Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur gabay ah oo ay reer Qorax tiriyeen.
87 Aasaaskiisu wuxuu ku jiraa buuraha quduuska ah.
2 Rabbigu degmooyinka reer Yacquub oo dhan
Wuxuu ka jecel yahay irdaha Siyoon.
3 Magaalada Ilaahay,
Waxyaalo ammaan badan ayaa lagaa sheegaa. (Selaah)
4 Anigu waxaan ka sheekayn doonaa Rahab iyo Baabuloon sidii kuwo i yaqaan,
Bal eeg, Falastiin, iyo Turos, iyo Itoobiya.
Midkanu halkaasuu ku dhashay.
5 Haah, oo Siyoonna waxaa laga odhan doonaa, Midkan iyo midkaasuba iyaduu ku dhashay,
Oo Ilaaha ugu sarreeya ayaa iyada dhisi doona.
6 Rabbigu wuu tirin doonaa markuu dadka qorayo,
Midkanu halkaasuu ku dhashay. (Selaah)
7 Kuwa gabya iyo kuwa cayaaraaba waxay odhan doonaan,
Waxaa kugu jira ilahayga oo dhan.
Kitaabka Afraad
Sabuurrada 90-106
Kanu waa baryootankii Muuse oo ahaa ninkii Ilaah.
90 Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab
Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.
2 Intaan buuruhu dhalan ka hor,
Iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida,
Iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.
3 Dadka waxaad ku soo celisaa baabba',
Oo waxaad ku tidhaahdaa, Noqda, binu-aadmigow.
4 Waayo, kun sannadood waxay hortaada ku yihiin
Sida shalay oo kale markay dhammaadaan.
Oo waxay la mid yihiin sida wakhti la soo jeedo oo habeennimo.
5 Waxaad iyaga u qaaddaa sida daadku wax u qaado, oo iyagu waxa weeye sida hurdo oo kale,
Oo subaxdana waxay u baxaan sida doog oo kale.
6 Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan,
Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.
7 Waayo, annagu cadhadaadii baannu ku baabba'nay,
Oo waxaan ku dhibtoonnay xanaaqaagii.
8 Xumaatooyinkayagii waxaad dhigtay hortaada,
Oo dembiyadayadii qarsoonaana waxaad dhigtay iftiinka wejigaaga.
9 Waayo, maalmahayagii oo dhammu waxay nagu dhaafeen cadhadaada,
Oo cimrigayagiina wuxuu u dhammaaday sidii sheeko la sheegay.
10 Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood,
Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood,
Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan,
Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.
11 Bal yaa yaqaan cadhadaada xooggeeda,
Iyo xanaaqaaga kaas oo waafaqsan cabsida kugu habboon in lagaa cabsado?
12 Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga,
Si aannu u helno qalbi xigmad leh.
13 Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa?
Oo raalli ka ahow addoommadaada.
14 Aroorta naxariistaada naga dhergi,
Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.
15 Nooga farxi intii ay ahaayeen maalmihii aad na dhibtay,
Iyo sannadihii aan sharka aragnay in le'eg.
16 Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada,
Ammaantaaduna carruurtooda.
17 Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto,
Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga,
Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.
136 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
2 Ku mahadnaqa Ilaaha ilaahyada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
3 Ku mahadnaqa Sayidka sayidyada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
4 Kan keligiis sameeya yaabab waaweyn,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
5 Kan samada waxgarashada ku sameeyey,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
6 Kan dhulka biyaha korkooda ku goglay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
7 Kan sameeyey iftiimmo waaweyn,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
8 Qorraxdu inay maalinta xukunto,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
9 Dayaxa iyo xiddiguhuna inay habeenka xukumaan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
10 Kan Masar curadyadii ka laayay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
11 Oo reer binu Israa'iilna ka soo dhex saaray,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
12 Kan kaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
13 Kan Badda Cas kala qaybiyey,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
14 Oo reer binu Israa'iilna dhex marshay iyada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
15 Laakiinse Fircoon iyo ciidankiisiiba wuu ku afgembiyey Badda Cas dhexdeeda,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
16 Kan dadkiisa cidlada dhex hoggaamiyey,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
17 Kan boqorro waaweyn wax ku dhuftay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
18 Oo laayay boqorro caan ah,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
19 Kuwaas oo ahaa Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
20 Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
21 Oo dalkoodiina u bixiyey dhaxal ahaan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
22 Kaasoo ahaa dhaxalkii uu siiyey addoonkiisii Israa'iil,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
23 Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
24 Oo inaga soo samatabbixiyey cadaawayaasheennii,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
25 Kan cunto siiya wax kastoo jidh leh,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
26 Ku mahadnaqa Ilaaha samada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
22 Oo Abiimelegna saddex sannadood buu amiir u ahaa reer binu Israa'iil. 23 Oo Ilaahna dadkii Shekem iyo Abiimeleg dhexdooda wuxuu u soo diray jinni; oo dadkii Shekemna way khiyaaneeyeen Abiimeleg, 24 in dulmigii lagu sameeyey toddobaatankii wiil oo Yerubbacal uu yimaado, oo dhiiggoodii la saaro walaalkood Abiimeleg oo iyaga dilay, iyo dadkii reer Shekem oo gacmihiisa xoojiyey inuu laayo walaalihiis. 25 Oo dadkii reer Shekemna waxay isagii buuraha dushooda u saareen rag gaadmo ah, oo iyana waxay dhaceen wax alla wixii jidkaas agtooda ah soo maray; oo taas waxaa loo sheegay Abiimeleg.
50 Oo haddana Abiimeleg wuxuu tegey Teebees, oo wuxuu degay meel ka soo hor jeedda, markaasuu qabsaday. 51 Laakiinse magaalada waxaa ku dhex tiil munaarad xoog badan. Markaasay halkaas ku carareen rag iyo dumarba, iyo kulli wixii magaalada joogay oo dhan, oo intay isku soo xidheen ayay kor u fuuleen munaaradda saqafkeedii. 52 Markaasaa Abiimeleg munaaraddii yimid, wuuna la diriray, oo wuxuu u dhowaaday iridda munaaradda inuu dab ku gubo. 53 Naag baa kor dhagaxshiid kaga soo tuurtay Abiimeleg madaxiisii, oo burburisay dhakadiisii. 54 Markaasuu haddiiba u yeedhay ninkii dhallinyarada ahaa, oo hubka u siday, oo wuxuu ku yidhi, War dadku yaanu i odhan, Naag baa dishaye, seeftaada la soo bax oo i dil. Markaasaa ninkiisii dhallinyarada ahaa seef ka mudhbixiyey, kolkaasuu dhintay. 55 Dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inuu Abiimeleg dhintay ayaa nin waluba meeshiisii tegey. 56 Oo sidaasaa Ilaah Abiimeleg xumaantii uu aabbihiis ku sameeyey uga jeebay, waayo, wuxuu laayay toddobaatan walaalihiis ah: 57 oo dadkii reer Shekem xumaantoodii oo dhan Ilaah baa ka jeebay madaxoodii, oo waxaa ku soo degay habaarkii Yootam ina Yerubbacal.
Wax Waluba Xertii Bay Ka Dhexeeyeen
32 Oo intoodii badnayd oo rumaysatay isku qalbi iyo naf bay ahaayeen; midkoodna ma odhan, Waxaan leeyahay waa waxaygii, laakiin wax waluba waa ka dhexeeyeen. 33 Oo rasuulladu xoog weyn bay sarakicidda Rabbi Ciise uga marag fureen; oo nimco badan baa dhammaantood ku soo dul degtay. 34 Mid wax la'aana iyaga kuma jirin, waayo, in alla intii dhul ama guryo lahayd way iibiyeen, oo qiimihii wixii la iibiyey ayay keeneen, 35 oo rasuullada soo hor dhigeen; oo waxaa wax loo qaybshay mid kasta siduu wax ugu baahnaa.
36 Markaasaa Yuusuf oo rasuulladu ugu yeedhi jireen Barnabas, kan lagu micneeyey Wiilkii dhiirigelinta, oo qoladiisu Laawi ahayd oo reer Qubrus u dhashay, 37 intuu beer uu lahaa iibshay ayuu lacagtii keenay oo soo hor dhigay rasuullada.
Ananiyas Iyo Safira
5 Laakiin nin Ananiyas la odhan jiray, isagoo haweenaydiisii Safira la jirto, ayuu xoolihiisii qaar iibshay, 2 markaasuu qiimihii, haweenaydiisii oo la og, intuu qaar la hadhay, qaar keenay oo rasuulladii soo hor dhigay. 3 Laakiin Butros baa ku yidhi, Ananiyasow, maxaa Shayddaanku qalbigaaga u geliyey inaad Ruuxa Quduuska ah been u sheegtid oo aad qiimihii dhulka qaar la hadhid? 4 Markaad haysatay, miyaanay waxaagii ahayn? Oo markii la iibshay dabadeedna, miyaanad adigu u talin? Maxaad waxan qalbigaaga u gelisay? Dad been uma aad sheegin, waxaadse u sheegtay Ilaah. 5 Markii Ananiyas hadalladaas maqlay ayaa, intuu dhulka ku dhacay, naftii ka dhacday; oo kuwii taas maqlay oo dhan cabsi weyn baa gashay. 6 Markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa, intay kaceen, isagay duudduubeen, markaasay qaadeen oo soo aaseen.
7 Abbaaraha saddex saacadood dabadeed ayaa haweenaydiisii soo gashay iyadoo aan ogayn wixii dhacay. 8 Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Inaad dhulkii intaas ku iibiseen iyo in kale, ii kala sheeg. Markaasay tidhi, Haah, intaasaannu ku iibinnay. 9 Laakiin Butros baa ku yidhi, Sidee baad ugu heshiiseen inaad Ruuxa Rabbiga jirrabtaan? Bal eeg, kuwii ninkaaga soo aasay cagahoodii albaabka agtiisay ka soo sanqadhayaane. Adigana way ku qaadi doonaan. 10 Markiiba intay ku hor dhacday isaga, ayaa naftii ka dhacday; markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa soo galeen, oo waxay arkeen iyadoo meyd ah, markaasay intay qaadeen ku aaseen ninkeedii agtiisa. 11 Markaasaa cabsi weyni gashay kiniisaddii iyo kuwii waxyaalahaas maqlay oo dhan.
Ciise Macbudkuu Nadiifiyey(A)
13 Iiddii Kormaridda oo Yuhuudda waa dhowayd, oo Ciisena wuxuu u kacay Yeruusaalem. 14 Wuxuu macbudka ku arkay kuwa ku iibinaya dibiyo iyo ido iyo qoolleyo, iyo kuwa fadhiya oo lacagta bedbeddelaya. 15 Markaasuu xadhko karbaash ka sameeyey, kulligoodna ayuu macbudka ka eryay, dibiyada iyo idaha labadaba, lacagtiina wuu ka daadiyey kuwii bedbeddelayay, miisaskoodiina wuu rogay. 16 Kuwii qoolleyaha iibinayayna wuxuu ku yidhi, Waxyaalahan halkan ka qaada. Guriga Aabbahay ha ka dhigina guri baayacmushtari. 17 Xertiisii waxay xusuusteen in la qoray. Qiiradaan gurigaaga u qabo ayaa i gubaysa. 18 Sidaa aawadeed Yuhuuddu waa u jawaabtay oo ku tidhi isaga, Calaamadee baad na tusaysaa waxaad waxyaalahaas u samaynayso? 19 Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Macbudkan dumiya, oo saddex maalmood dabadeed ayaan kicin doonaa. 20 Yuhuuddu haddaba waxay yidhaahdeen, Lix iyo afartan sannadood ayaa macbudkan la dhisayay, adiguna ma waxaad ku kicinaysaa saddex maalmood? 21 Isaguse wuxuu ka hadlayay macbudka jidhkiisa ah. 22 Sidaa aawadeed markuu ka soo sara kacay kuwii dhintay, xertiisii way soo xusuusteen inuu taas ka hadlay, wayna rumaysteen Qorniinka iyo hadalkii Ciise yidhi.
23 Markuu Yeruusaalem joogay wakhtigii Iiddii Kormaridda dad badan ayaa magiciisa rumaystay markay arkeen calaamooyinkuu sameeyey. 24 Laakiin Ciise qudhiisu iskuma hallayn iyaga, waayo dadka oo dhan ayuu yiqiin, 25 oo uma baahnayn in laga marag furo dadka, waayo, isaga qudhiisu waa yiqiin waxa dadka ku jira.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya