Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Yeremyaah 29:1

Warqad Ku Socota Maxaabiistii

29 Haddaba kuwanu waa erayadii warqaddii uu Nebi Yeremyaah Yeruusaalem uga diray kuwii hadhay ee waayeelladii maxaabiisnimadii iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii uu Nebukadnesar Yeruusaalem maxaabiis ahaanta uga kaxaystay oo uu Baabuloon la tegey oo dhan.

Yeremyaah 29:4-7

Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan, oo aan ka yeelay in Yeruusaalem laga kaxaysto oo Baabuloon lala tago, waxaan idinku leeyahay, Guryo dhista, oo ku hoyda, oo beero beerta, oo midhahoodana cuna. Naago guursada, oo wiilal iyo gabdho dhala, oo wiilashiinnana naago u guuriya, oo gabdhihiinnana niman siiya, si ay iyaguna wiilal iyo gabdho u dhalaan, oo halkaasna ku tarma oo ha yaraanina. Oo waxaad nabad u doondoontaan magaaladii aan idinka yeelay in laydiin kaxaysto idinkoo maxaabiis ah, oo iyada Rabbiga u barya, waayo, idinku nabaddeeda ayaad nabad ku heli doontaan.

Sabuurradii 66:1-12

Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

66 Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,
Oo ammaanta magiciisa ku gabya,
Ammaantiisana qurxiya.
Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa!
Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.
Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan,
Wayna kuu gabyi doonaan,
Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)
Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah,
Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.
Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan,
Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug,
Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.
Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa,
Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha,
Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin. (Selaah)
Dadyahow, Ilaaheenna ammaana,
Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,
Kaasoo nafteenna nolol ku haya,
Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.
10 Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay,
Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.
11 Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah,
Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
12 Dad baad madaxa naga saartay,
Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo,
Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.

2 Timoteyos 2:8-15

Bal xusuuso Ciise Masiix, kan kuwii dhintay ka soo sara kacay, oo Daa'uud ka soo farcamay, sida uu leeyahay injiilka aan idinku wacdiyo, kan aan u dhibtoodo oo aan u xidhnahay sidii mid wax xun falay; laakiinse erayga Ilaah ma xidhna. 10 Haddaba wax walba waxaan ugu adkaystaa kuwa la doortay aawadood inay iyana helaan badbaadada ammaanta weligeeda leh oo ku jirta Ciise Masiix. 11 Hadalkanu waa dhab, Haddii aynu isaga la dhimannay, dee haddana waynu la noolaan doonnaa, 12 haddii aynu adkaysanno, dee haddana wax baynu la xukumi doonnaa; haddii aynu isaga inkirnona, dee isna wuu ina diidi doonaa; 13 haddii aynu nahay aaminlaawayaal, isagu weli waa aamin; waayo, isagu isma burin karo.

Kadigidda Muranka

14 Waxyaalahan iyaga xusuusi oo Rabbiga hortiisa ku amar inayan hadal ku murmin, waayo, kaasu faa'iido ma leh, laakiinse kuwa maqla ayuu sii kharribaa. 15 Ku dadaal inaad nafsaddaada loo bogay Ilaah siisid, adigoo ah shaqeeye aan dadka ka xishoonin, oo hadalka runta ah si hagaagsan u wada.

Luukos 17:11-19

Ciise Wuxuu Bogsiiyey Toban Nin Oo Baras Qaba

11 Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay. 12 Oo goortuu tuulo galay, waxaa la kulmay toban nin oo baras leh oo meel fog ka istaagay. 13 Markaasay codka kor u qaadeen iyagoo leh, Ciisow, Macallimow, noo naxariiso. 14 Goortuu arkay, wuxuu ku yidhi, Taga oo istusa wadaaddada. Oo waxaa dhacay, intay sii socdeen, inay daahirsameen. 15 Midkood goortuu arkay inuu bogsaday, ayuu soo jeestay oo cod weyn Ilaah ku ammaanay. 16 Oo wejigiisa ayuu cagihiisa ag dhigay oo u mahadnaqay. Wuxuuna ahaa reer Samaariya. 17 Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Tobankii miyaanay daahirsamin? Laakiin meeye sagaalkii? 18 Miyaan la arag kuwa u soo noqday inay Ilaah ammaanaan, shisheeyahan maahee? 19 Markaasuu ku yidhi, Kac oo soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya