Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
46 Maryanna waxay tidhi,
Naftaydu Rabbigay weynaynaysaa,
47 Ruuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah.
48 Waayo, wuxuu eegay hoosaysnimada addoontiisa,
Bal eeg, tan iyo hadhow qarniyada oo dhammu waxay iigu yeedhi doonaan tan barakaysan.
49 Waayo, kan xoogga leh ayaa waxyaalo waaweyn ii sameeyey;
Magiciisuna waa Quduus,
50 Tan iyo ab ka ab naxariistiisu waxay gaadhaa
Kuwa isaga ka cabsada.
51 Wuxuu xoog ku sameeyey gacantiisa,
Oo kuwii fikirradii qalbigoodii ku kibray ayuu kala firdhiyey.
52 Kuwii xoogga lahaa ayuu carshiyadoodii ka soo dejiyey
Oo kuwii hooseeyey ayuu sarraysiiyey.
53 Kuwii gaajaysnaa ayuu wax wanaagsan ka dhergiyey,
Kuwii hodanka ahaana iyagoo madhan ayuu diray.
54 Midiidinkiisii Israa'iil ayuu caawiyey
Inuu xusuusto inuu u naxariisto
55 Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba
(Siduu awowayaasheennii ula hadlay).
Baryadii Daa'uud
18 Markaasaa Boqor Daa'uud gudaha galay oo Rabbiga hor fadhiistay, oo wuxuu yidhi, Sayidow, Rabbow, bal yaan ahay? Reerkayguna waa maxay oo aad halkan ii soo gaadhsiisay?
23 Bal quruuntee baa dunida joogta oo la mid ah dadkaaga reer binu Israa'iil, kuwaasoo adiga qudhaadu aad soo furatay inay dad kuu ahaadaan, iyo inaad magac isu yeesho, oo aad waxyaalo waaweyn isu samayso, iyo inaad dalkaaga aawadiis waxyaalo cabsi leh ugu samayso dadkaaga hortiisa, kuwaasoo aad ka soo furatay dalkii Masar, iyo quruumaha iyo ilaahyadooda? 24 Oo waxaad dhisatay dadkaagii reer binu Israa'iil inay dad kuu ahaadaan weligood, oo Ilaahood baad noqotay, Rabbiyow. 25 Haddaba, Rabbow Ilaahow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah oo ku saabsanaa reerkayga weligaa adkee oo sidaad ugu hadashay yeel. 26 Oo magacaaguna ha weynaado weligiis, hana la yidhaahdo, Rabbiga ciidammadu waa Ilaaha u taliya reer binu Israa'iil, oo anoo addoonkaaga Daa'uud ah reerkayguna wuu ku dhismi doonaa hortaada. 27 Waayo, Rabbiga ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, anoo addoonkaaga ah wax baad ii muujisay, oo waxaad igu tidhi, Reer baan kuu dhisi doonaa, sidaas daraaddeed waan ku dhiirranahay inaan baryadan ku baryo. 28 Haddaba, Sayidow, Rabbow, waxaad tahay Ilaah, oo erayadaaduna waa run, oo waxan wanaagsanna waad ii ballanqaadday anoo addoonkaaga ah. 29 Haddaba, Sayidow, Rabbow, waan ku baryayaaye, anoo addoonkaaga ah, barakee reerkayga inuu weligiisba hortaada ku sii raago, waayo, adigaa taas ku hadlay, oo reerkayguna weligiis ha barakaysnaado.
6 Sidaas oo kalaa Ibraahim Ilaah u rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo. 7 Haddaba ogaada in kuwa rumaysadka lahu yihiin wiilashii Ibraahim. 8 Qorniinka oo hore u arkay in Ilaah quruumaha xaq kaga dhigi doono rumaysad, ayaa injiilka hore ugu sii sheegay Ibraahim isagoo leh, Quruumaha oo dhammi adigay kugu barakoobi doonaan. 9 Sidaas daraaddeed kuwa rumaysadka lahu waxay la barakaysan yihiin Ibraahimkii rumaystay. 10 In alla intii shuqullada sharciga isku hallaysaa, inkaar bay ku hoos jiraan; waayo, waxaa qoran, Waa inkaaran yahay ku kasta oo aan ku sii soconin inuu sameeyo wax kasta oo ku qoran kitaabka sharciga. 11 Inuusan ninna sharciga xaq ku noqon Ilaah hortiisa waa bayaan, waayo, Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa. 12 Sharciguna kama iman rumaysadka, laakiin, Kii sameeya waxyaalaha sharciga iyaguu ku noolaan doonaa. 13 Masiix wuxuu inaga furtay inkaartii sharciga, isagoo inkaar inoo noqday, waayo, waxaa qoran, Mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu inkaaran yahay, 14 inay barakadii Ibraahim quruumaha ugu timaado Ciise Masiix; inaynu ballankii Ruuxa ku helno rumaysad.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya