Add parallel Print Page Options

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Moo'aab

15 Kanu waa warka culus ee Moo'aab ku saabsan. Caartii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay; Qiirtii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay. Waxaa kor loogu baxay Bayid iyo Diboon oo meelaha sare ku yaal in lagu ooyo, reer Moo'aab waxay u baroortaan Neboo iyo Meedebaa, madaxyadooda oo dhan waa la xiiray oo gadh kastana waa la jaray. Jidadkooda waxaa lagu guntadaa dhar joonyad ah, oo guryahooda dushooda iyo jidadkooda ayaa mid kastaaba ka baroortaa isagoo aad u ooyaya. Oo Xeshboon iyo Elecaaleehba way qayliyaan, oo codkoodana waxaa laga maqlaa tan iyo Yahas, sidaas daraaddeed ragga hubka leh ee Moo'aab aad bay u qayliyaan, oo cabsi bay la gariiraan. Qalbigaygu wuxuu u ooyaa reer Moo'aab, kuwoodii qaxay waxay u cararaan tan iyo Socar iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, oohin bay la fuulaan jiirta Luxiid, oo jidka Xororayimna waxay kor ugu qaadaan qaylo baabba'eed. Waayo, biyaha Nimriim baabba' bay noqon doonaan, cawskiina wuu engegay, biqilkiina wuu qallalay, oo wax cagaar ahna innaba lama arko. Sidaas daraaddeed maalkii badnaa ee ay urursadeen iyo wixii ay kaydsadeenba waxay u qaadan doonaan durdurka geedaha safsaafka ah. Waayo, qayladii waxay gaadhay soohdimaha Moo'aab ku wareegsan, baroortoodii waxay gaadhay tan iyo Eglayim, oo baroortoodiina waxay gaadhay tan iyo Bi'ir Eelim. Biyaha Diimoon dhiig baa ka buuxa, weliba waxaan Diimoon ku keeni doonaa belaayo kale, kan Moo'aab ka baxsaday iyo kuwa dalka ku hadhayba libaax baan ku diri doonaa.

A Prophecy Against Moab(A)

15 A prophecy(B) against Moab:(C)

Ar(D) in Moab is ruined,(E)
    destroyed in a night!
Kir(F) in Moab is ruined,
    destroyed in a night!
Dibon(G) goes up to its temple,
    to its high places(H) to weep;
    Moab wails(I) over Nebo(J) and Medeba.
Every head is shaved(K)
    and every beard cut off.(L)
In the streets they wear sackcloth;(M)
    on the roofs(N) and in the public squares(O)
they all wail,(P)
    prostrate with weeping.(Q)
Heshbon(R) and Elealeh(S) cry out,
    their voices are heard all the way to Jahaz.(T)
Therefore the armed men of Moab cry out,
    and their hearts are faint.

My heart cries out(U) over Moab;(V)
    her fugitives(W) flee as far as Zoar,(X)
    as far as Eglath Shelishiyah.
They go up the hill to Luhith,
    weeping as they go;
on the road to Horonaim(Y)
    they lament their destruction.(Z)
The waters of Nimrim are dried up(AA)
    and the grass is withered;(AB)
the vegetation is gone(AC)
    and nothing green is left.(AD)
So the wealth they have acquired(AE) and stored up
    they carry away over the Ravine of the Poplars.
Their outcry echoes along the border of Moab;
    their wailing reaches as far as Eglaim,
    their lamentation as far as Beer(AF) Elim.
The waters of Dimon[a] are full of blood,
    but I will bring still more upon Dimon[b]
a lion(AG) upon the fugitives of Moab(AH)
    and upon those who remain in the land.

Footnotes

  1. Isaiah 15:9 Dimon, a wordplay on Dibon (see verse 2), sounds like the Hebrew for blood.
  2. Isaiah 15:9 Dimon, a wordplay on Dibon (see verse 2), sounds like the Hebrew for blood.