Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:49-56

SAYN.

49 Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay,
Oo aad igu rajo gelisay.
50 Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay,
Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.
51 Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen,
Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.
52 Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada,
Waanan isqalbi qaboojiyey.
53 Aad baan u xanaaqay,
Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.
54 Qaynuunnadaadu waxay ii ahaayeen heeso
Markaan ku jiray gurigii aan socotada ku ahaa.
55 Rabbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay,
Oo sharcigaagaan dhawray.
56 Taasu waa ii ahaatay,
Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.

Yeremyaah 32:16-35

16 Oo markaan warqaddii heshiiska waxiibsashada Baaruug ina Neeriiyaah u dhiibay dabadeed ayaan Ilaah baryay oo waxaan ku idhi, 17 Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, samada iyo dhulkaba xooggaaga badan iyo gacantaada fidsan ayaad ku samaysay, oo wax kugu adagna ma jiro. 18 Kumanyaal baad u naxariisataa, oo xumaantii aabbayaashu sameeyaanna waxaad abaalmarin ugu soo celisaa laabta carruurtooda iyaga ka dambaysa. Magacaagu waa Ilaaha xoogga badan ee weyn, iyo Rabbiga ciidammada. 19 Xagga talada waad ku weyn tahay, oo xagga shuqulkana waad ku xoog badan tahay. Indhahaagu way u furan yihiin jidadka binu-aadmiga oo dhan, si aad mid kasta ugu abaalmarisid sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ay ahaayeen. 20 Waxaad ilaa maantadan calaamooyin iyo yaababba ku dhex samaysay dalkii Masar, iyo reer binu Israa'iil dhexdooda, iyo dadka kale dhexdoodaba, oo magac baad samaysatay siday maantadan tahay. 21 Oo dadkaaga reer binu Israa'iilna dalkii Masar baad kaga soo bixisay calaamooyin, iyo yaabab, iyo gacan xoog badan, iyo dhudhun fidsan, iyo cabsi weyn. 22 Oo iyagaad siisay dalkan aad awowayaashood ugu dhaaratay inaad iyaga siinaysid kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, 23 oo iyana intay soo galeen ayay hantiyeen, laakiinse codkaagii ma ay addeecin, oo sharcigaagiina kuma ay socon, oo waxyaalihii aad ku amartay inay sameeyaanna waxba kama ay samayn, oo sidaas daraaddeed ayaad ka dhigtay in masiibadan oo dhammu ay ku dhacdo. 24 Bal eeg tuulmooyinka! Magaalada waa loo yimid in la qabsado, oo waxaa magaaladii la geliyey gacantii reer Kaldayiinkii iyada la diriray, waana seefta iyo abaarta iyo belaayada aawadood. Wixii aad ku hadashay way ahaadeen, oo bal eeg, adiguba waad u jeeddaa. 25 Sayidow, Rabbiyow, waxaad igu tidhi, Beerta lacag ku iibso, oo markhaatiyaal u yeedh, waayo, magaalada waxaa lagu riday gacanta reer Kaldayiin.

26 Markaasaa Yeremyaah waxaa u yimid Eraygii Rabbiga oo ku leh, 27 Bal eeg, anigu waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha binu-aadmiga oo dhan, haddaba ma wax igu adag baa jira?

28 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta reer Kaldayiin, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa. 29 Oo reer Kaldayiinka magaaladan la dirirayaana way iman doonaan, oo dab bay magaaladan qabadsiin doonaan, oo way gubi doonaan iyada iyo guryaheedii ay saqafkooda Bacal foox ugu shidi jireen, oo ay qurbaanno cabniin ah ilaahyada kale ugu shubi jireen, oo sidaasay iiga cadhaysiiyeen. 30 Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waxay tan iyo yaraantoodii hortayda ku sameeyeen shar keliya, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil waxaa keliya oo ay sameeyeen inay shuqulka gacmahooda igaga cadhaysiiyaan. 31 Waayo, magaaladanu waxay ii ahayd wax iga dhirfiya oo iga cadhaysiiya tan iyo maalintii ay dhiseen iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigayga uga hor fogayn doonaa, 32 waana sharkii dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah ay igaga cadhaysiiyeen oo dhan, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooda, iyo dadka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem deggan. 33 Oo iyagu dhabarkay ii soo jeediyeen, wejigiina way iga sii jeediyeen, oo in kastoo aan iyaga wax baray, anigoo goor wanaagsan wax baraya, inay tacliin qaataan innaba ma ay dhegaysan. 34 Laakiinse karaahiyooyinkoodii ayay dhex qotomiyeen gurigii laygu magacaabay gudihiisa oo sidaasay u nijaaseeyeen. 35 Oo weliba waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal oo ku dhex yaal dhooxada ina Xinnom si ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba dab u dhex marsiiyaan Moleg aawadiis, taasoo aanan iyaga ku amrin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin, inay karaahiyadan sameeyaan oo ay dadka Yahuudah dembaajiyaan.

Muujintii 3:14-22

Warqaddii Kiniisadda La'odikiya Loo Diray

14 Kiniisadda La'odikiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;

Aamiin, oo ah markhaatiga aaminka ah oo runta ah, oo ah madaxa uunka Ilaah, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan; 15 Waan ogahay shuqulladaada iyo inaadan qabow iyo kulayl midna ahayn. Waxaan jeclaan lahaa inaad tahay qabow iyo kulayl midkood. 16 Haddaba waad diirran tahay, oo qabow iyo kulayl midna ma ihid, sidaas daraaddeed afkaygaan kaa tufi doonaa. 17 Waxaad tidhaahdaa, Taajir baan ahay, oo maal baan helay, oo waxba uma baahni, oo ma ogid inaad tahay tan belaysan, oo loo naxo, oo miskiinka ah, oo indhaha la', oo qaawan. 18 Sidaas daraaddeed waxaan kugula talinayaa inaad iga iibsatid dahab dab lagu safeeyey, si aad taajir u noqotid, iyo dhar cad si aad u xidhatid oo aanay ceebta qaawanaantaadu u muuqan, iyo indhakuul aad indhaha marsatid si aad wax u aragtid. 19 In alla inta aan jeclahay waan canaantaa oo edbiyaa, sidaas daraaddeed qiiro yeelo oo toobadkeen. 20 Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn. 21 Kii guulaysta, waxaan siin doonaa amar uu carshigayga igula fadhiisto, sida aan aniguba u guulaystay, oo aan Aabbahay ugula fadhiistay carshigiisa. 22 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya