Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Baroorashadii Yeremyaah 3:19-26

19 Xusuuso dhibkaygii iyo wareeggaygii, iyo dacartii iyo xammeetidii.
20 Naftaydu iyagay weli soo xusuusataa, oo ceeb bay la foororsatay.
21 Tan uun baan garwaaqsan ahay, sidaas daraaddeed rajaan leeyahay.
22 Rabbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi'in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato.
23 Subax walba way cusub yihiin, daacadnimadaaduna way weyn tahay.
24 Naftaydu waxay tidhaahdaa, Rabbigu waa qaybtaydii, sidaas daraaddeed isagaan rajo ku qabi doonaa.
25 Rabbigu waa u roon yahay kuwa isaga rajo ku suga iyo naftii isaga doondoontaba.
26 Waxaa wanaagsan in badbaadinta Rabbiga rajo iyo aamusnaan lagu sugo.

Yeremyaah 52:1-11

Dhiciddii Yeruusaalem

52 Sidqiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray kow iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood. Oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Xamuutal ina Yeremyaah oo reer Libnaah ahayd. Oo isagu wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii Yehooyaaqiim sameeyey oo dhan. Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa ka tuuray, kolkaasaa Sidqiyaahna ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon. Oo sannaddii sagaalaad oo boqornimadiisa, bishii tobnaad, maalintii tobnaad ayaa Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii Yeruusaalem ku keceen, oo intay hor degeen ayay qalcado hareereheeda ka dhisteen. Oo sidaasay magaaladii u hareeraysnayd tan iyo sannaddii kow iyo tobnaad oo Boqor Sidqiyaah. Oo maalintii sagaalaad, bishii afraad, ayaa abaartii magaaladii aad iyo aad ugu xumaatay, oo sidaas daraaddeed dadkii dalka degganaa cunto ma haysan. Markaasaa meel magaalada ahayd la jebiyey, oo raggii dagaalka oo dhammuna way carareen, oo waxay goor habeennimo ah magaaladii kaga bexeen iriddii labada derbi u dhaxaysay oo beertii boqorka ku ag tiil (haddaba reer Kaldayiin waxay ku wareegsanaayeen magaalada). Oo waxay mareen jidkii Caraabaah. Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa boqorkii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo ciidankiisii oo dhammuna way ka kala firdheen. Markaasay boqorkii qabsadeen oo boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay. 10 Oo boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii hortiisuu ku laayay, oo weliba amiirradii dalka Yahuudah oo dhanna wuxuu ku wada laayay Riblaah. 11 Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo boqorkii Baabuloon wuxuu ku xidhxidhay silsilado oo wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo xabsi buu ku riday ilaa maalintii dhimashadiisa.

Muujintii 2:8-11

Warqaddii Kiniisadda Simurna Loo Diray

Kiniisadda Simurna ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;

Kan ugu horreeyey oo ugu dambeeya, oo dhintay, oo soo noolaaday, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan, Waan ogahay dhibaatadaada iyo faqiirnimadaada (laakiin taajir baad tahay), iyo cayda ay kugu caayaan kuwa Yuhuudda isku sheegaa oo aan ahayn, laakiinse ah kuwa sunagogga Shayddaanka. 10 Ha ka cabsan waxyaalaha aad dhowaan ku xanuunsan doontid. Bal eega, in laydin tijaabiyo aawadeed, Ibliisku qaarkiin buu dhowaan xabsi ku ridi doonaa, oo idinku intii toban maalmood ah waxaad heli doontaan dhibaato. Ilaa dhimashada aamin ahow, anna waxaan ku siin doonaa taajka nolosha. 11 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta dhimashada labaad waxba yeeli mayso.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya