Book of Common Prayer
118 Rabbiga ku mahadnaqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
2 Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
3 Oo reerka Haaruun hadda ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
4 Oo kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
5 Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday,
Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.
6 Rabbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono,
Bal maxaa dad igu samayn karaa?
7 Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya,
Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.
8 Intii dad lagu kalsoonaan lahaa
Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
9 Intii amiirro lagu kalsoonaan lahaa
Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
10 Quruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen,
Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
11 Way i hareereeyeen, haah, oo way i hareereeyeen,
Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
12 Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale,
Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
13 Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed,
Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.
14 Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga,
Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.
15 Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
16 Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
17 Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa,
Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.
18 Rabbigu aad buu ii edbiyey,
Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.
19 Irdaha xaqnimada iga fura,
Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.
20 Tanu waa iriddii Rabbiga,
Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.
21 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay,
Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.
22 Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen,
Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
23 Tanu xagga Rabbiga bay ka timid,
Oo waa ku yaab indhahayaga.
24 Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey,
Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.
25 Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi,
Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.
26 Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya,
Waxaannu idinka ammaannay guriga Rabbiga.
27 Rabbigu waa Ilaah, oo wuxuu na siiyey iftiin,
Allabariga xadhko ku xidha tan iyo meesha allabariga geeseheeda.
28 Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahadnaqi doonaa,
Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.
29 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
Kanu waa sabuur ammaan ah oo Daa'uud tiriyey.
145 Ilaahayow, Boqorow, anigu waan ku sarraysiin doonaa,
Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
2 Maalin kasta mahad baan kuu naqi doonaa,
Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
3 Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano,
Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin.
4 Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa,
Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.
5 Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada,
Iyo shuqulladaada yaabka badan.
6 Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan,
Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada.
7 Waxay ku hadli doonaan wanaaggaaga badan xusuustiisa,
Xaqnimadaadana way ka gabyi doonaan.
8 Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad,
Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.
9 Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay,
Naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.
10 Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,
Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.
11 Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada,
Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,
12 Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn,
Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.
13 Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah,
Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.
14 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa kufa oo dhan,
Oo wuxuu toosiyaa kuwa gota oo dhan.
15 Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan,
Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.
16 Gacantaadaad furtaa,
Oo waxaad dherjisaa wax kasta oo nool.
17 Rabbigu jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay,
Oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku nimco badan yahay.
18 Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan,
Kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.
19 Kuwa isaga ka cabsada waxay doonayaanba wuu siin doonaa,
Oo weliba qayladoodana wuu maqli doonaa, wuuna badbaadin doonaa iyaga.
20 Rabbigu inta isaga jecel oo dhan wuu ilaaliyaa,
Laakiinse kuwa sharka leh oo dhan wuu wada baabbi'in doonaa.
21 Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaanta Rabbiga,
Oo inta jidh leh oo dhammuna magiciisa quduuska ah ha ammaaneen weligood iyo weligoodba.
19 Oo wakhtigaas dalka Masar dhexdiisa meel allabari baa Rabbiga ugu oolli doonta, oo soohdinteedana waxaa Rabbiga u jiri doona tiir. 20 Oo taasu waxay calaamad iyo markhaati dalka Masar dhexdiisa ugu noqon doontaa Rabbiga ciidammada, waayo, kuwa dulma aawadood ayay Rabbiga ugu qayshan doonaan, oo isna wuxuu u soo diri doonaa badbaadiye iyo mid xoog badan, wuuna samatabbixin doonaa. 21 Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu Masriyiinta is-ogeysiin doonaa, oo ay Masriyiintuna Rabbiga aqoon doonaan, oo waxay ku caabudi doonaan allabari iyo qurbaan, oo Rabbiga ayay nidar u nidri doonaan, wayna oofin doonaan. 22 Oo Rabbigu wax buu Masar ku dhufan doonaa, wax buu ku dhufan doonaa, wuuna dawayn doonaa, oo iyana Rabbigay u soo noqon doonaan, oo isna baryootankooda ayuu aqbali doonaa, wuuna bogsiin doonaa.
23 Oo wakhtigaas waxaa jiri doona jid weyn oo Masar ka baxa oo tan iyo Ashuur gaadha, oo kuwa reer Ashuur ah ayaa Masar geli doona, oo Masriyiintuna reer Ashuur bay Ilaah la caabudi doonaan.
24 Oo wakhtigaas dalka Israa'iil wuxuu saddex ku noqon doonaa Masar iyo Ashuur, oo dhulka dhexdiisana barako buu ku ahaan doonaa, 25 waayo, Rabbiga ciidammadu wuu barakeeyey, isagoo leh, Barako waxaa leh Masar oo ah dadkayga, iyo Ashuur oo ah shuqulkii gacmahayga, iyo Israa'iil oo ah dhaxalkayga.
5 Ilaaha dulqaadashada iyo gargaariddu ha ka dhigo in midkiinba midka kale la fikir ahaado sida Ciise Masiix, 6 inaad isku qalbi iyo isku af ku ammaantaan Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix.
Injiilka Loo Keenay Dadka Aan Yuhuudda Ahayn
7 Sidaas daraaddeed isdhoweeya sida Masiixuna idiin dhoweeyey in Ilaah la ammaano. 8 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Masiixu wuxuu noqday kuwa gudan midiidinkooda, runta Ilaah aawadeed, inuu u xaqiijiyo ballamadii awowayaashii hore la siiyey, 9 iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa, sida qoran,
Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda,
Oo magacaaga waan u gabyi doonaa.
10 Oo haddana wuxuu leeyahay,
Quruumahow, la reyreeya dadkiisa.
11 Oo haddana,
Rabbiga ammaana, quruumahoo dhammow,
Dadkoo dhammuna ha ammaano isaga.
12 Oo haddana Isayos wuxuu leeyahay,
Waxaa jiri doona xididkii Yesay,
Iyo kan u kacaya inuu u taliyo quruumaha,
Isagayna quruumuhu wax ku rajayn doonaan.
13 Ilaaha rajadu ha idinka buuxiyo farxad iyo nabad oo dhan, idinkoo rumaysan, si rajadiinnu ugu badato xoogga Ruuxa Quduuskaa.
Masaalka Ku Saabsan Lacagta La Yidhaahdo Mina(A)
11 Goortay waxaas maqleen, masaal buu ku daray oo ku hadlay, waayo, wuxuu ku dhowaa Yeruusaalem, waxayna u maleeyeen boqortooyada Ilaah inay markiiba soo muuqan doonto. 12 Sidaa darteed wuxuu yidhi, Nin sharaf leh ayaa dal fog tegey inuu boqortooyo soo helo oo soo noqdo. 13 Wuxuu u yeedhay tobankiisa addoon, oo wuxuu u dhiibay toban [a]mina, oo ku yidhi, Ku baayacmushtara ilaa aan soo noqdo. 14 Laakiin dadkii magaaladiisa ayaa nacay, oo waxay ka daba direen ergo iyagoo leh, Dooni mayno ninkaas inuu boqor noo ahaado. 15 Goortuu soo noqday isagoo boqortooyadii qaatay, wuxuu ku amray in loo yeedho addoommadii uu lacagtii u dhiibay inuu ogaado mid kasta intuu ka faa'iiday baayacmushtarigii. 16 Kii hore ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, minahaagii ayaa toban kale laga faa'iiday. 17 Markaasuu ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, ee toban magaalo u sarree. 18 Markaasaa kii labaad yimid isagoo leh, Sayidow, minahaagii waxaa laga faa'iiday shan mina. 19 Kaasna wuxuu ku yidhi, Adna shan magaalo u sarree. 20 Kii kalena waa yimid isagoo leh, Sayidow, waa kaa minahaagii aan maro yar ku guntay oo meel dhigay. 21 Waayo, waan kaa baqay, maxaa yeelay, nin ba'an baad tahay; waxaad qaadataa waxaanad dhigan, oo waxaad gurataa waxaanad beeran. 22 Wuxuu ku yidhi, Waxaa afkaaga ka soo baxay ayaan kugu xukumayaa, addoon yahow sharka leh. Waad ogayd inaan ahay nin ba'an oo qaato wixii aanan dhigan oo gurto wixii aanan beeran. 23 Maxaad haddaba lacagtaydii baangiga u dhigi weyday, si, markaan imaado, aan u soo qaato lacagtaydii iyo faa'iidadeediiba? 24 Markaasuu ku yidhi kuwii ag taagnaa, Minaha ka qaada oo u dhiiba kan tobanka mina haya. 25 Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, toban mina ayuu hayaa. 26 Waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto. 27 Laakiin cadowyadaydan oo aan doonin inaan boqor u ahaado halkan keena oo hortayda ku laaya.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya