Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 102:1-17

Kanu waa mid dhibaataysan baryootankiis markuu taag darnaado, oo uu Rabbiga u cawdo.

102 Rabbiyow, baryootankayga maqal,
Qayladayduna ha ku soo gaadho.
Wejigaaga ha iga qarin maalinta aan dhibaataysnahay,
Dhegta ii dhig,
Oo maalinta aan ku baryo, dhaqso iigu soo jawaab.
Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale,
Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale.
Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay,
Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno.
Codkii taahiddayda daraaddiis
Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.
Anigu waxaan la mid ahay haad cantalyaa ah oo cidlada joogta,
Oo waxaan la mid noqday haad guumays ah oo lamadegaanka dhex joogta.
Waan soo jeedaa, oo waxaan noqday
Sidii shimbir yar oo keligeed guri dhaladiis saaran.
Maalinta oo dhan cadaawayaashaydu way i caayaan,
Oo kuwa ii cadhaysanuna magacaygay ku caytamaan.
Waayo, dambas baan u cunay sidii kibis oo kale,
Oo cabniinkaygiina waxaan ku darsaday ilmadaydii.
10 Sababtuna waa dhirifkaagii iyo cadhadaadii aawadood,
Waayo, kor baad ii qaadday, dabadeedna waad i xoortay.
11 Cimrigaygu waa sida hoos sii libdhaya,
Oo waxaan u engegay sida caws oo kale.
12 Laakiinse Rabbiyow, adigu weligaaba waad sii jiri doontaa,
Oo waa lagu sii xusuusan doonaa ka ab ka ab.
13 Waad sara joogsan doontaa, oo Siyoon baad u naxariisan doontaa,
Waayo, waa wakhtiga iyada loo jixinjixo, haah, oo wakhtigii la ballamay waa yimid.
14 Waayo, addoommadaadu waxay u bogaan dhagaxyadeeda,
Oo waxay u jixinjixaan ciiddeeda.
15 Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga,
Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada,
16 Waayo, Rabbigu wuxuu dhisay Siyoon,
Oo wuxuu ka dhex muuqday ammaantiisii,
17 Wuxuu u fiirsaday kuwa dan daraysan tukashadoodii,
Oo baryadoodiina ma uu quudhsan.

Yeremyaah 29:8-23

Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Nebiyadiinna iyo waxsheegyadiinna idin dhex joogaa yaanay idin khiyaanayn, oo idinku innaba ha dhegaysanina riyooyinkiinna aad ku riyootaan. Waayo, magacaygay wax been ah idiinku sii sheegaan, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu iyaga sooma aan dirin. 10 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Markii toddobaatan sannadood Baabuloon loo dhammeeyo dabadeed ayaan idin soo booqon doonaa, oo waxaan idiin oofin doonaa eraygaygii wanaagsanaa, oo halkan dib baan idiinku soo celin doonaa. 11 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan garanayaa fikirrada aan idiinku fikiro, waana fikirro nabadeed, oo ma aha kuwa masiibeed, si aan ugudambaystiinna rajo idiin siiyo. 12 Oo markaasaad ii yeedhan doontaan, waanad i soo baryi doontaan, oo aniguna waan idin maqli doonaa. 13 Oo waad i doondooni doontaan, waanad i heli doontaan markaad qalbigiinna oo dhan igu doondoontaan. 14 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad i heli doontaan, oo maxaabiisahaantiinnana waan idinka celin doonaa, oo waxaan idinka soo wada ururin doonaa quruumaha oo dhan iyo meelihii aan idin kexeeyey oo dhan ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan idinku soo celin doonaa meeshii aan ka dhigay in maxaabiis ahaan laydinkaga kaxaysto. 15 Maxaa yeelay, idinku waxaad tidhaahdeen, Rabbiga ayaa Baabuloon nebiyo nooga dhex kiciyey. 16 Rabbigu wuxuu ka leeyahay boqorka carshigii Daa'uud ku fadhiya iyo dadka magaaladan deggan oo dhan, Walaalihiinnii aan maxaabiis ahaan laydiinla kaxaysan, 17 Rabbiga ciidammadu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, waxaan korkooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, oo waxaan iyaga ka dhigi doonaa sida midho berde oo qudhmay oo xumaantooda aawadeed aan innaba la cuni karin. 18 Oo waxaan iyaga ku eryan doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hor iyo dib, oo ay inkaar iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo cay ku dhex noqdaan quruumaha aan u kexeeyey oo dhan, 19 maxaa yeelay, iyagu ma ay dhegaysan erayadaydii aan iyaga ugu soo dhiibay nebiyadii addoommadayda ahaa, anigoo goor wanaagsan soo diraya, laakiinse waad maqli weydeen, ayaa Rabbigu leeyahay. 20 Haddaba maxaabiistii aan Yeruusaalem ka diray oo aan Baabuloon u kexeeyey, bal erayga Rabbiga maqla.

21 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Axaab ina Qoolaayaah iyo Sidqiyaah ina Macaseeyaah oo magacayga been idiinku sii sheega, bal ogaada iyaga waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna indhihiinna hortooda ayuu iyaga ku dili doonaa. 22 Oo maxaabiista dadka Yahuudah oo Baabuloon joogta oo dhammu way habaartami doonaan iyagoo leh, Rabbigu ha kaa dhigo sidii Sidqiyaah iyo sidii Axaab ee uu boqorka Baabuloon dabka ku dubay oo kale, 23 maxaa yeelay, nacasnimo ayay dalka Israa'iil ku dhex sameeyeen, oo weliba naagihii derisyadooda ayay ka sinaysteen, oo erayo been ah oo aanan iyaga ku soo amrin ayay magacayga ku hadleen. Anigu kan og baan ahay, oo markhaati baan ka ahay, ayaa Rabbigu leeyahay.

Falimaha Rasuullada 26:24-29

24 Oo intuu saas isu daafacayay, ayaa Feestos cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Bawlosow, waad waalan tahay. Barashadaadii badnayd ayaa waalli kuu beddeshay. 25 Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Feestoskii aad u sarreeyeyow, anigu ma aan waalni, laakiin waxaan ku hadlayaa erayo run ah iyo feeyignaan. 26 Waayo, boqorka aan ikhtiyaar ula hadlayaa wuu garanayaa waxyaalahan; waayo, anigu waxaan hubaa inaan waxyaalahan midkoodna uusan isaga ka qarsoonayn; waayo, waxyaalahan laguma samayn meel qarsoon. 27 Boqor Agribbow, nebiyadii ma rumaysan tahay? Waan ogahay inaad rumaysan tahay. 28 Markaasaa Agribba wuxuu Bawlos ku yidhi, Wax yar baad igu oggolaysiinaysaa inaan Masiixi noqdo. 29 Kolkaasaa Bawlos wuxuu yidhi, Waxaan Ilaah ka dooni lahaa in, haddii ay tahay wax yar iyo haddii ay tahay wax badan, ayan ahayn adiga oo keliya, laakiin in, inta maanta i maqlaysaa oo dhammu, ay wada noqdaan sida aan ahay oo kale, silsiladahan mooyaane.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya