Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:49-56

SAYN.

49 Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay,
Oo aad igu rajo gelisay.
50 Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay,
Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.
51 Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen,
Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.
52 Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada,
Waanan isqalbi qaboojiyey.
53 Aad baan u xanaaqay,
Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.
54 Qaynuunnadaadu waxay ii ahaayeen heeso
Markaan ku jiray gurigii aan socotada ku ahaa.
55 Rabbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay,
Oo sharcigaagaan dhawray.
56 Taasu waa ii ahaatay,
Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.

Yeremyaah 32:36-44

36 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay magaaladan aad tidhaahdeen, Waxay boqorka Baabuloon ugu gacangeli doontaa seef iyo abaar iyo belaayo, 37 Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo dhex ururin doonaa waddammadii aan xanaaqayga iyo dhirifkayga iyo cadhada weyn ugu kexeeyey oo dhan, oo meeshan ayaan mar kale ku soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay ammaan ku degganaadaan. 38 Iyagu waxay ahaan doonaan dadkaygii, oo anna Ilaahood baan ahaan doonaa. 39 Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi qudha iyo jid qudha, si ay weligoodba iiga cabsadaan, waana inay iyaga iyo carruurtooda ka dambaysaba wanaag helaan. 40 Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi weligiisba sii waaraya, si aanan marnaba uga sii jeesan inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo qalbigooda ayaan cabsidayda gelin doonaa, si ayan iiga tegin aawadeed. 41 Waxaan ku farxi doonaa inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo sida runta ah qalbigayga oo dhan iyo naftayda oo dhan ayaan iyaga dalkan ku dhex beeri doonaa. 42 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaan dadkan ugu soo dejiyey masiibadan weyn oo dhan ayaan wanaaggii aan u ballanqaaday oo dhan ugu soo dejin doonaa. 43 Oo beeraa laga iibsan doonaa dalkan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn oo waxaa lagu riday gacanta reer Kaldayiin. 44 Dad baa beero lacag kaga iibsan doona dalka reer Benyaamiin iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo magaalooyinka buuraha ku yaal, iyo magaalooyinka dooxada ku yaal, iyo magaalooyinka koonfureedba, oo warqadda heshiiskana way qori doonaan oo shaabadayn doonaan, oo markhaatiyaalna way u yeedhi doonaan, waayo, anigu maxaabiistooda waan soo celin doonaa ayaa Rabbigu leeyahay.

Yacquub 5:1-6

Ka-digidda Dulmiga Taajiriinta

Bal kaalaya hadda, kuwiinnan taajiriinta ahow, ooya oo ka baroorta dhibaatooyinka idinku soo degaya. Duunyadiinnii way qudhuntay, dharkiinniina aboor baa cunay. Dahabkiinnii iyo lacagtiinniiba way mirdheen, miridhkooduna markhaati buu idinku noqon doonaa, wuxuuna jidhkiinna u cuni doonaa sida dabka oo kale. Maal baad u urursateen maalmaha ugu dambeeya. Shaqaalayaashii beerihiinnii idiin gooyay mushahaaradoodii aad dulmiga uga reebateen way dhawaaqaysaa, qaylooyinkii kuwii beerihii gooyayna waxay galeen dhegaha Rabbiga Saba'ood. Dhulkaad ku barwaaqaysateen, waadna ku raaxaysateen, oo qalbiyadiinnii waxaad u naaxiseen maalinta gowracidda. Waad xukunteen, waadna disheen kan xaqa ah. Isaguna isma kiin hor taago.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya