Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:97-104

MEM.

97 Aad baan sharcigaaga u jeclahay!
Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
98 Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda.
Waayo, weligayba way ila jiraan.
99 Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan,
Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.
100 Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha,
Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.
101 Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh,
Si aan eraygaaga u dhawro.
102 Xukummadaada gees ugama aan leexan,
Waayo, wax baad i bartay.
103 Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa!
Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!
104 Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa,
Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.

Yeremyaah 26:1-15

Yeremyaah Oo Dil Loogu Hanjabay

26 Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu xagga Rabbiga ka yimid, isagoo leh, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad istaagtaa guriga Rabbiga barxaddiisa, oo dadka magaalooyinka dalka Yahuudah oo u yimid inay Rabbiga gurigiisa ku caabudaan oo dhan la hadal, oo erayada aan kugu amro inaad kula hadashid erayna ha ka reebin. Mindhaa waxaa suurtowda inay ku maqlaan oo mid kastaaba ka soo noqdo jidkiisa sharka ah, inaan anigu ka soo noqdo masiibadii aan u qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo sharka falimahooda aawadiis. Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad i maqli weydaan si aad ugu socotaan sharcigayga aan idin hor dhigay, oo aad u maqashaan erayada nebiyada addoommadayda ah oo aan idiin soo diro, anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, laakiin innaba ma aydaan dhegaysan, markaas gurigan waxaan ka dhigi doonaa sida Shiiloh oo kale, oo magaaladanna quruumaha dunida oo dhan ayaan habaar uga dhigi doonaa. Oo wadaaddadii iyo nebiyadii iyo dadkii oo dhammuba waxay maqleen Yeremyaah oo erayadan gurigii Rabbiga kagaga dhex hadlaya, oo markii Yeremyaah uu wada dhammeeyey hadalkii uu Rabbigu ku amray inuu dadka oo dhan kula hadlo ayaa wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhammu isagii qabteen, oo waxay ku yidhaahdeen, Hubaal waa inaad dhimataa! Bal maxaad magaca Rabbiga wax ugu sii sheegtay adigoo leh, Guriganu wuxuu noqon doonaa sidii Shiiloh oo kale, oo magaaladanuna waxay noqon doontaa cidla oo aan ciduna degganayn? Oo dadkii oo dhammuna Yeremyaah ayay gurigii Rabbiga ugu soo wada urureen.

10 Oo amiirradii dalka Yahuudahna markay waxyaalahaas maqleen ayay gurigii boqorka ka soo bexeen oo waxay yimaadeen gurigii Rabbiga, wayna fadhiisteen meesha laga soo galo iridda cusub ee guriga Rabbiga. 11 Markaasaa wadaaddadii iyo nebiyadii la hadleen amiirradii iyo dadkii oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu dhimashuu istaahilaa, waayo, magaaladan ayuu wax ka sii sheegay sidii idinkuba aad dhegihiinna ku maqasheen. 12 Markaas Yeremyaah wuxuu la hadlay amiirradii oo dhan iyo dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ayaa ii soo diray inaan gurigan iyo magaaladanba ka sii sheego erayadii aad maqasheen oo dhan. 13 Haddaba jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeeca, oo Rabbiguna wuu ka soo noqon doonaa masiibadii uu idinkaga hadlay. 14 Bal eega, anigu gacmihiinnaan ku jiraa, haddaba iigu sameeya sida idinla wanaagsan oo idinla qumman. 15 Laakiinse bal si xaqiiq ah u ogaada, haddaad i dishaan, waxaad nafsaddiinna iyo magaaladan iyo dadka degganba u soo jiidaysaan dhiig aan xaq qabin, waayo, sida runta ah Rabbiga ayaa ii soo diray xaggiinna inaan dhegihiinna oo dhan erayadan maqashiiyo.

Falimaha Rasuullada 17:22-34

Wacdigii Bawlos Markuu Are'obagos Dhex Taagnaa

22 Markaasaa Bawlos oo Are'obagos dhex taagan wuxuu yidhi, Nimankiinan reer Ateenay ahow, wax kasta waxaan idinku garanayaa inaad tihiin kuwo ilaahyada ka cabsada. 23 Waayo, markaan soo socday oo aan arkay waxyaalaha aad caabuddaan waxaan soo arkay oo kale meel allabari oo lagu qoray, Waxaa leh ilaah aan la oqoon. Haddaba waxaad oqoonla'aanta ku caabuddaan ayaan wax idiinka sheegayaa. 24 Ilaaha sameeyey dunida iyo waxyaalaha ku jira oo dhanba, oo ah Rabbiga samada iyo dhulka, ma deggana macbudyo gacmo lagu sameeyey, 25 gacmo dadna looguma adeego sidii isagoo wax u baahan, maxaa yeelay, dhammaan isagaa siiya nolosha iyo neefta iyo wax walbaba; 26 oo quruun kasta oo bini-aadmi ah ayuu isaga mid dhigay inay dunida dusheeda oo dhan degganaadaan isagoo gooyay xilliyaduu hore u diyaarshay iyo xadadka degmooyinkooda; 27 inay Ilaah doondoonaan, in hadday suurtowdo ay haabhaabtaan oo ay helaan isaga, in kastoo uusan ka fogayn midkeen kasta; 28 maxaa yeelay, isagaynu ku nool nahay, kuna soconnaa, kuna jirnaa; sidaasoo kuwo ka mid ah gabayayaashiinnu ay yidhaahdeen, Weliba innaguna waxaynu nahay farcankiisa. 29 Haddaba innagoo ah Ilaah farcankiis waa inaynaan ka fikirin in Ilaahnimadu ay la mid tahay dahab ama lacag ama dhagax oo lagu xardhay sancada iyo farsamada dadka. 30 Haddaba wakhtiyadii oqoonla'aanta Ilaah baa dhaafay, laakiin hadda wuxuu dadka ku amrayaa in dhammaantood meel kastaba ha joogeene ay soo toobadkeenaan; 31 maxaa yeelay, wuxuu dhigay maalin uu dunida si xaq ah ugu xukumi doono ninkuu doortay, taasoo uu dhammaan ugu caddeeyey sarakicidda uu isagii ka soo sara kiciyey kuwii dhintay.

32 Haddaba kolkay maqleen wax ku saabsan ka soo sarakicidda kuwii dhintay, qaar waa ku qosleen, laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Mar kale ayaannu waxan kaa maqli doonnaa. 33 Haddaba Bawlos waa ka dhex tegey iyagii. 34 Laakiin niman baa raacay isagii oo rumaystay; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Diyonusiyos ki Are'obagos, iyo haweenay la odhan jiray Damaris, iyo kuwo kale oo la socdayba.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya