Fardahoodu way ka sii dheereeyaan shabeelka, oo way ka sii cabsi badan yihiin yeyda fiidka, oo fardooleydooduna way iskala bixiyaan, haah, oo fardooleydooduna meel fog bay ka yimaadaan, oo waxay u soo duulaan sida gorgor u soo degdegaya inuu wax dhufsado oo cuno. 9 Dhammaantood waxay u yimaadaan inay wax xoogaan, oo damaca wejigooduna waa sida dabaysha bari, oo waxay urursadaan maxaabiis sida cammuudda u badan. 10 Cadowgu boqorro wuu quudhsadaa, oo amiirrona wuu fududaystaa, oo qalcad kastana wuu ku qoslaa, waayo, intuu ciid tuulaa ayuu iska qabsadaa. 11 Markaas sida dabayl buu u dhaafi doonaa, oo wuu sii gudbi doonaa, oo dembi buu lahaan doonaa kan xooggiisu ilaah u yahay.
Cabashadii Labaad Ee Xabaquuq
12 Rabbiyow, Ilaahaygiiyow, kayga Quduuska ahow, sow adigu weligaaba ma aad jiri jirin? Annagu dhiman mayno. Rabbiyow, isaga waxaad u diyaarisay xukun, oo waxaad u xoogaysay edbin, kaaga Dhagaxa weyn ahow. 13 Waxaad tahay mid indhihiisu ka sii daahirsan yihiin inay wax shar ah eegaan, oo qalloocna ma fiirin kartid, haddaba bal maxaad u fiirisaa kuwa khiyaanada sameeya? Oo maxaad u aamusan tahay marka sharrowgu liqo ninka isaga ka sii xaq yahay? 14 Oo maxaad dadka uga dhigtaa sida kalluunka badda, iyo sida waxa gurguurta oo aan lahayn mid iyaga u taliya? 15 Isagu dhammaantood ayuu jillaab ku soo qaataa, oo shabaggiisuu ku soo qabsadaa, oo intuu shabaggiisa ku soo wada urursado ayuu soo jiitaa, haddaba sidaas daraaddeed wuu reyreeyaa oo farxaa. 16 Haddaba sidaas daraaddeed allabari buu u bixiyaa shabaggiisa, oo fooxna wuu u shidaa shabagguu jiita, maxaa yeelay, iyaga ayaa qaybtiisii ku barwaaqowday, oo quudkiisiina aad iyo aad batay. 17 Haddaba miyuu shabaggiisa madhin doonaa, oo miyuu quruumaha had iyo goorba layn doonaa, isagoo aan u tudhin?
2 Meeshayda aan wax ka dhawro ayaan istaagi doonaa, qalcaddana waan isa saari doonaa, waanan u fiirin doonaa bal waxa uu igula hadli doono, iyo waxa aan uga jawaabi doono cabashadayda.
Jawaabtii Rabbiga
2 Oo Rabbigu wuu ii jawaabay, oo wuxuu igu yidhi, Waxa lagu tusay qor, oo looxyo ku caddee, si kii akhristaaba u ordo. 3 Waayo, wixii lagu tusay waa weli, oo waxay iman doonaan wakhtigii la yidhi, wayna u degdegaan ugudambaysta, oo innaba been ma sheegi doonaan. In kastoo ay raagaan waa inaad sugtaa, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah way noqon doonaan, oo innaba ma raagi doonaan. 4 Bal eega, kan madaxa weynaaday naftiisii way kibirtay, oo ma toosna, laakiinse kii xaq ahu rumaysadkiisa buu ku noolaan doonaa. 5 Haah, oo weliba khamrigu wax buu khiyaanaa, oo nin isla weynu gurigiisa kuma xasillo. Wuxuu xiisihiisa u ballaadhiyaa sida She'ool oo kale, oo isagu waa sida geerida oo kale oo innaba lama dherjin karo, laakiinse wuxuu soo urursadaa quruumaha oo dhan, oo wuxuu isu geeystaa dadyowga oo dhan. 6 Kuwan oo dhammu sow isaga kuma halqabsan doonaan? Oo sow maahmaahyo kuma quudhsan doonaan? Waxay odhan doonaan, Waxaa iska hoogay kan urursada wax uusan isagu lahayn! Bal ilaa goorma? Waxaa iska hoogay kan rahaamado isku rara! 7 Kuwii ku qaniini lahaa sow haddiiba ma kici doonaan? Oo kuwii ku dhibi lahaa sow ma toosi doonaan? Oo adna booli baad iyaga u noqon doontaa. 8 Quruumo badan baad dhacday, haddaba sidaas daraaddeed dadyowga intooda hadhay oo dhammu aday ku dhici doonaan, taasuna waa dhiiggii dadka daraaddiis, iyo dulmigii lagu sameeyey dalka iyo magaalada iyo inta dhex deggan oo dhanba.
9 Waxaa iska hoogay kii faa'iido shar ah reerkiisa u soo urursada si uu buulkiisa uga dhisto meel sare oo uu gacanta sharka uga samatabbaxo! 10 Dadyowga badan oo aad baabbi'isay daraaddood waxaad reerkaagii ugu arrimisay ceeb, oo waxaad ku dembaabtay naftaadii. 11 Waayo, dhagax baa ka qaylin doona derbiga dhexdiisa, oo loox alwaaxda ku dhex jira ayaa u jawaabi doona.
12 Waxaa iska hoogay kii magaalo dhiig ku dhisa, oo magaalo xumaan ku adkeeya! 13 Bal eeg in dadku ay dabka aawadiis u hawshoodaan, oo quruumuhuna ay waxtarla'aan isu daaliyaan sow ma aha mid Rabbiga ciidammada xaggiisa ka timid? 14 Waayo, sida biyuhu badda u daboolaan oo kale ayaa dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta sharafta Rabbiga.
15 Waxaa iska hoogay kaaga deriskiisa khamri cabsiiya, oo cadho ugu shuba, oo weliba u sakhraamiya si uu cawradooda u fiirsada aawadeed! 16 Adigu intaad sharaf heli lahayd waxaa ka buuxsantay ceeb, oo weliba adiguna khamri cab, oo waxaad noqotaa sida mid buuryaqab ah. Rabbiga gacantiisa midig koobka ku jira adiguu kugu soo rogman doonaa, oo sharaftaadana waxaa ku dhici doonta ceeb xun. 17 Waayo, waxaa ku dabooli doona dulmigii Lubnaan lagu sameeyey, iyo halligaaddii ku dhacday xayawaankii iyaga ka cabsiiyey, taasuna waa dhiiggii dadka daraaddiis, iyo dulmigii lagu sameeyey dalka iyo magaalada iyo inta dhex deggan oo dhanba.
18 Bal muxuu taraa sanamka xardhan, oo muxuu kii sameeyey u xardhay? Oo muxuu taraa sanamka la shubay oo ah macallinka beenta bara, oo kii sameeyey muxuu haddana isugu halleeyaa, waayo, waa sanamyo carrab la'. 19 Waxaa iska hoogay kii qoriga ku yidhaahda, Toos! oo dhagax carrab la' ku yidhaahda, Sara joogso! Kanu miyuu wax bari doonaa? Bal eega, waxaa lagu dahaadhay dahab iyo lacag, laakiinse innaba neefu kuma jirto. 20 Laakiinse Rabbigu waa ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, haddaba inta dhulka joogta oo dhammu ha ku hor aamuseen.
Baryadii Xabaquuq
3 Tanu waa salaaddii Xabaquuq, oo lagu luuqeeyo Shigyonood.
2 Rabbiyow, waxaan maqlay warkaagii, waanan cabsanayaa.
Rabbiyow, shuqulkaaga soo noolee sannadaha dhexdooda,
Sannadaha dhexdooda ogeysii,
Oo markii aad cadhootid naxariis soo xusuuso.
3 Ilaah wuxuu ka yimid Teemaan,
Kii Quduuska ahaana wuxuu ka yimid Buur Faaraan. (Selaah)
Sharaftiisii waxay ku fidday samooyinka,
Oo dhulkiina waxaa ka buuxsamay ammaantiisii.
4 Oo dhalaalkiisiina wuxuu ahaa sida nuurka,
Wuxuuna lahaa iftiin gacantiisa ka soo baxaya.
Oo waxaa halkaas ku qarsoonaa xooggiisa.
5 Waxaa hortiisa socday belaayo,
Oo waxaa daba socday xummad.
6 Wuu istaagay, oo dhulkuu qiyaasay,
Wax buu fiiriyey, oo quruumihii buu kala eryay.
Kolkaasaa buurihii weligood ahaa kala firdheen,
Oo kurihii daa'imiska ahaana way wada foororsadeen.
Socodkiisuna wuxuu ahaa sidii waagii hore.
7 Waxaan arkay teendhooyinkii reer Kushan oo dhib ku dhex jira.
Daahyadii dalka reer Midyaanna way gariireen.
8 Rabbigu ma wuxuu u cadhooday webiyaasha?
Ma waxaad u xanaaqday webiyaasha
Mase waxaad u cadhootay badda?
Ma saas aawadeed baad u soo fuushay fardahaaga,
Iyo gaadhifardoodyadaadii badbaadinta?
9 Qaansadaadii daaha baad ka qaadday,
Dhaartii aad qabiilooyinka ugu dhaaratayna waxay ahayd eray run ah. (Selaah)
Dhulka waxaad ka dillaacisay webiyaal.
10 Buurihii way ku arkeen, oo way cabsadeen.
Biyaha xoogga lahuna way iska gudbeen,
Moolkii codkiisuu ku hadlay,
Gacmihiisiina kor buu u taagay.
11 Qorraxdii iyo dayaxiiba waxay istaageen rugtoodii,
Markay fallaadhahaaga nuuraya lalayeen,
Iyo markuu warankaaga dhalaalaya birbirqay.
12 Dalkii xanaaq baad kula dhex socotay,
Quruumihiina cadho baad ku tuntay.
13 Waad u soo baxday inaad dadkaaga badbaadiso daraaddeed,
Iyo inaad badbaadiso kaaga subkan.
Reerka sharrowga madaxiisa waad dhaawacday.
Aasaaskiina waad soo bandhigtay. (Selaah)
14 Madaxii dagaalyahanyadiisa waxaad ku mudday ulihiisii,
Waxay u yimaadeen sidii dabayl cirwareen ah inay i kala firdhiyaan daraaddeed.
Rayrayntoodu waxay ahayd inay masaakiinta qarsoodi u dhammeeyaan.
15 Fardahaagii waad kula tumatay baddii,
Taasoo ahayd biyaha aad u badan oo iskor taallaysan.
16 Anigu waan maqlay, kolkaasaan caloosha ka naxay,
Oo codkii aawadiis ayaa bushimahaygu la qadhqadheen,
Lafahaygiina way qudhmeen, oo meeshaydaan ku gariiray,
Inaan iska nasto intaan sugayo maalinta dhibka
Oo ay ciidammadu ku soo kici doonaan dadka.
17 Waayo, in kastoo berduhu uusan ubxin,
Ama aan midho ku oollin geedaha canabka ah,
Oo hawsha saytuunka lagu khasaaro,
Ama aan beeraha quud ka bixin,
Oo adhigu xerada ka baabbo'o,
Oo golahana aan xoolo lagu arag,
18 Haddana Rabbiga waan ku rayrayn doonaa,
Oo Ilaaha badbaadadayda ah waan ku farxi doonaa.
19 Rabbiga Sayidka ah ayaa xoog ii ah,
Cagahaygana wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada,
Oo wuxuu igu socodsiin doonaa meelahayga sarsare.
Tan waxaa lagu tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaabtayda xadhkaha leh.
SEFANYAAH
1 Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Sefanyaah ina Kuushii, ina Gedalyaah, ina Amaryaah, ina Xisqiyaah, wakhtigii Yoosiyaah ina Aamoon uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah.
Ka-digiddii Baabbi'inta Soo Socota
2 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu wax kasta waan ka baabbi'in doonaa dhulka korkiisa. 3 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dad iyo duunyoba waan wada baabbi'in doonaa, haadda samada iyo kalluunka baddaba waan wada baabbi'in doonaa, oo waxa lagu turunturoodo iyo sharrowyadaba waan wada baabbi'in doonaa, oo binu-aadmigana waan ka gooyn doonaa dhulka korkiisa.
Digniin Ka Gees Ah Yahuudah
4 Oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa dalka Yahuudah iyo inta Yeruusaalem deggan oo dhan, oo intii Bacal ka hadhayna meeshan waan ka gooyn doonaa, iyo magaca Kemaariim iyo wadaaddada, 5 iyo kuwa ciidanka samada ku caabuda guryaha dhaladooda, iyo kuwa Rabbiga caabuda oo ku dhaarta oo haddana ku dhaarta Malkaam, 6 iyo kuwa dib uga noqday Rabbiga lasocodkiisii, iyo kuwa aan Rabbiga doondoonin ama aan isaga innaba wax ka baryin.
7 Sayidka Rabbiga ah hortiisa ku aamus, maxaa yeelay, maalintii Rabbigu waa soo dhow dahay, waayo, Rabbigu waa diyaariyey allabari, oo martidiisiina quduus buu ka dhigay. 8 Oo maalinta Rabbiga allabarigiisa ayaan ciqaabi doonaa amiirrada iyo wiilasha boqorka, iyo inta dharka qalaad xidhan oo dhanba. 9 Maalintaas waxaan wada ciqaabi doonaa kuwa marinka ka booda, oo guriga sayidkooda ka buuxiya dulmi iyo khiyaano.
10 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla maalintaas qaylo dhawaaqeed ayaa ka yeedhi doona Iridda Kalluunka, oo magaalada inteeda labaadna waxaa ka yeedhi doonta baroor, kurahana waxaa ka yeedhi doona daryaan weyn. 11 Kuwiinna Makteesh degganow, qayliya, waayo, dadkii reer Kancaan oo dhammu waa dhammaaday, oo kuwii lacagta ku rarnaa oo dhammu waa baabba'. 12 Oo wakhtigaas ayaan Yeruusaalem laambado ku baadhi doonaa, waanan ciqaabi doonaa dadka gufarkooda isaga fadhiyey sida khamri deggan oo kale, oo qalbigooda iska yidhaahda, Rabbigu wax wanaagsan samayn maayo, wax shar ahna samayn maayo. 13 Maalkoodu wuxuu noqon doonaa wax la boobo, guryahooduna waxay noqon doonaan meel baabba' ah, haah, oo waxay dhisan doonaan guryo, laakiinse ma ay degi doonaan, oo waxay beeran doonaan beero canab ah, laakiinse khamrigooda ma ay cabbi doonaan.
Maalintii Weynayd Ee Rabbiga
14 Maalintii weynayd oo Rabbigu way soo dhow dahay, way soo dhow dahay, oo aad bay u soo degdegaysaa. Dhawaaqi maalinta Rabbigu mar dhow buu yeedhi doonaa, dadka xoogga badanuna halkaasay si qadhaadh ah uga qaylin doonaan. 15 Maalintaasu waa maalin ay cadho jirto, oo waa maalin ay jiraan dhibaato iyo cidhiidhi, oo waa maalin ay jiraan dumin iyo baabbi'in, oo waa maalin ay jiraan gudcur iyo mugdi madow, oo waa maalin ay jiraan daruuro iyo gudcur dam ah, 16 oo waa maalin ay jiraan buun iyo qaylo dagaaleed oo ka gees ah magaalooyinka deyrka leh, iyo munaaradaha dhaadheer.
17 Dadka waxaan ku soo dejin doonaa cidhiidhi inay u socdaan sidii dad indha la', maxaa yeelay, Rabbigay ku dembaabeen, oo dhiiggoodu wuxuu u daadan doonaa sida boodh oo kale, hilibkooduna sida digo oo kale. 18 Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.
2 Isa soo urursada, quruuntan aan xishoodka lahaynay, isa soo urursada, 2 intaan amarku soo bixin, oo aan maalintu u dhaafin sida xaab oo kale, intaan Rabbiga xanaaqiisa kululu idinku soo degin, intaan maalinta cadhada Rabbigu idinku soo degin. 3 Rabbiga doondoona, dhammaantiin kuwiinna camalka qabow ee dhulkow, oo xukunkiisa yeelayow, xaqnimo doondoona, oo qabownaan doondoona. Waxaa laga yaabaa inaad maalinta cadhada Rabbiga qarsoonaan doontaan.
Digniin Ka Gees Ah Reer Falastiin
4 Waayo, Gaasa waa la dayrin doonaa, oo Ashqeloonna waxay noqon doontaa meel cidla ah, oo dadka Ashdoodna waxaa la eryi doonaa hadh cad, Ceqroonna waa la rujin doonaa.
5 Waxaa iska hoogay dadka deggan badda xeebteeda, waana quruunta reer Kereetiim! Kancaan oo ah dalka reer Falastiinow, Rabbiga eraygiisu waa kaa gees. Waan ku baabbi'in doonaa si aan qof keliyuhuna kuu sii degganaan. 6 Badda xeebteedu waxay noqon doontaa berrimmo daaqsiin ah, oo leh rug adhijirro iyo xeryo adhi. 7 Oo xeebta waxaa yeelan doona kuwa dadka Yahuudah ka hadhay. Iyana adhyahooda ayay halkaas daaqsan doonaan, oo fiidkiina waxay jiifsan doonaan guryihii reer Ashqeloon, waayo, Ilaaha Rabbigooda ah ayaa iyaga soo booqan doona, oo maxaabiistoodiina wuu soo celin doonaa.
Digniin Ka Gees Ah Reer Moo'aab Iyo Reer Cammoon
8 Anigu waan maqlay caydii reer Moo'aab iyo canaantii reer Cammoon oo ay dadkayga ku caayeen, iyo inay iska sii weyneeyeen soohdintooda. 9 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay oo sida xaqiiqada ah Moo'aab waxay noqon doontaa sida Sodom oo kale, oo reer Cammoonna waxay noqon doonaan sida Gomora oo kale, oo waxay ahaan doonaan meel maraboob ka baxo, iyo godad cusbo, iyo meel had iyo goor cidla ah. Kuwa dadkayga ka hadhay ayaa dhici doona oo inta quruuntayda ka hadhay ayaa dhaxli doonta. 10 Kibirkoodii aawadiis ayay waxan u heli doonaan, maxaa yeelay, waxay caayeen oo iska weynaysiiyeen dadkii Rabbiga ciidammada. 11 Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa mid aad looga cabsado, waayo, wuu wada macaluulin doonaa ilaahyada dhulka oo dhan, kolkaasay dadku isaga caabudi doonaan, oo mid kastaaba wuxuu isaga ka caabudi doonaa meeshiisa, oo xataa quruumaha gasiiraduhu way wada caabudi doonaan isaga.
Digniin Ka Gees Ah Itoobiya
12 Oo weliba reer Itoobiyow, idinkana waxaa laydinku layn doonaa seeftayda.
Digniin Ka Gees Ah Ashuur
13 Oo isagu gacantiisuu u fidin doonaa xagga woqooyi, oo dalka Ashuur wuu wada baabbi'in doonaa, oo Ninewehna cidla buu ka dhigi doonaa iyo lamadegaan engegan. 14 Oo waxaa dhexdeeda jiifsan doona xoolo iyo xayawaanka quruumaha oo dhan, oo cantalyaaga iyo caanaqubtuba waxay ku dhex hoyan doonaan tiirarkeeda. Cod baa ka gabyi doona daaqadaheeda, oo waxaa marinnada joogi doona abaar, waayo, isagu wuu soo bandhigay shuqulkii qoriga kedarka ah laga qabtay. 15 Tanu waa magaaladii faraxa badnayd oo feyigla'aanta ku degganayd, oo qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jirto. Waxay noqotay cidla iyo meel dugaag ku hoydo! Mid kasta oo agteeda soo maraaba wuu ku foodhyi doonaa oo gacanta quudhsasho la ruxi doonaa.
Aayatiinka Yeruusaalem
3 Waxaa iska hoogtay magaalada caasiyowday oo nijaasowday oo wax dulunta! 2 Iyadu codkii ma ay addeecin, oo edbintiina ma ay aqbalin, oo Rabbiga iskuma ay hallayn, oo Ilaahna kuma ay soo dhowaan. 3 Amiirradeeda iyada dhex jooga waa sida libaaxyo ciyaya, xaakinnadeeduna waa sida yeey habeennimo oo aan waxba tan iyo aroortii reebin. 4 Nebiyadeedu waa kuwo fudud oo khiyaano badan, oo wadaaddadeediina meeshii quduuska ahayd ayay nijaaseeyeen, oo sharcigiina si xun bay u dhaafeen. 5 Rabbiga dhexdeeda jooga waa xaq, oo innaba xumaan ma samayn doono, oo caddaaladdiisana aroor kastaba wuu soo saaraa, oo marnaba kama baaqdo, laakiinse caddaaladlaawuhu isma ceebsan yaqaan.
6 Anigu quruumo ayaan baabbi'iyey, oo qalcadahoodiina waa baabba', oo jidadkoodiina cidla baan ka dhigay si aan ciduna u marin, oo magaalooyinkoodiina waa la dumiyey, si aan qofna u joogin oo aan cid keliyuhuna u degganaan. 7 Waxaan idhi, Sida xaqiiqada ah waad iga cabsan doontaa, oo edbin baad aqbali doontaa. Markaas hoygeedu uma uu baabbe'een sidii aan iyada u goostay. Laakiinse aroor horay keceen oo falimahoodii oo dhan way xumeeyeen.
8 Haddaba i suga, ayaa Rabbigu leeyahay, ilaa maalinta aan ugaadhsade u soo kici doono, waayo, waxaan ku talajiraa inaan quruumaha isu soo ururiyo oo aan boqortooyooyinka isu soo shiriyo, si aan korkooda ugu shubo dhirifkayga iyo xataa xanaaqayga kulul oo dhan, waayo, dhulka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradayda.
9 Waayo, markaas ayaan dadyowga siin doonaa af daahir ah, si ay kulligood magaca Rabbiga ugu yeedhaan, oo ay isaga ugu adeegaan isku niyad keliya. 10 Kuwa i barya oo ah dadkayga firidhsan waxay webiyaasha Itoobiya shishadooda ka keeni doonaan qurbaankayga.
11 Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah. 12 Laakiinse dhexdaada waxaan uga tegi doonaa dad dhibaataysan oo masaakiin ah, oo iyana magaca Rabbiga ayay isku hallayn doonaan. 13 Kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay xumaan ma samayn doonaan, beenna ma sheegi doonaan, oo afkoodana innaba carrab khiyaano badan lagama heli doono, waayo, iyagu wax bay quudan doonaan oo way iska jiifsan doonaan, oo waxba iyaga ma cabsiin doonaan.
14 Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree. 15 Rabbigu wuxuu qaaday xukummadaadii, oo cadowgaagiina wuu tuuray. Boqorkii reer binu Israa'iil oo Rabbiga ah ayaa dhexdaada jooga, oo mar dambe shar ka baqi maysid. 16 Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu odhan doonaa, Ha cabsan, Siyoonay, yaan gacmahaagu debcin. 17 Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa. 18 Waxaan soo ururin doonaa kuwaagii laga masaafuriyey oo haatan u murugaysan shirka quduuska ah, kuwaasoo culaabta kor saaranu ay cay ahayd. 19 Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac. 20 Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya