Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
65 Ilaahow, ammaan baa Siyoon kugu sugaysa,
Oo nidarkana waa in adiga laguu oofiyo.
2 Kaaga baryootanka maqlow,
Dadka oo dhammu adigay kuu iman doonaan.
3 Waxaa iga adkaada xumaatooyin,
Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.
4 Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado,
Inuu degganaado barxadahaaga.
Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga,
Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.
5 Ilaaha badbaadadayadow,
Waxyaalo cabsi badan ayaad xaqnimo noogu jawaabi doontaa,
Waxaad tahay kalsoonida kuwa dunida darfaheeda oo dhan,
Iyo kuwa badda fogba,
6 Kaas oo xooggiisa buuraha ku adkeeya,
Isagoo dhexda xoog ku xidhay.
7 Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda,
Iyo dadyowga buuqooda.
8 Oo weliba kuwa dhulka meelaha ugu fog deggan waxay ka cabsadaan calaamooyinkaaga,
Oo adigu waad ka farxisaa meelaha ay subaxda iyo fiidkaba ka baxaan.
9 Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa,
Oo aad baad u barwaaqaysaa,
Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa,
Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.
10 Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa,
Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda,
Oo tiixtiix baad ku jilcisaa,
Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa.
11 Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga,
Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag.
12 Waxay ku tifqaan daaqa cidlada,
Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.
13 Berrimmada daaqu waxay huwadaan tirooyin adhyo ah,
Dooxooyinkana waxaa qariya hadhuudh,
Markaasay farxad la qayliyaan, oo weliba gabyaan.
Ayax Dagaalyahan Ah
2 Siyoon buun ka dhex afuufa, oo buurtayda quduuska ah ka dhawaajiya, oo dadka dalka deggan oo dhammu ha wada gariireen, waayo, maalintii Rabbigu way imanaysaa, oo haatan way soo dhow dahay. 2 Oo maalintaasu waa maalin mugdi iyo gudcur ah, oo waa maalin cadar ah oo gudcur qaro weyn ahu jiro, oo waxay u imanaysaa sida kaaha waaberiga buuraha ku dul faafa. Bal eega dad tiro badan oo xoog weyn! Dadkaas wax la mid ah hore looma arag, oo iyaga dabadoodna wax la mid ahu ma jiri doonaan xataa tan iyo sannado iyo qarniyo badan. 3 Hortooda dab baa wax laasanaya, oo dabadoodana olol baa wax gubaya. Dhulka iyaga ka horreeya waa sida Beer Ceeden, oo kan iyaga ka dambeeyana waa sidii cidla baabba' ah oo kale, oo wax iyaga ka baxsadayna innaba ma jiraan. 4 Muuqashoodu waa sida muuq fardood oo kale, oo waxay u ordaan sida rag fardooley ah. 5 Oo sanqadhkoodu waa sida gaadhifardood buuraha dhaladooda boodboodaya, iyo sida olol dab oo bal gubaya, iyo sida dad xoog badan oo dagaal u diyaargaroobay. 6 Hortooda dadyowgu way wada gariirayaan, oo qof kastaba wejigiisa cabsi baa ka muuqanaysa. 7 Iyagu waxay hore ugu ordayaan sida rag xoog badan, oo waxay derbiga u fuulayaan sida rag dagaalyahan ah, oo midkood waluba halkiisuu marayaa, oo kala leexan maayaan. 8 Oo midkoodna midka kale riixi maayo, oo midkood waluba wuxuu ku socdaa meeshiisa. Waxay ka dhex dusayaan hubka dagaalka oo innaba socodkooda kama joogsadaan. 9 Magaalada korkeeda ayay ku boodayaan, oo derbiga korkiisa ayay ku ordayaan, oo guryahay soo korayaan, oo sida tuug oo kale ayay daaqadaha ka soo galayaan. 10 Oo hortooda dhulku wuu gariirayaa, samooyinkuna way ruxmanayaan, oo qorraxdii iyo dayaxiina way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen. 11 Rabbiga ayaa codkiisa kaga hor hadlaya ciidankiisa, waayo, xeradiisu aad bay u weyn tahay, oo midka eraygiisa oofinayaa waa xoog badan yahay, waayo, Rabbiga maalintiisu waa weyn tahay, waana mid cabsi badan aad iyo aad, haddaba bal yaa u adkaysan kara?
Waxtarka Qorniinka Quduuska Ah
10 Laakiinse adigu waxaad raacday waxbariddayda, iyo socodkayga, iyo qasdigayga, iyo rumaysadkayga, iyo dulqaadashadayda, iyo jacaylkayga, iyo samirkayga, 11 iyo silecyadayda, iyo xanuunsigayga. Waxyaalihii xunxumaa ee igu dhacay markaan Antiyokh iyo Ikoniyon iyo Lustara joogay! Silecyadii badnaa ee aan u adkaystay! Oo kulligood Rabbigaa iga samatabbixiyey. 12 Runtii, kulli inta doonaysa inay si cibaado leh Ciise Masiix ugu noolaadaan waa la silcin doonaa. 13 Laakiinse dadka sharka leh iyo khaa'innadu aad iyo aad bay u sii xumaan doonaan, iyagoo wax khiyaaneeya, lana khiyaaneeyo. 14 Laakiinse adigu ku sii soco waxyaalihii aad baratay oo aad hubsatay, adigoo garanaya kuwii aad ka baratay; 15 tan iyo yaraantaadii waxaad garanaysay qorniinka quduuska ah oo badbaadada kugu garansiin kara rumaysadka Ciise Masiix lagu rumaysto.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya