Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa baryootan Maskiil ah ee Daa'uud tiriyey markuu godkii ku jiray.
142 Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa,
Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.
2 Oo hortiisaan ku cawdaa,
Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa.
3 Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin,
Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen.
4 Bal fiiri xaggayga midig, oo bal arag,
Waayo, nin i yaqaan ma jiro,
Meel aan magangalo ayaan waayay, ninna naftayda dan kama leh.
5 Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday,
Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga,
Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.
6 Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey,
Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.
7 Naftayda xabsiga ka soo bixi, si aan magacaaga ugu mahadnaqo,
Kuwa xaqa ah ayaa igu hareeraysnaan doona,
Waayo, wax badan oo wanaagsan baad ii samayn doontaa.
Baryadii Xabaquuq
3 Tanu waa salaaddii Xabaquuq, oo lagu luuqeeyo Shigyonood.
2 Rabbiyow, waxaan maqlay warkaagii, waanan cabsanayaa.
Rabbiyow, shuqulkaaga soo noolee sannadaha dhexdooda,
Sannadaha dhexdooda ogeysii,
Oo markii aad cadhootid naxariis soo xusuuso.
3 Ilaah wuxuu ka yimid Teemaan,
Kii Quduuska ahaana wuxuu ka yimid Buur Faaraan. (Selaah)
Sharaftiisii waxay ku fidday samooyinka,
Oo dhulkiina waxaa ka buuxsamay ammaantiisii.
4 Oo dhalaalkiisiina wuxuu ahaa sida nuurka,
Wuxuuna lahaa iftiin gacantiisa ka soo baxaya.
Oo waxaa halkaas ku qarsoonaa xooggiisa.
5 Waxaa hortiisa socday belaayo,
Oo waxaa daba socday xummad.
6 Wuu istaagay, oo dhulkuu qiyaasay,
Wax buu fiiriyey, oo quruumihii buu kala eryay.
Kolkaasaa buurihii weligood ahaa kala firdheen,
Oo kurihii daa'imiska ahaana way wada foororsadeen.
Socodkiisuna wuxuu ahaa sidii waagii hore.
7 Waxaan arkay teendhooyinkii reer Kushan oo dhib ku dhex jira.
Daahyadii dalka reer Midyaanna way gariireen.
8 Rabbigu ma wuxuu u cadhooday webiyaasha?
Ma waxaad u xanaaqday webiyaasha
Mase waxaad u cadhootay badda?
Ma saas aawadeed baad u soo fuushay fardahaaga,
Iyo gaadhifardoodyadaadii badbaadinta?
9 Qaansadaadii daaha baad ka qaadday,
Dhaartii aad qabiilooyinka ugu dhaaratayna waxay ahayd eray run ah. (Selaah)
Dhulka waxaad ka dillaacisay webiyaal.
10 Buurihii way ku arkeen, oo way cabsadeen.
Biyaha xoogga lahuna way iska gudbeen,
Moolkii codkiisuu ku hadlay,
Gacmihiisiina kor buu u taagay.
11 Qorraxdii iyo dayaxiiba waxay istaageen rugtoodii,
Markay fallaadhahaaga nuuraya lalayeen,
Iyo markuu warankaaga dhalaalaya birbirqay.
12 Dalkii xanaaq baad kula dhex socotay,
Quruumihiina cadho baad ku tuntay.
13 Waad u soo baxday inaad dadkaaga badbaadiso daraaddeed,
Iyo inaad badbaadiso kaaga subkan.
Reerka sharrowga madaxiisa waad dhaawacday.
Aasaaskiina waad soo bandhigtay. (Selaah)
14 Madaxii dagaalyahanyadiisa waxaad ku mudday ulihiisii,
Waxay u yimaadeen sidii dabayl cirwareen ah inay i kala firdhiyaan daraaddeed.
Rayrayntoodu waxay ahayd inay masaakiinta qarsoodi u dhammeeyaan.
15 Fardahaagii waad kula tumatay baddii,
Taasoo ahayd biyaha aad u badan oo iskor taallaysan.
16 Anigu waan maqlay, kolkaasaan caloosha ka naxay,
Oo codkii aawadiis ayaa bushimahaygu la qadhqadheen,
Lafahaygiina way qudhmeen, oo meeshaydaan ku gariiray,
Inaan iska nasto intaan sugayo maalinta dhibka
Oo ay ciidammadu ku soo kici doonaan dadka.
5 Hadda, in kastoo aad hore u tiqiineen wax kasta, waxaan jeclahay inaan idin xusuusiyo sidii Rabbigu dad uga badbaadiyey dalka Masar, dabadeedna u baabbi'iyey kuwii aan rumaysan isaga; 6 oo malaa'igihii aan dhawrin madaxtinimadoodii, laakiinse rugtoodii ka tegey, wuxuu ilaa xukunka maalinta weyn ku hayaa silsilado weligood ah iyagoo gudcur ku hoos jira. 7 Si la mid ah Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii kale ee ku wareegsanaa oo sinaystay oo jidh kale uga daba orday, ayaa masaal laga dhigay, iyagoo ciqaabta dabka weligiis ah ku silcaya.
8 Weliba kuwan riyooda sidaas oo kalay jidhkooda u nijaaseeyaan, sayidnimadana u nacaan, oo kuwa derejada leh u caayaan. 9 Laakiin Mikaa'iil oo ah malagga sare markuu Ibliiska kula murmayay meydkii Muuse aawadiis, kuma uu dhicin inuu xukun cay ah ku xukumo, laakiinse wuxuu ku yidhi, Rabbigu ha ku canaanto. 10 Laakiin kuwanu wax kastoo ayan garanaynba way caayaan, oo waxay ku baabba'aan waxay abuuristooda ku garanayaan sida xayawaanka aan caqliga lahayn. 11 Waa u hoog iyaga, waayo, waxay raaceen jidkii Qaabiil, oo faa'iido aawadeed ayay Balcaam qaladkiisii ugu yaaceen, oo waxay ku halligmeen fallaagadii Qorax. 12 Kuwanu waa dhagaxyo qarsoon oo ku dhex jira cashooyinkiinna jacaylka markay idinla faysteeyaan iyagoo aan cabsanaynin; waxayna yihiin adhijirro naftooda jira, iyo daruuro aan biyo lahayn oo dabaylo kaxeeyaan, iyo geedo jiilaal oo aan midho lahayn, oo laba goor dhintay, oo la rujiyey; 13 iyo hirar kacsan oo badda, oo ceebtoodu xumbaynayso, iyo xiddigo ambaday, oo madowga gudcurka weligood loo hayaa.
14 Enoog oo ahaa farcankii toddobaad oo Aadan isna kuwanuu wax ka sii sheegay isagoo leh, Bal eega, Rabbigu wuxuu yimid isagoo wata quduusiintiisii aan tirada lahayn, 15 inuu xukun ku soo dejiyo kulli, iyo inuu kuwa aan cibaadada lahayn oo dhan ku caddeeyo shuqulladoodii cibaadola'aanta ahaa oo ay cibaadola'aanta ku sameeyeen, iyo waxyaalihii adkaa oo dhan oo ay dembilayaasha aan cibaadada lahaynu isaga ka sheegeen. 16 Kuwanu waa kuwa gunuunaca, oo cawda, oo damacyadooda xaaraanta ah ka daba orda, afkooduna wuxuu ku hadlaa hadallo isweyneyn ah, dadkana way u kala eexdaan inay faa'iido helaan aawadeed.
17 Laakiinse idinku, gacaliyayaalow, xusuusta hadalladii rasuulladii Rabbigeenna Ciise Masiix ay hore idinkula hadleen. 18 Waxay idinku yidhaahdeen, Ugu dambaysta waxaa jiri doona kuwa wax ku majaajilooda, oo daba socda damacyadooda aan cibaadada lahayn. 19 Kuwanu waa kuwa dadka kala erya, oo nafta dunida u nool iyagoo aan Ruuxa lahayn. 20 Laakiinse, gacaliyayaalow, nafsaddiinna ku dul dhisa rumaysadkiinna aad quduuska u ah, oo Ruuxa Quduuska ah ku tukada, 21 nafsaddiinna ku haya jacaylka Ilaah, idinkoo sugaya naxariista Rabbigeenna Ciise Masiix oo idin geeynaysa nolosha weligeed ah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya