Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Luukos 1:68-79

68 Ha ammaanmo Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil,
Waayo, dadkiisii ayuu soo booqday oo furtay.
69 Badbaadiye xoog leh ayuu inoogu kiciyey
Gurigii midiidinkiisa Daa'uud,
70 (Siduu afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii uga hadli jiray),
71 Inuu inaga badbaadiyo cadaawayaasheenna iyo gacanta kuwa ina neceb oo dhan,
72 Iyo inuu u naxariisto awowayaasheen,
Iyo inuu axdigiisii quduuska ahaa xusuusto,
73 Oo ahaa dhaartii uu awoweheennii Ibraahim ugu dhaartay,
74 Inuu ina siiyo innagoo cadaawayaasheenna gacmahooda laynaga bixiyey
Inaynu baqdinla'aan isaga ugu hawshoonno
75 Quduusnimada iyo xaqnimada isaga hortiisa cimrigeenna oo dhan.
76 Adiguna, ilma yahow, waxaa laguugu yeedhi doonaa nebigii Kan ugu sarreeya,
Waayo, waxaad hor mari doontaa Rabbiga hortiisa inaad jidadkiisa diyaargaraysid;
77 Oo aad dadkiisa ogeysiisid badbaadada
Ee dembidhaafkooda ah,
78 Ee laga hela naxariista weyn ee Ilaaheenna,
Tan qorraxda soo baxda xagga sare inaga soo booqan doonta,
79 Inay iftiimiso kuwa fadhiya gudcurka iyo hooskii dhimashada,
Iyo inay cagaheenna jidkii nabadda ku kaxayso,

Yeremyaah 21

Ilaah Oo Diiday Codsigii Sidqiyaah

21 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, markii Boqor Sidqiyaah uu isaga u soo diray Fashxuur ina Malkiiyaah, iyo Safanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ahaa, isagoo leh, Waan ku baryayaaye, bal Rabbiga wax noo weyddii, waayo, Nebukadresar oo ah boqorkii Baabuloon ayaa nala diriraya. Waxaa suurtowda in Rabbigu nagula macaamiloodo shuqulladiisa yaabka badan oo dhan, si uu cadowgu nooga noqdo.

Markaas Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Sidqiyaah ku tidhaahdaan: Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, dib baan u celin doonaa hubka dagaalka ee gacantiinna ku jira ee aad kula diriraysaan boqorka Baabuloon, iyo reer Kaldayiinka derbiyada dibaddooda idinku hareeraynaya, oo iyagaan magaaladan dhexdeeda ku soo ururin doonaa. Oo aniga qudhaydu waxaan idinkula diriri doonaa gacan fidsan iyo cudud xoog badan, anoo xanaaqsan oo cadhaysan oo aad u dhirifsan. Oo wax baan ku dhufan doonaa waxa magaaladan deggan, dad iyo duunyaba, oo waxay ku le'an doonaan belaayo weyn. Oo waxaa Rabbigu leeyahay, Dabadeed Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo addoommadiisa, iyo dadka oo ah intii magaaladan ku hadhay oo belaayada, iyo seefta, iyo abaartaba ka caymatay, waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo isna seef buu ku layn doonaa, oo innaba uma tudhi doono, umana nixi doono, umana naxariisan doono. Oo dadkanna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan idin hor dhigayaa jidka nolosha iyo jidka geerida. Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii baxa oo reer Kaldayiinka idin hareeraynaya u galaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisu waxay isaga u ahaan doontaa sida booli oo kale. 10 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wejigaygaan magaaladan ugu jeediyey inaan masiibo ku sameeyo ee ma aha wanaag. Waxay gacanta u geli doontaa boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

11 Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla. 12 Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Daa'uudow, aroortii caddaalad sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, si ayan cadhadaydu u soo bixin sidii dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin sharka falimihiinna aawadiis. 13 Rabbigu wuxuu leeyahay, Ogaada, col baan idinla ahay, kuwiinna dooxada iyo dhagaxa bannaanka deggan ee yidhaahda, Bal yaa nagu soo dhaadhici kara, amase yaa rugtayada soo geli kara? 14 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.

Cibraaniyada 9:23-28

Isbixinta Ciise Masiix Waa Gooni

23 Haddaba lagamamaarmaan bay ahayd in u-ekaanta waxyaalaha jannooyinka ku jira kuwan lagu nadiifiyo; laakiin waxyaalaha jannada qudhooda waa in lagu nadiifiyo allabaryo kuwan ka wanaagsan. 24 Masiixu ma uu gelin meel quduus ah oo gacmo lagu sameeyey, oo u eg tan runta ah, laakiin wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo. 25 Weliba uma uu gelin inuu marar badan isbixiyo, sida wadaadka sare meesha quduuska ah sannad walba ula galo dhiig uusan lahayn. 26 Haddii kale lagamamaarmaan bay ahayd inuu marar badan xanuunsado tan iyo aasaaskii dunida; laakiin haatan oo dhammaadkii wakhtiga ah isaga mar keliya ayaa la muujiyey inuu dembiga ku baabbi'iyo allabarigiisa. 27 Waxaa dadka looga dhigay inay mar dhintaan, taas dabadeedna la xukumo, 28 sidaas oo kalena Masiix, isagoo mar loo bixiyey inuu qaado dembiyada kuwa badan, ayuu dembila'aan mar labaad badbaadin ugu muuqan doonaa kuwa isaga sugaya.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya