Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur gabay ah oo Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
76 Ilaah baa reer Yahuudah lagu dhex yaqaan,
Oo magiciisuna reer binu Israa'iil dhexdooda waa ku weyn yahay.
2 Oo taambuuggiisu wuxuu ku yaal Saalem,
Hoygiisuna wuxuu ku yaal Siyoon.
3 Oo halkaas wuxuu ku jejebiyey fallaadhihii qaansada,
Iyo gaashaankii, iyo seeftii, iyo dagaalkiiba. (Selaah)
4 Adigu waxaad ka ammaan iyo haybad badan tahay buuraha ugaadha leh.
5 Kuwii qalbiga adkaa waa la dhacay, oo hurdadoodii ayay wada gam'een,
Oo raggii xoogga badnaana midkoodna gacmihiisii waxba kuma samayn.
6 Ilaaha Yacquubow, canaantaadii aawadeed
Ayaa gaadhifardood iyo fardoba waxay kula dhex dheceen hurdo weyn.
7 Adigase waa in lagaa cabsadaa,
Bal yaa hortaada istaagi kara mar haddaad cadhootid?
8 Waxaad ka dhigtay in xukun samada laga maqlo,
Oo dhulkiina waa baqay, oo wuu aamusay,
9 Markuu Ilaah xukunka u sara kacay
Inuu badbaadsho kuwa camalka qabow oo dhulka jooga oo dhan. (Selaah)
10 Hubaal waxaa ku ammaani doonta dadka cadhadiisa,
Oo waxaad dhexda ku xidhan doontaa cadhada inteeda hadhay.
11 Rabbiga Ilaahiin ah wax u nidra, oo u oofiya,
Inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu isaga hadiyado ha u keeneen kan ay waajibka tahay in laga cabsado.
12 Isagu wuxuu gooyn doonaa amiirrada ruuxooda,
Boqorrada dunidana wuu u cabsi badan yahay.
Xukunka Iyo Rajada
66 Rabbigu wuxuu leeyahay, Samadu waa carshigayga, dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto. Guri caynmaad ii dhisi doontaan? Oo maxay tahay meeshaan ku nastaa? 2 Waayo, waxyaalahan oo dhan gacantaydaa samaysay, oo waxyaalahan oo dhammuna way wada ahaadeen, ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse ninkan waan fiirinayaa kaasoo ah miskiin, ruuxiisuna jaban yahay, eraygaygana ka gariira. 3 Kii dibi gowracaa wuxuu la mid yahay mid nin dilay oo kale, kii wan yar allabari ahaan u bixiyaana wuxuu la mid yahay mid eey qoorta ka jebiya oo kale, oo kii qurbaan bixiyaana wuxuu la mid yahay sida isagoo doofaar dhiiggiis bixiya oo kale, oo kii foox shidaana wuxuu la mid yahay sida isagoo sanam ammaana. Hubaal waxay doorteen jidadkooda, oo naftooduna waxay ku faraxdaa karaahiyadooda. 4 Anna waxaan dooran doonaa dhibaatooyinkooda, oo waxay ka cabsadaanna waan ku soo kor dayn doonaa, maxaa yeelay, markaan u yeedhay, innaba cidina iima jawaabin, oo markaan la hadlayna, ima ay maqlin, laakiinse wax indhahayga hortooda shar ku ahaa bay sameeyeen, oo waxay doorteen wax aanan ku farxin.
5 Kuwiinna eraygiisa ka gariirow, bal erayga Rabbiga maqla. Walaalihiinna idin neceb, oo magacayga aawadiis idiin xoora, waxay yidhaahdeen, Rabbiga ha la ammaano, si aan farxaddiinna u aragno, laakiinse iyagu way ceeboobi doonaan. 6 Buuq baa magaalada laga maqlayaa, cod baana macbudka ka yeedhaya, waana codka Rabbiga oo cadaawayaashiisii abaalmarinaya. 7 Intii ayan foolan ayay dhashay, oo intii ayan xanuunsan ayay wiil umushay. 8 Bal yaa waxaas oo kale maqlay? Yaase waxaas oo kale arkay? Dal miyuu maalin qudha dhashaa? Quruunse miyey haddiiba dhalataa? Waayo, Siyoon mar alla markay foolatay ayay haddiiba carruurteedii dhashay. 9 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigoo foosha keena miyaanan dhalin doonin? Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anigoo wax dhaliya, miyaan maxalka awdi doonaa?
10 Kuwiinna iyada jecel oo dhammow, Yeruusaalem la reyreeya, oo aawadeed u faraxsanaada, kuwiinna u baroorta oo dhammow, farxad aawadeed ula reyreeya, 11 si aad naaseheeda gargaarka ah u nuugtaan oo aad uga dheregtaan, iyo si aad sharafteeda badan uga maashaan oo aad ugu faraxdaan. 12 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, nabad sida webi oo kale ayaan ugu soo fidin doonaa, oo sharafta quruumahana sida durdur soo buuxdhaafay oo kale ayaan ugu soo dayn doonaa, oo markaasaad nuugi doontaan, oo sintaa laydinku xambaari doonaa, dhabtaana laydinku dul cayaarsiin doonaa. 13 Sida mid hooyadiis u qalbi qaboojiso oo kale ayaan aniguna idiin qalbi qaboojin doonaa, oo waxaa laydinku qalbi qaboojin doonaa Yeruusaalem.
23 Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba ma roona. Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba wax ma dhisaan. 24 Ninna yuusan doonin waxa isaga qudhiisa u roon, laakiin mid kasta ha doono waxa kan kale u roon. 25 Wax kasta oo suuqa lagu iibiyo cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed. 26 Waayo, Rabbigaa leh dhulka iyo waxa ku jira oo dhanba. 27 Mid ka mid ah kuwa aan rumaysnayn hadduu diyaafad idiinku yeedho oo aad doonaysaan inaad tagtaan, wax kasto oo laydin hor dhigoba cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed. 28 Laakiin haddii laydinku yidhaahdo, Tanu waa wax sanam loo sadqeeyey, ha cunina, kan idiin sheegay aawadiis iyo niyada aawadeed. 29 Waxaan leeyahay, niyada kan kale, ee ma aha taada. Waayo, xoriyaddayda maxaa loogu xukumaa mid kale niyadiis? 30 Haddaan mahad kaga qayb galo, maxaa la iigu caayaa wixii aan ku mahadnaqo? 31 Haddaba haddaad wax cuntaan, ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan u wada sameeya Ilaah ammaantiisa. 32 Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah, 33 sidaan aniguba dadka oo dhan uga farxiyo wax kastaba, anigoo aan doonaynin waxa ii roon, laakiin waxa kuwa badan u roon, si ay u badbaadaan.
11 Igu dayda sidaan aniguba Masiix ugu daydo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya