Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, waana gabay jacayl ku saabsan oo lagu luuqeeyo Shoshanniim.
45 Qalbigaygu wuxuu la buuxdhaafaa hadal wanaagsan,
Oo waxaan boqorka u sheegayaa waxyaalihii aan sameeyey,
Carrabkaygu waa sida karraani dhaqsiyo badan qalinkiis.
2 Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga,
Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco,
Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba.
3 Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow,
Oo quruxda iyo haybadda lahow.
4 Runta iyo camalqabowga iyo xaqnimada daraaddood,
Waxaad faraskaaga ku fuushaa haybad adigoo barwaaqaysan,
Oo gacantaada midigna waxay ku bari doontaa waxyaalo cabsi badan.
5 Fallaadhahaagu waa af badan yihiin,
Oo waxay wadnaha ka mudaan boqorka cadaawayaashiisa,
Dadyowguna hoostaaday ku soo dhacaan.
6 Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis,
Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada.
7 Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd,
Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay
Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
8 Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica.
Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh.
9 Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada,
Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir.
10 Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig,
Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa;
11 Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa,
Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.
12 Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda,
Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.
13 Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan,
Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey.
14 Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan,
Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.
15 Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn,
Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka.
16 Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada,
Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.
17 Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto,
Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.
47 Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma,
Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.
2 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan,
Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.
3 Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna,
Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna.
4 Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa,
Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay. (Selaah)
5 Ilaah qaylo buu la kacay,
Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.
6 Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa,
Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.
7 Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda,
Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.
8 Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha,
Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa.
9 Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen
Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan,
Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah.
Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.
Kanu waa gabay, waana sabuur ay reer Qorax tiriyeen.
48 Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa
Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
2 Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan
Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah,
Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
3 Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
4 Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen,
Dhammaantood way wada dhaafeen.
5 Oo kolkay arkeen ayay yaabeen,
Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
6 Iyagii halkaasay ku gariireen,
Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
7 Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa
Dabaysha bari.
8 Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay
Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna,
Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)
9 Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay
Markaan macbudkaaga ku jirnay.
10 Ilaahow, sida magacaagu yahay
Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan,
Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
11 Buur Siyoon ha faraxdo,
Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
12 Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega,
Oo munaaradaheeda tiriya.
13 Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda,
Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer,
Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.
14 Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah,
Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.
4 Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga idinka hor eryo ka dib, qalbiga ha iska odhanina, Xaqnimadayada aawadeed ayaa Rabbigu dalkan noo keenay inaannu hantinno, waayo, Rabbigu wuxuu quruumahaas idiinka hor erya waa sharkoodii aawadiis. 5 Oo xaqnimadiinna iyo qummanaanta qalbigiinna midna kuma aydaan hantiyin dalkooda, laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas sharkoodii aawadiis ayuu idinka hor eryayaa, iyo in Rabbigu sii adkeeyo eraygii uu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub. 6 Haddaba ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkan wanaagsan idiin siinayn inaad hantidaan xaqnimadiinna aawadeed, waayo, waxaad tihiin dad madax adag.
Weyshii Dahabka Ahayd
7 Bal xusuusta oo ha illoobina sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga xanaajiseen markaad cidladii joogteen. Oo tan iyo maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen iyo ilamaa aad halkan timaadeen Rabbigaad ku caasiyoobayseen. 8 Oo weliba markaad Xoreeb joogteenna Rabbiga waad ka xanaajiseen, markaasaa Rabbigu idiin cadhooday oo wuxuu damcay inuu idin baabbi'iyo. 9 Oo markaan buurta fuulay inaan soo helo looxyadii dhagaxa ahaa, kuwaasoo ahaa looxyadii uu ku qornaa axdigii Rabbigu idinla dhigtay, markaasaan buurta joogay afartan maalmood iyo afartan habeen, oo intaasna baadna ma cunin biyana ma cabbin. 10 Markaasaa Rabbigu wuxuu ii soo dhiibay labadii loox oo dhagaxa ahayd oo lagu qoray fartii Ilaah, oo waxaa ku qornaa kulli erayadii uu Rabbigu maalintii shirka idinkagala hadlay dabka dhexdiisa isagoo buurta jooga. 11 Afartan maalmood iyo afartan habeen ka dib ayaa Rabbigu i soo siiyey labadii loox oo dhagaxa ahayd, kuwaasoo ahaa looxyadii axdiga. 12 Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Kac oo halkan dhaqso uga deg, waayo, dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisay way iskharribeen, oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen sanam la shubay.
Ciise Masiix Waa Ka Sarreeyaa Muuse
3 Haddaba walaalaha quduuska ah oo ka qayb gala yeedhniinta jannadow, u fiirsada Ciise oo ah Rasuulka iyo Wadaadka sare ee iimaanka aynu qiranno. 2 Aamin buu u ahaa kan doortay, sidii Muuseba gurigiisii oo dhan aaminka ugu ahaa. 3 Waayo, waxaa isaga lagu tiriyey inuu istaahilo ammaan ka badan tii Muuse, sida kan guriga dhisa uga murwad badan yahay guriga. 4 Waayo, guri walba mid baa dhisay, laakiin kan wax walba dhisay waa Ilaah. 5 Oo runtii Muuse gurigiisa oo dhan aamin buu ugu ahaa sida midiidin, inuu markhaati u ahaado waxyaalaha mar dambe lagu hadli doono. 6 Laakiin Masiix aamin buu u ahaa sida wiil gurigiisa ka sarreeya; oo gurigiisu waa innaga haddaynu ilaa ugu dambaysta dhiirranaanteenna iyo faanka rajadeenna aad u xajinno. 7 Haddaba waa sidan waxa Ruuxa Quduuska ahi leeyahay,
Maanta haddaad codkiisa maqashaan,
8 Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka,
Sidii maalintii jirrabaadda ee cidlada dhexdeeda,
9 Meeshii ay awowayaashiin igu jirrabeen, oo ay igu tijaabiyeen,
Oo ay afartanka sannadood shuqulladaydii ku arkeen.
10 Taas daraaddeed qarnigan waan u cadhaysnaa,
Oo waxaan idhi, Had iyo goorba qalbigooday ka qaldamaan,
Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii.
11 Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay,
Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.
Ciise Macbudkuu Nadiifiyey(A)
13 Iiddii Kormaridda oo Yuhuudda waa dhowayd, oo Ciisena wuxuu u kacay Yeruusaalem. 14 Wuxuu macbudka ku arkay kuwa ku iibinaya dibiyo iyo ido iyo qoolleyo, iyo kuwa fadhiya oo lacagta bedbeddelaya. 15 Markaasuu xadhko karbaash ka sameeyey, kulligoodna ayuu macbudka ka eryay, dibiyada iyo idaha labadaba, lacagtiina wuu ka daadiyey kuwii bedbeddelayay, miisaskoodiina wuu rogay. 16 Kuwii qoolleyaha iibinayayna wuxuu ku yidhi, Waxyaalahan halkan ka qaada. Guriga Aabbahay ha ka dhigina guri baayacmushtari. 17 Xertiisii waxay xusuusteen in la qoray. Qiiradaan gurigaaga u qabo ayaa i gubaysa. 18 Sidaa aawadeed Yuhuuddu waa u jawaabtay oo ku tidhi isaga, Calaamadee baad na tusaysaa waxaad waxyaalahaas u samaynayso? 19 Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Macbudkan dumiya, oo saddex maalmood dabadeed ayaan kicin doonaa. 20 Yuhuuddu haddaba waxay yidhaahdeen, Lix iyo afartan sannadood ayaa macbudkan la dhisayay, adiguna ma waxaad ku kicinaysaa saddex maalmood? 21 Isaguse wuxuu ka hadlayay macbudka jidhkiisa ah. 22 Sidaa aawadeed markuu ka soo sara kacay kuwii dhintay, xertiisii way soo xusuusteen inuu taas ka hadlay, wayna rumaysteen Qorniinka iyo hadalkii Ciise yidhi.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya