Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
137 Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon,
Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.
2 Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.
3 Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay,
Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen,
Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.
4 Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa
Dal qalaad dhexdiis?
5 Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo,
Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.
6 Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga,
Haddaanan ku xusuusan,
Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan
Farxaddayda ugu weyn.
7 Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom,
Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi,
Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.
8 Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa,
Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya
Sidii aad nagu samaysay.
9 Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada
Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.
5 Rabbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay.
Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay.
2 Dhaxalkayagii waxaa helay shisheeyayaal.
Guryahayagiina waxaa iska qaatay ajnabiyo.
3 Waxaannu nahay agoommo, aabbayaal ma lihin,
Oo hooyooyinkayana carmallay noqdeen
4 Biyahayagii lacag baannu ku cabnay,
Oo qoryahayagiina waa nalaga iibiyey.
5 Kuwii na eryanayayna way na gaadheen,
Waannu daalan nahay oo nasasho ma lihin.
6 Waxaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta
Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno.
7 Aabbayaashayo waa dembaabeen, mana joogaan,
Oo annagaa xumaatooyinkoodii xambaarannay.
8 Addoommaa noo taliya,
Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,
9 Waxaannu kibistayada ku helnaa naftayadoo aan biimayno,
Waana seefta cidlada aawadeed.
10 Haraggayagii wuxuu u madoobaaday sidii foorno oo kale,
Waana kulaylkii abaarta daraaddiis.
11 Naagihii Siyoon dhexdeedaa lagu kufsaday,
Hablihii bikradaha ahaana magaalooyinka dalka Yahuudah waa lagu kufsaday.
12 Amiirradii gacmahoodaa lagu deldelay,
Oo odayaashiina lama sharfin.
13 Barbaarradii dhagaxshiidkay qaadeen,
Oo carruurtiina rarkii qoryaha bay la kufeen.
14 Odayaashii iridday ka joogsadeen,
Oo barbaarradiina muusikadoodii farahay ka qaadeen.
15 Farxaddii qalbigayagay ka dhammaatay,
Oo cayaartayadiina baroorashay u rogmatay.
16 Taajkii madaxayaguu ka dhacay.
Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay!
17 Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday.
Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.
18 Maxaa yeelay, Buur Siyoon waa cidlowday,
Oo dawacooyin baa ku dul socda.
19 Rabbiyow, weligaaba sida boqor baad u fadhidaa,
Oo carshigaaguna ab ka ab buu waaraa.
20 Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa,
Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?
21 Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa.
Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.
22 Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday.
Oo aad baad noogu cadhootay.
Geedka Berdaha Ah Oo Aan Waxba Dhalin(A)
12 Maalintii dambe, markay Beytaniya ka yimaadeen, wuu gaajaysnaa. 13 Meel fog wuxuu ka arkay geed berde ah oo caleen leh. Wuu u yimid inuu haddana wax ka helo. Goortuu u yimid waxba kama uu helin caleemo keliya maahee, waayo, wakhtigii berdaha ma ahayn. 14 Ciise baa u jawaabay oo geedkii ku yidhi, Hadda dabadeed weligaa ninna yuu midho kaa cunin. Xertiisiina waa maqashay.
Xoogga Rumaysadka(A)
20 Subaxdii goortay ag marayeen, waxay arkeen geedkii berdaha ahaa oo xididdada ka engegay. 21 Markaasaa Butros soo xusuustay, oo wuxuu ku yidhi, Macallinkaygiiyow, eeg, geedkii berdaha ahaa oo aad habaartay waa engegay. 22 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Ilaah rumaysta. 23 Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii buurtan ku yidhaahda, Ruq, baddana isku tuur, oo aan qalbigiisana ka shakiyin laakiin rumaysta in wuxuu yidhi ay noqonayso, waa u ahaan doontaa. 24 Sidaa darteed, waxaan idinku leeyahay, wax kasta oo aad tukasho ku baridaan, rumaysta inaad hesheen oo way idiin ahaan doontaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya