Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
66 Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,
2 Oo ammaanta magiciisa ku gabya,
Ammaantiisana qurxiya.
3 Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa!
Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.
4 Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan,
Wayna kuu gabyi doonaan,
Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)
5 Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah,
Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.
6 Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan,
Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug,
Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.
7 Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa,
Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha,
Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin. (Selaah)
8 Dadyahow, Ilaaheenna ammaana,
Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,
9 Kaasoo nafteenna nolol ku haya,
Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.
10 Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay,
Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.
11 Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah,
Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
12 Dad baad madaxa naga saartay,
Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo,
Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.
13 Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo,
Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
14 Bushimahaygu ay ku hadleen,
Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.
15 Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran
Iyo wanan iyo fooxood,
Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah)
16 Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla,
Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.
17 Isagaan afkayga ugu qayshaday,
Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.
18 Haddaan dembi qalbigayga ku arkay,
Sayidku ima uu maqleen,
19 Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay,
Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.
20 Mahad waxaa leh Ilaaha
Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.
Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, waxaana lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
67 Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee,
Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo, (Selaah)
2 In jidkaaga laga ogaado dhulka,
Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya.
3 Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen,
Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
4 Quruumuhu ha farxeen oo ha gabyeen farxad aawadeed,
Waayo, dadyowga waxaad ku xukumi doontaa caddaalad,
Oo quruumahana dhulkaad ugu talin doontaa. (Selaah)
5 Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen,
Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
6 Dhulku wuxuu soo saaray midhihiisii,
Waxaa ina barakayn doona Ilaah, oo ah Ilaaheenna qudhiisa.
7 Ilaah waa ina barakayn doonaa,
Oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna way ka cabsan doonaan isaga.
4 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil u tag, oo erayadayda kula hadal. 5 Waayo, laguuma dirin dad hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, laakiinse waxaa laguu diray reer binu Israa'iil. 6 Laguumana dirin dadyow badan oo hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, oo adaan erayadooda garan karin. Hubaal haddaan iyaga kuu diri lahaa, way maqli lahaayeen. 7 Laakiinse reer binu Israa'iil dooni maayaan inay ku maqlaan, maxaa yeelay, dooni maayaan inay aniga i maqlaan, waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan. 8 Bal eeg, wejigaaga waan ka sii adkeeyey wejigooda, oo foolkaagana waan ka sii adkeeyey foolkooda. 9 Oo foolkaaga waxaan ka dhigay sidii dheemman dhagax ka sii adag oo kale. Ha ka cabsan iyaga, oo aragtidoodana ha ka baqin in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin. 10 Oo weliba wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, erayadayda aan kugula hadli doono oo dhan qalbigaaga ku qaado oo dhegahaaga ku maqal. 11 Haddaba waxaad u tagtaa kuwa maxaabiista ah, oo dadkaaga ah, oo intaad la hadashid waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba.
Butros Wacdigiisii
34 Markaasaa Butros afkiisa kala qaaday oo wuxuu yidhi, Runtii waxaan garanayaa Ilaah inuusan dadka u kala eexan: 35 laakiin kii kastoo Ilaah ka cabsada, xaqnimadana sameeya, quruun kastaba ha ku jiree, Ilaah waa aqbalaa. 36 Ereygii ayuu u soo diray reer binu Israa'iil isagoo ku wacdiyaya nabad xagga Ciise Masiix. Isagu waa wax walba Rabbigood. 37 Idinka qudhiinnu waad taqaaniin ereygaas lagu faafiyey Yahuudiya oo dhan oo laga soo bilaabay Galili, baabtiiskii Yooxanaa ku wacdiyey dabadeed, 38 iyo siduu Ilaah Ciisaha reer Naasared ku subkay Ruuxa Quduuska ah iyo xoogga. Isagu waa wareegi jiray, wanaagna wuu fali jiray, oo wuxuu bogsiin jiray kuwii Ibliisku caddibay oo dhan; maxaa yeelay, Ilaah baa la jiray isagii. 39 Annagu markhaatiyaal baannu ka nahay waxyaalihii oo dhan oo uu ku sameeyey waddanka Yuhuudda iyo Yeruusaalem labadaba. Isaguna waa kii ay dileen markay geedkii ka soo deldeleen. 40 Isaga Ilaah baa maalintii saddexaad sara kiciyey, oo bayaan u muujiyey, 41 uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed. 42 Wuxuu nagu amray inaannu dadka wacdinno, aannuna markhaati u furno inuu kanu yahay kii Ilaah ka dhigay xaakinka kuwa nool iyo kuwa dhintayba. 43 Isaga nebiyada oo dhan ayaa u markhaati fura in mid kastoo isaga rumaystaa uu magiciisa ku helo dembidhaafka.
Dadka Aan Yuhuudda Ahayn Waxay Heleen Ruuxa Quduuska Ah, Waana La Baabtiisay
44 Intii Butros weli ku hadlayay hadalladaas ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay kuwa ereyga maqlay oo dhan.
118 Rabbiga ku mahadnaqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
2 Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
3 Oo reerka Haaruun hadda ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
4 Oo kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
5 Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday,
Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.
6 Rabbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono,
Bal maxaa dad igu samayn karaa?
7 Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya,
Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.
8 Intii dad lagu kalsoonaan lahaa
Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
9 Intii amiirro lagu kalsoonaan lahaa
Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
10 Quruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen,
Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
11 Way i hareereeyeen, haah, oo way i hareereeyeen,
Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
12 Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale,
Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
13 Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed,
Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.
14 Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga,
Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.
15 Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
16 Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
17 Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa,
Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.
18 Rabbigu aad buu ii edbiyey,
Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.
19 Irdaha xaqnimada iga fura,
Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.
20 Tanu waa iriddii Rabbiga,
Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.
21 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay,
Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.
22 Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen,
Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
23 Tanu xagga Rabbiga bay ka timid,
Oo waa ku yaab indhahayaga.
24 Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey,
Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.
25 Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi,
Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.
26 Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya,
Waxaannu idinka ammaannay guriga Rabbiga.
27 Rabbigu waa Ilaah, oo wuxuu na siiyey iftiin,
Allabariga xadhko ku xidha tan iyo meesha allabariga geeseheeda.
28 Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahadnaqi doonaa,
Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.
29 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
Hadalladii U Dambeeyey Oo Ciise Kula Hadlay Butros
15 Haddaba markay quraacdeen dabadeed Ciise wuxuu Simoon Butros ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, kuwan ma iga jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Baraarkayga daaji. 16 Haddana wuxuu mar labaad ku yidhi isaga, Simoon ina Yoonisow, ma i jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Idahayga ilaali. 17 Markii saddexaad ayuu ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, Ma i jeceshahay? Butros ayaa ka calool xumaaday, waayo, wuxuu markii saddexaad ku yidhi, Ma i jeceshahay? Markaasuu ku yidhi, Sayidow, wax walba waad og tahay, waadna garanaysaa inaan ku jeclahay. Ciise ayaa ku yidhi, Idahayga daaji. 18 Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Markaad yarayd adigu waad guntan jirtay, oo waxaad mari jirtay meeshaad doonaysay, laakiin markaad gabowdid, gacmahaad kala bixin doontaa, oo mid kalaa kuu guntin doona, oo wuxuu kuu qaadi doonaa meel aadan doonayn. 19 Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso dhimashaduu Ilaah ku ammaani doono. Markuu waxaas yidhi dabadeed, wuxuu ku yidhi, I soo raac.
20 Butros markuu jeestay wuxuu arkay kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa oo daba socda; isagu wuxuu ahaa kii laabta Ciise ku tiirsanaa wakhtigii cashada oo ku yidhi, Sayidow, waa kuma kan ku gacangelin doonaa? 21 Haddaba Butros markuu arkay, wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, kanna ka warran? 22 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaan doonayo inuu joogo ilaa aan imanayo, maxaa kaa galay? Adigu i soo raac.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya