Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 117

117 Quruumaha oo dhammow, Rabbiga ammaana,
Dadyowga oo dhammow, ammaana isaga.
Waayo, naxariistiisu xaggeenna waa ku weyn tahay,
Rabbiga runtiisuna weligeedba way waartaa.
Rabbiga ammaana.

Yeremyaah 30:1-17

Dib U Soo Celintii Reer Binu Israa'iil

30 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Erayadii aan kugula hadlay oo dhan kitaab ku qor. Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

Oo kuwanu waa erayadii ku saabsanaa dadka dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ee Rabbigu ku hadlay. Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaannu maqalnay cod gariir badan, oo cabsiyeed, oo aan mid nabdeed ahayn. Bal haatan weyddiiya, oo bal eega, haddii nin ilmo dhalid la foosho iyo haddii kale? Bal maxaan u arkaa nin kasta oo gacmihiisa dhexda ku haya sida naag foolanaysa oo kale, iyo wejiyo wada qayirmay? Hoogay wakhtigaasu waa wakhti weyn, oo ma jiro mid isaga la mid ahu, waana wakhtigii dhibkii dadka Yacquub, laakiinse waa laga badbaadin doonaa dhibkaas.

Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan, laakiinse waxay u adeegi doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo boqorkooda Daa'uud ee aan iyaga u sara kicin doono. 10 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, reer Israa'iilow, ha nixin, waayo, bal eeg, anigu meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalkii ay maxaabiis ahaanta u joogeen, oo reer Yacquubna wuu soo noqon doonaa, oo wuxuu ku joogi doonaa aamusnaan, iyo xasilloonaan, oo ciduna ma cabsiin doonto. 11 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.

12 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nabarkaagu waa mid aan bogsan karin, oo dhaawacaaguna aad buu u xun yahay. 13 Oo innaba mid dacwadaada kuu qaada lama arko in nabarkaaga la duubo, oo dawo wax bogsiisana ma aad haysatid. 14 Kuwii ku jeclaan jiray oo dhammu way ku wada illoobeen, oo innaba kuma ay doondoonaan, waayo, waxaan kugu dhaawacay dhaawicii cadowga, iyo edbintii kan naca weyn, waana xumaantaadii badatay aawadeed, maxaa yeelay, dembiyadaadii way sii kordheen. 15 Bal maxaad ula qaylinaysaa nabarkaaga? Xanuunkaagu waa mid aan bogsan karin, waana xumaantaadii badatay aawadeed, oo waxaan waxyaalahan kuugu sameeyey waa dembiyadaadii sii kordhay aawadood. 16 Oo sidaas daraaddeed kuwa ku baabbi'iya oo dhan waa la wada baabbi'in doonaa, oo cadaawayaashaada oo dhanna midkood kastaba maxaabiis ahaan ayaa loo kaxaysan doonaa, oo kuwa ku kala boobana waa la kala boobi doonaa, oo kuwa ku dhacana waxaan ka yeeli doonaa in iyagana la dhaco. 17 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu caafimaad baan kuu soo celin doonaa, oo dhaawacyadaadana waan kaa bogsiin doonaa, maxaa yeelay, iyagu waxay kugu magacaabeen Mid la nacay, oo waxay yidhaahdaan, Tanu waa Siyoon oo aan ninna doonaynin.

Muujintii 21:5-27

Markaasaa kii carshiga ku fadhiyey wuxuu yidhi, Bal eeg, wax kastaba cusayb baan ka dhigayaa. Oo wuxuu igu yidhi, Qor, waayo, erayadanu waa aamin iyo run. Oo wuxuu igu yidhi, Iyagu way ahaadeen. Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, iyo bilowgii iyo dhammaadka. Oo kii harraadsan waxaan hadiyad ahaan uga waraabin doonaa isha biyaha nolosha. Oo kii guulaystaa wuxuu dhaxli doonaa waxyaalahan, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa Ilaah, isna wuxuu ii ahaan doonaa wiil. Laakiinse kuwa fulayaasha ah, iyo kuwa aan rumaysan, iyo kuwa karaahiyada ah, iyo gacankudhiiglayaasha, iyo kuwa sinaysta, iyo saaxiriinta, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo beenlowyada oo dhan waxaa qaybtoodu ku jiri doontaa badda ay dabka iyo baaruuddu ka ololayaan, oo taasuna waa dhimashada labaad.

Yeruusaalemta Cusub Oo Samada Ka Soo Degaysa

Markaasaa waxaa yimid mid ka mid ah toddobadii malaa'igood oo haystay toddobadii fijaan oo ay ka buuxeen toddobadii belaayo ee ugu dambeeyey; oo iyana way ila hadashay, oo waxay igu tidhi, Bal kaalay halkan oo waxaan ku tusayaa aroosadda oo ah Wanka afadiisa. 10 Oo iyana waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay buur weyn oo dheer, oo waxay i tustay magaalada Yeruusaalem oo quduuska ah oo samada ka soo degaysa xagga Ilaah, 11 oo magaaladii waxay lahayd ammaanta Ilaah; oo nuurkeedu wuxuu u ekaa dhagax aad u qaali ah, oo sidii dhagaxa yasbidka oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale; 12 oo waxay lahayd derbi weyn oo dheer; oo waxay kaloo lahayd laba iyo toban irdood, oo irdahana waxaa ka taagnaa laba iyo toban malaa'igood; oo waxaa ku qornaa magacyo, kuwaas oo ah magacyadii laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil; 13 oo xagga bari waxay ku lahayd saddex irdood, woqooyina waxay ku lahayd saddex irdood, koonfurna waxay ku lahayd saddex irdood, galbeedna waxay ku lahayd saddex irdood. 14 Oo derbigii magaaladuna wuxuu lahaa laba iyo toban aasaas, oo dushooda waxaa ku qornaa laba iyo tobankii rasuul ee Wanka laba iyo tobankoodii magac.

15 Oo malaa'igtii ila hadashay waxay haysatay cawsduur qiyaaseed oo dahab ah inay ku qiyaasto magaalada iyo irdaheeda iyo derbigeeda. 16 Oo magaaladuna waxay u dhisnayd afar gees, oo dhererkeeduna wuxuu le'ekaa ballaadhkeeda; oo markaasay waxay magaaladii ku qiyaastay cawsduurkii, oo waxay noqotay laba iyo toban kun oo istaadiyon; oo dhererkeeda iyo ballaadhkeeda iyo sarajooggeeduba waa isla ekaayeen. 17 Oo waxay qiyaastay derbigeedii, oo wuxuu noqday boqol iyo afar iyo afartan dhudhun, sidii ay ahayd qiyaastii ninku, kaasoo ah malaa'ig. 18 Oo derbigeediina waxaa laga dhisay yasbid, oo magaaladuna waxay ahayd dahab saafi ah oo u eg muraayad saafi ah. 19 Oo derbigii magaalada aasaaskiisiina waxaa lagu sharraxay dhagaxyo qaali ah oo cayn kasta ah. Aasaaskii kowaad wuxuu ahaa yasbid, kii labaadna wuxuu ahaa safayr, kii saddexaadna wuxuu ahaa khalkedoon, kii afraadna wuxuu ahaa sumurud, 20 kii shanaadna wuxuu ahaa sardonug, kii lixaadna wuxuu ahaa sardiyos, kii toddobaadna wuxuu ahaa khirusolitos, kii siddeedaadna wuxuu ahaa berullos, kii sagaalaadna wuxuu ahaa tobasiyos, kii tobnaadna wuxuu ahaa khirusobrasos, kii koob iyo tobnaadna wuxuu ahaa yakintos, kii laba iyo tobnaadna wuxuu ahaa ametustos. 21 Oo laba iyo tobankii irdoodna waxay ahaayeen laba iyo toban luul, oo kii kastoo irdihii ka mid ahaaba wuxuu ahaa luul, oo magaaladii jidkeediina wuxuu ahaa dahab saafi ah oo u eg muraayad wax laga dhex arko.

22 Oo dhexdeedana macbud kuma arag; waayo, Rabbiga ah Ilaaha Qaadirkaa iyo Wanka ayaa waxay yihiin macbudkeeda. 23 Oo magaaladuna uma baahna qorrax iyo dayax toona inay dusheeda ka iftiimaan; waayo, ammaanta Ilaah ayaa iftiin u ahayd, oo laambadeeduna waa Wanka. 24 Oo quruumuhuna waxay ku dhex socon doonaan iftiinkeeda, oo boqorrada dhulkuna ammaantooda iyaday soo gelin doonaan. 25 Oo irdaheedana sinaba looma xidhi doono maalinta (waayo, halkaas habeen ma jiri doono); 26 oo waxay iyada soo gelin doonaan ammaanta iyo cisada quruumaha; 27 oo gudaheedana sinaba uma ay geli doonaan wax nijaas ah amase kii sameeya karaahiyo iyo been; laakiinse waxaa keliyahoo geli doona kuwa ku qoran kitaabka nolosha ee Wanka.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya