Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 20-21

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

20 Rabbigu ha kuu jawaabo maalinta dhibta,
Ilaaha Yacquub magiciisu meel sare ha ku taago,
Caawimaadna ha kaaga soo diro meesha quduuska ah,
Oo Siyoonna ha kaa xoogeeyo,
Ha xusuusto qurbaannadaadii oo dhan,
Oo ha aqbalo allabarigaagii gubnaa, (Selaah)
Oo ha ku siiyo waxa qalbigaagu doono,
Oo ha kuu yeelo muraadkaaga oo dhan.
Innagu waxaynu ku guulaysanaynaa badbaadintaada,
Oo calammadeennana waxaynu ku sudhaynaa magaca Ilaaheenna,
Rabbigu ha ku siiyo waxaad weyddiisato oo dhan.
Anigu hadda waan ogahay in Rabbigu badbaadiyo kii uu isagu subkaday,
Oo wuxuu isaga uga soo jawaabi doonaa samadiisa quduuska ah,
Oo wuxuuna ugu jawaabi doonaa xooggiisa wax badbaadiya oo gacantiisa midig.
Qaar waxay isku halleeyaan gaadhifardoodyo, qaarna waxay isku halleeyaan fardo,
Laakiinse innagu waxaynu xusuusanaynaa magaca Rabbiga Ilaaheenna ah.
Iyagu way foororsadeen, wayna dheceen,
Laakiinse innagu waynu kacnay, oo waynu taagan nahay.
Rabbiyow, ina badbaadi,
Oo Boqorku ha inoo jawaabo markii aynu u qayshanno.

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

21 Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga,
Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.
Waxaad isaga siisay wixii qalbigiisu doonayay,
Oo wixii bushimihiisu ku weyddiisteenna uma aad diidin. (Selaah)
Waayo, waxaad isaga hor dhigtaa barakooyinka wanaagga,
Oo madaxiisana waxaad saartaa taaj dahab saafi ah.
Wuxuu kaa baryay nolol, oo adna waad siisay isaga,
Oo waxaad siisay cimri dheer oo waaraya weligiis iyo weligiisba.
Ammaantiisu waxay ku weyn tahay xagga badbaadintaada,
Oo waxaad isaga saartaa murwad iyo haybad.
Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakaysan,
Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula reyreeyo.
Waayo, boqorku wuxuu isku halleeyaa Rabbiga,
Oo Ilaaha ugu sarreeya raxmaddiisa aawadeed isaga innaba lama dhaqaajin doono.
Gacantaadu waxay heli doontaa cadaawayaashaada oo dhan,
Oo midigtaaduna waxay heli doontaa kuwa ku neceb.
Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah.
Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa,
Oo dab baa gubi doona.
10 Midhahooda dhulkaad ka baabbi'inaysaa,
Farcankoodana binu-aadmiga dhexdiisa.
11 Waayo, iyagu waxay ku talo jireen inay xumaan kugu sameeyaan,
Oo waxay hindiseen xeel ayan iyagu dhammayn karin.
12 Waayo, waxaad iyaga ka dhigi doontaa inay dib u jeestaan,
Oo xadhigga qaansadaadana waxaad ku diyaarin doontaa wejigooda hortiisa.
13 Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree,
Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.

Sabuurradii 110

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

110 Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso,
Ilaa aan cadaawayaashaada ka dhigo meeshaad cagahaaga saaratid.
Rabbigu wuxuu Siyoon ka soo diri doonaa ushii xooggaaga,
Cadaawayaashaada dhexdooda ka tali.
Dadkaagu iyagoo raalli ah bay isbixiyaan maalintii xooggaaga,
Iyagoo leh quruxda quduusnimada, ee ka timaada uurka waaberiga,
Adigaa leh sayaxa dhallinyaranimadaada.
Rabbigu wuu dhaartay, kana soo noqon maayo, oo wuxuu yidhi,
Adigu weligaaba wadaad baad tahay,
Sidii derejadii Malkisadaq.
Sayidka midigtaada joogaa
Wuxuu maalinta cadhadiisa dooxi doonaa boqorro.
Isagu quruumaha dhexdooda ayuu wax ku xukumi doonaa,
Oo meel walba wuxuu ka buuxin doonaa meydad,
Oo waddammo badan ayuu madaxda ka dili doonaa.
Intuu jidka socdo ayuu durdurka ka cabbi doonaa,
Oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa kor u qaadi doonaa.

Sabuurradii 116-117

116 Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay
Codkaygii iyo baryootankaygii.
Dhegtuu ii dhigay,
Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan.
Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey,
Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday.
Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug.
Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga,
Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.
Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq,
Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.
Rabbigu kuwa garaadka daran wuu dhawraa,
Hoos baa la ii soo dejiyey, kolkaasuu i badbaadshay.
Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo,
Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.
Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho,
Indhahaygana ilmo,
Cagahaygana kufid.
Waxaan ku socon doonaa Rabbiga hortiisa
Anigoo dhex jooga dalka kuwa nool.
10 Waan rumaysnaa, oo markaan hadlay
Aad baa la ii dhibay,
11 Anigoo degdegsan baan waxaan idhi,
Dadka oo dhammu waa beenaalayaal.
12 Bal maxaan Rabbiga uga celiyaa
Waxyaalihii uu ii taray oo dhan?
13 Waxaan qaadan doonaa koobka badbaadada,
Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
14 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii,
Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda.
15 Rabbiga hortiisa dhimashada quduusiintiisa
Ayaa qiimo weyn ku leh.
16 Rabbiyow, sida runta ah waxaan ahay addoonkaaga,
Waxaan ahay addoonkaaga, oo ah wiilka addoontaada,
Silsiladahaygii waad iga furtay.
17 Waxaan kuu soo bixin doonaa allabarigii mahadnaqidda,
Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
18 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii,
Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,
19 Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa,
Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay.
Rabbiga ammaana.

117 Quruumaha oo dhammow, Rabbiga ammaana,
Dadyowga oo dhammow, ammaana isaga.
Waayo, naxariistiisu xaggeenna waa ku weyn tahay,
Rabbiga runtiisuna weligeedba way waartaa.
Rabbiga ammaana.

Bilowgii 6:9-22

Kuwanu waa farcankii Nuux.

Nuux wuxuu ahaa nin xaq ah, oo ku eed la' farcankiisii; Nuuxna Ilaah buu la socon jiray. 10 Oo Nuux wuxuu dhalay saddex wiil oo ahaa Sheem, iyo Xaam iyo Yaafed. 11 Dhulkuna wuu kharribnaa Ilaah hortiisa, dhulkana dulmi baa ka buuxsamay. 12 Ilaahna wuxuu arkay dhulka, oo bal eeg, wuu kharribnaa; waayo, intii jidh lahayd oo dhammu jidkooday ku kharribeen dhulka.

13 Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Intii jidh leh oo dhan dhammaadkoodii aan dhammayn lahaa ayaa gaadhay; waayo, dhulkii waxaa ka buuxsamay dulmi iyaga ka yimid, oo bal eeg, iyagaan dhulka la baabbi'in doonaa. 14 Doonni ka samayso qoryo gofer ah; qowladana ka dhex samee doonnida, daamurna ka mari dusha iyo hoostaba. 15 Waa inaad sidatan u samaysid iyada: doonnida dhererkeeda waxaad ka dhigtaa saddex boqol oo dhudhun, ballaadhkeedana waxaad ka dhigtaa konton dhudhun, sarajooggeedana waxaad ka dhigtaa soddon dhudhun. 16 Waa inaad dariishadna u samaysid doonnida, oo waxaad ku dhammaysaa in dhudhun ah ilaa xaggeeda sare, albaabka doonnidana dhinaca ka samee, dabaqad hoose, iyo tu labaad, iyo tu saddexaadna u samee iyada. 17 Oo bal eeg, anigu daad biyo ah baan ku soo dayn dhulka, inaan baabbi'iyo inta jidhka leh oo dhan oo neefta noloshu ku jirto, inta samada ka hoosaysa; wax kasta oo dhulka joogaaba way dhiman doonaan. 18 Laakiin axdigayga adigaan kula dhigan doonaa; oo doonnidaad soo geli doontaan, adiga, iyo wiilashaada, iyo naagtaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba. 19 Oo wax kasta oo nool oo jidh leh waa inaad cayn walba laba ka soo gelisaa doonnida, si ay kuula sii noolaadaan; waana inay ahaadaan lab iyo dhaddig. 20 Haadda caynkooda, iyo xoolaha caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, cayn walba laba ka mid ihi ha kuu soo galeen, si ay u sii noolaadaan. 21 Cuntada la cuno oo dhanna qaado, oo kulligeed ururso oo waxay idiin noqon doontaa cunto, adiga iyo iyagaba. 22 Sidaasuu Nuux sameeyey; wax kasta sidii Ilaah ugu amray buu u sameeyey.

Cibraaniyada 4:1-13

Nasashada Ilaah Dadkiisa Siiyo

Sidaas daraaddeed aynu cabsanno, inta ballan nasashadiisa lagu gelayaa jiro, inaan midkiinna u ekaan mid gaadhi waayay. Waayo, innagana war wanaagsan baa laynagu wacdiyey sidooda oo kale, laakiin hadalkay maqleen waxba uma uu tarin iyaga, maxaa yeelay, kuwii maqlay rumaysad kuma ay darin. Waayo, kuweenna rumaystay, nasashadaas waynu galnaa, siduu u yidhi,

Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay,
Iyagu nasashadayda ma geli doonaan,

in kastoo ay shuqulladii ka dhammaadeen aasaaska dunida. Waayo, isagu meel buu maalintii toddobaad sidan ka yidhi, Maalintii toddobaad Ilaah baa shuqulladiisii oo dhan ka nastay. Meeshatanna mar kale wuxuu yidhi,

Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.

Haddaba waxaa hadhay qaar gelaya, oo kuwii kolkii hore warkii wanaagsanaa lagu wacdiyey way geli waayeen caasinimo aawadeed. Taas daraaddeed haddana mar kale maalintoo buu gooni u dhigay, isagoo wakhti dheer dabadeed qorniinka Daa'uud ku leh, Maanta, sidii kolkii hore la yidhi,

Maanta haddaad codkiisa maqashaan,
Qalbiyadiinna ha adkaynina.

Waayo, haddii Yashuuca iyagii nasiyey, Ilaah markaas dabadeed kama uu hadleen maalin kale. Sidaas daraaddeed waxaa dadka Ilaah u hadha nasasho. 10 Waayo, kii nasashadiisa galay, isaga qudhiisuna waa ka nastay shuqulladiisii sidii Ilaah kuwiisii uga nastay. 11 Haddaba aynu u dadaalno inaynu nasashadaas galno inaan ninna caasinimadaas oo kale ku dhicin. 12 Waayo, hadalka Ilaah wuu nool yahay, waana shaqeeyaa, oo waa ka af badan yahay seef kasta oo laba af leh, isagoo ka dhex dusaya ilaa kala soocniinta nafta iyo ruuxa, iyo xubnaha iyo dhuuxaba, waana kala gartaa fikirrada iyo waxyaalaha qalbiga ku jira. 13 Oo uun aan hortiisa ka muuqani ma jiro, laakiin wax waliba way qaawan yihiin oo bannaan yihiin indhihiisa hortooda, kan aynu ku tirsan nahay.

Yooxanaa 2:13-22

Ciise Macbudkuu Nadiifiyey(A)

13 Iiddii Kormaridda oo Yuhuudda waa dhowayd, oo Ciisena wuxuu u kacay Yeruusaalem. 14 Wuxuu macbudka ku arkay kuwa ku iibinaya dibiyo iyo ido iyo qoolleyo, iyo kuwa fadhiya oo lacagta bedbeddelaya. 15 Markaasuu xadhko karbaash ka sameeyey, kulligoodna ayuu macbudka ka eryay, dibiyada iyo idaha labadaba, lacagtiina wuu ka daadiyey kuwii bedbeddelayay, miisaskoodiina wuu rogay. 16 Kuwii qoolleyaha iibinayayna wuxuu ku yidhi, Waxyaalahan halkan ka qaada. Guriga Aabbahay ha ka dhigina guri baayacmushtari. 17 Xertiisii waxay xusuusteen in la qoray. Qiiradaan gurigaaga u qabo ayaa i gubaysa. 18 Sidaa aawadeed Yuhuuddu waa u jawaabtay oo ku tidhi isaga, Calaamadee baad na tusaysaa waxaad waxyaalahaas u samaynayso? 19 Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Macbudkan dumiya, oo saddex maalmood dabadeed ayaan kicin doonaa. 20 Yuhuuddu haddaba waxay yidhaahdeen, Lix iyo afartan sannadood ayaa macbudkan la dhisayay, adiguna ma waxaad ku kicinaysaa saddex maalmood? 21 Isaguse wuxuu ka hadlayay macbudka jidhkiisa ah. 22 Sidaa aawadeed markuu ka soo sara kacay kuwii dhintay, xertiisii way soo xusuusteen inuu taas ka hadlay, wayna rumaysteen Qorniinka iyo hadalkii Ciise yidhi.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya