Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
137 Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon,
Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.
2 Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.
3 Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay,
Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen,
Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.
4 Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa
Dal qalaad dhexdiis?
5 Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo,
Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.
6 Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga,
Haddaanan ku xusuusan,
Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan
Farxaddayda ugu weyn.
7 Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom,
Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi,
Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.
8 Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa,
Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya
Sidii aad nagu samaysay.
9 Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada
Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.
16 Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa,
Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay.
Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.
17 Siyoon gacmahay hoorsataa, mase jiro mid u qalbi qaboojiya.
Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka Yacquub ku wareegsan ay cadaawayaashooda noqdaan.
Yeruusaalemna waxay dhexdooda ku tahay sida wax wasakh ah.
18 Rabbigu waa xaq, waayo, amarkiisaan ku caasiyoobay.
Dadyowga oo dhammow, i maqla, waan idin baryayaaye, oo bal murugtayda fiiriya.
Hablahaygii bikradaha ahaa iyo barbaarradaydii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay.
19 Waxaan u yeedhay kuwii i jeclaa, laakiinse way i khiyaaneeyeen.
Wadaaddadaydii iyo duqowdaydiiba magaalada dhexdeeda ayay ku naf bexeen,
Intay doondoonayeen cunto ay nafta ku ceshadaan.
20 Rabbiyow, bal i eeg, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa. Uurkaa i gubanaya,
Qalbigayguna wuu igu dhex rogman yahay, waayo, aad baan u caasiyoobay.
Dibadda seef baa igu gablamisa, gurigana geeri baa ii joogta.
21 Inaan taahayo waa la maqlay, ninnase ima qalbi qaboojiyo.
Cadaawayaashaydii oo dhammu dhibaatadaydii way maqleen, oo inaad saas igu samaysay way ku faraxsan yihiin.
Waad keeni doontaa maalintii aad ka hadashay, oo iyaguna sidaydoo kalay noqon doonaan.
22 Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado,
Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan,
Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.
2 Walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada, 3 idinkoo og tijaabinta rumaysadkiinnu inay dulqaadasho keento. 4 Oo dulqaadashadu ha dhammayso shuqulkeeda si aad kaamil u ahaataan oo aad u dhanaataan, oo aydnaan waxba ugu baahnaan.
5 Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye. 6 Laakiin rumaysad ha ku baryo, isagoo aan shakiyayn, waayo, kii shakiyaa wuxuu la mid yahay hirka badda oo dabayshu kaxayso oo rogrogto. 7 Ninkaasu yuusan u malayn inuu Rabbiga wax ka heli doono. 8 Labaqalbiiluhu wuu ka rogrogmadaa socodkiisa oo dhan.
9 Walaalkii hooseeyaa ha ku faano sarraysiintiisa, 10 kii taajir ahuna ha ku faano hoosaysiintiisa, waayo, wuxuu u idlaan doonaa sida ubaxa cawska. 11 Qorraxdu waxay la soo baxdaa kulaylka, wayna engejisaa cawska, oo ubaxiisuna wuu daataa, quruxda midabkiisuna way ka luntaa; sidaas oo kale ayaa taajirku ugu lumi doonaa socodkiisa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya