Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 137

137 Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon,
Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.
Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.
Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay,
Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen,
Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.
Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa
Dal qalaad dhexdiis?
Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo,
Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.
Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga,
Haddaanan ku xusuusan,
Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan
Farxaddayda ugu weyn.
Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom,
Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi,
Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.
Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa,
Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya
Sidii aad nagu samaysay.
Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada
Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.

Baroorashadii Yeremyaah 2:13-22

13 Magaalada Yeruusaalemay, maxaan kuu maragfuraa? Maxaanse kuu ekaysiiyaa?
Magaalada Siyoonay, bal maxaan kaala mid dhigaa si aan kuugu qalbi qabowjiyo?
Waayo, jabkaagu wuxuu u weyn yahay sida badda oo kale. Bal yaa ku bogsiin kara?
14 Nebiyadaadii waxay arkeen waxyaalo aan waxtar lahayn oo doqonnimo ah,
Oo xumaantaadiina daaha sow kama ay qaadin si maxaabiistaadii laguugu soo celiyo,
Laakiinse waxay kuu arkeen waxyaalo aan waxtar lahayn oo ku leexiya.
15 Waxa ag mara oo dhammu way kugu sacbiyaan,
Wayna ku foodhyaan oo ay madaxa ku lulaan magaalada Yeruusaalem, oo waxay isku yidhaahdaan,
Tanu ma magaaladii la odhan jiray Kaamilnimada quruxda iyo farxadda dunida oo dhan baa?
16 Cadaawayaashaadii oo dhammu afkay kugu kala qaadeen,
Intay foodhyaan oo ilko jirriqsadaan ayay waxay yidhaahdaan, Waannu liqnay.
Sida xaqiiqada ah tanu waa maalintii aannu sugaynay,
Waannu helnay oo waannu aragnay.
17 Rabbigu wuu sameeyey wixii uu ku talaggalay,
Oo eraygiisii uu waagii hore amrayna wuu oofiyey.
Wuu dumiyey, umana uu tudhin.
Oo wuxuu ka dhigay in cadowgu kugu reyreeyo,
Oo geeskii cadaawayaashaadana kor buu u taagay.
18 Qalbigoodii Sayidkuu ugu qayliyey.
Derbiga magaalada Siyoonow, habeen iyo maalinba ilmadaadu ha u qulqusho sida webi oo kale.
Nafsaddaada nasasho ha siin, oo yaan ishaadu joogsan.
19 Sara joogso, oo habeenkii gelinkiisa hore qayli. Qalbigaaga sida biyo oo kale Sayidka hortiisa ugu daadi.
Gacmaha xaggiisa ugu hoorso carruurtaada yaryar naftooda aawadeed,
Kuwaasoo jid kasta rukunkiisa gaajo ugu itaaldaran.
20 Rabbiyow, bal eeg, oo ka fiirso kan aad waxan ku samaysay!
Naaguhu ma inay midhaha maxalkooda oo ah carruurtii ay koolkooliyeen cunaan baa?
Wadaadka iyo nebiga ma in meesha quduuska ah ee Sayidka lagu dilaa baa?
21 Yar iyo weyn baa dhulkay jiifaan jidadka dhexdooda,
Hablahaygii iyo barbaarradaydiiba seef baa lagu laayay.
Waxaad iyaga laysay maalintii cadhadaada, waad gowracday oo uma aad tudhin.
22 Sidii maalin ciid ah oo kale ayaad dhinac kasta iigaga yeedhay kuwii aan ka cabsan jiray,
Oo maalinta cadhada Rabbiga midna ma baxsan mana hadhin,
Kuwii aan koolkooliyey oo aan koriyey cadowgaygaa baabbi'iyey.

1 Yooxanaa 5:1-5

Iimaanka Masiixiyiinta

Ku alla kii rumaysta inuu Ciise yahay Masiixa, Ilaah buu ka dhashay; oo ku alla kii jecel kan dhalay, kan isaga ka dhashayna wuu jecel yahay. Taasaynu ku garanaynaa inaynu carruurta Ilaah jecel nahay, goortaynu Ilaah jeclaanno oo qaynuunnadiisa xajinno. Waa kan jacaylka Ilaah, kaasoo ah inaynu qaynuunnadiisa xajinno; oo qaynuunnadiisuna ma cusla. Ku alla kii ka dhashay Ilaah, wuxuu ka adkaadaa dunida, oo waxaa libta ka adkaata dunida ah rumaysadkeenna. Waa ayo kan dunida ka adkaadaa, kan rumaystaa inuu Ciise yahay Wiilka Ilaah mooyaane?

1 Yooxanaa 5:13-21

Dhammaadka

13 Waxyaalahan waxaan idiinku soo qoray, idinka oo rumaystay magaca Wiilka Ilaah, si aad u ogaataan inaad nolosha weligeed ah leedihiin. 14 Oo tanu waa kalsoonaanta aynu isaga u qabno, taasoo ah haddaynu wax uun doonistiisa ku barinno, isagu wuu ina maqlaa, 15 oo haddaynu og nahay inuu inaga maqlo wax alla wixii aynu ka barinno, waxaynu og nahay inaynu leennahay waxyaalihii aynu isaga ka barinnay. 16 Haddii qof uun arko walaalkii oo samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn, waa inuu Ilaah baryo; isaguna noloshuu siin doonaa kuwa samaynaya dembi aan xagga dhimashada ahayn. Waxaa jira dembi xagga dhimashada ah. Oo anigu odhan maayo, Kaas ha ka tukado. 17 Xaqdarrada oo dhammu waa dembi; oo waxaa jira dembi aan xagga dhimashada ahayn.

18 Waan og nahay in ku alla kii Ilaah ka dhashay aanu dembaabin. Maxaa yeelay, kii ka dhashay Ilaah naftiisuu ilaaliyaa, oo ka sharka lihina ma taabto. 19 Waxaynu og nahay inaynu kuwa Ilaah nahay, oo ay dunida oo dhammuna ku jirto gacanta ka sharka leh. 20 Waxaynu og nahay in Wiilka Ilaah yimid, oo wuxuu ina siiyey garasho si aynu ugu garanno kan runta ah; innaguna waa ku jirnaa kan runta ah, oo ah Wiilkiisa ee Ciise Masiix ah. Kanu waa Ilaaha runta ah iyo nolosha weligeed ah. 21 Carruurtiiyey, sanamyada iska ilaaliya.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya