Add parallel Print Page Options

Ciise Macbudkuu Nadiifiyey(A)

12 Ciise wuxuu galay macbudka Ilaah oo ka eryay kulli kuwii macbudka wax ku iibinayay iyo kuwii wax ka iibsanayay, oo wuxuuna rogay miisaskii kuwii lacagta bedbeddelayay iyo kursiyadii kuwii qoolleyaha iibinayay. 13 Wuxuuna ku yidhi, Waa qoran tahay, Gurigayga waxaa loogu yeedhi doonaa guriga tukashada, laakiin waxaad ka dhigaysaan god tuugo.

Read full chapter

Ciise Macbudkuu Nadiifiyey(A)

15 Waxay yimaadeen Yeruusaalem. Ciisena macbudka ayuu galay oo bilaabay inuu ka eryo kuwii macbudkii wax ku iibinayay iyo kuwii wax ka iibsanayay. Wuxuuna rogay miisaskii kuwii lacagta bedbeddelayay iyo kursiyadii kuwii qoolleyaha iibinayay. 16 Umana oggolayn in ninna alaab macbudka la soo dhex maro. 17 Markaasuu wax baray oo ku yidhi, Miyaanay qornayn, Gurigayga waxaa quruumaha oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada? Idinkuse waxaad ka dhigteen god tuugo. 18 Markii wadaaddadii sare iyo culimmadii maqleen, waxay doonayeen si ay u dilaan, waayo, way ka baqeen, maxaa yeelay, dadka oo dhan waxay ka yaabeen waxbariddiisa.

Read full chapter

Ciise Macbudkuu Nadiifiyey(A)

45 Wuxuu galay macbudka oo bilaabay inuu ka eryo kuwii wax ku iibinayay, 46 isagoo ku leh, Waa qoran tahay, Gurigaygu wuxuu ahaan doonaa guriga tukashada, laakiin idinku waxaad ka dhigteen god tuugo.

Read full chapter