Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 106:40-48

40 Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu dadkiisii aad ugu cadhooday,
Oo isna wuxuu karhay dadkii dhaxalkiisii ahaa.
41 Oo wuxuu iyagii u gacangeliyey quruumaha,
Oo kuwii iyaga necbaa ayaa u taliyey.
42 Oo weliba cadaawayaashoodii ayaa dulmay,
Oo iyagoo gacantooda ka hooseeya ayay addoonsadeen.
43 Marar badan ayuu samatabbixiyey,
Laakiinse waxay ku caasiyoobeen taladoodii,
Oo waxaa lagu hoosaysiiyey dembigoodii.
44 Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii,
Markuu qayladoodii maqlay,
45 Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii,
Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday.
46 Oo weliba wuxuu ka dhigay inay
Kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay oo dhammu u naxaan.
47 Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi,
Oo quruumaha naga soo dhex ururi,
Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno,
Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
48 Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil
Tan iyo weligiis iyo weligiisba.
Oo dadka oo dhammu ha yidhaahdo, Aamiin.
Rabbiga ammaana.

Yeremyaah 10:1-16

Ilaah Iyo Sanamyada

10 Dadka Israa'iilow, bal maqla erayga Rabbigu idinkula hadlayo. Rabbigu wuxuu leeyahay, Ha baranina jidka quruumaha, oo hana ka nixina calaamadaha samada, waayo, quruumahaa ka naxa iyaga. Waayo, dadyowga caadooyinkoodu waxtar ma leh, maxaa yeelay, mid baa kaynta geed ka soo jara, waana wax ay nin saanac ah gacmihiisu faas ku sameeyaan. Waxaa lagu sharraxaa lacag iyo dahab, oo waxaa lagu dhuujiyaa musmaarro iyo dubbayaal, si uusan u dhaqdhaqaaqin. Sanamyadaas waa sida geed timireed oo toosan, laakiinse ma ay hadlaan, oo waxay u baahan yihiin in la qaado, maxaa yeelay, ma ay socon karaan. Iyaga ha ka baqina, waayo, wax xun idinkuma samayn karaan, oo weliba innaba wax san ma samayn karaan.

Rabbiyow, mid kula mid ahu ma jiro. Adigu waad weyn tahay, oo magacaaguna waa xoog badan yahay. Boqorka quruumahow, kan aan kaa cabsanaynu waa kuma? Waayo, way kugu habboon tahay, maxaa yeelay, kuwa xigmadda leh ee quruumaha iyo boqortooyooyinkooda oo dhanba mid kula mid ahu ma jiro. Laakiinse iyagu dhammaantood waa doqonno iyo nacasyo, cilmigoodu waa wax aan waxtar lahayn, waayo, waa qori uun. Lacag la tumay baa Tarshiish laga keenaa, oo dahabna Uufaas, waana nin saanac ah shuqulkiis, iyo wixii lacagshubuhu uu gacmihiisa ku sameeyey, oo dharkooduna waa buluug iyo guduud, oo dhammaantoodna waa nin saanac ah shuqulkiis. 10 Laakiinse Rabbigu waa Ilaaha runta ah. Isagu waa Ilaaha nool iyo boqorka weligiis ah. Cadhadiisa ayaa dhulku la gariiraa, oo quruumuhuna uma ay adkaysan karaan dhirifkiisa.

11 Waxaad iyaga ku tidhaahdaan, Ilaahyadii aan samooyinka iyo dhulka samayninu way ka wada baabbi'i doonaan dhulka dushiisa iyo samooyinka hoostooda.

12 Isagu dhulka xooggiisuu ku sameeyey, dunidana xigmaddiisuu ku dhisay, oo samooyinkana waxgarashadiisuu ku kala bixiyey. 13 Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara. 14 Nin kastaaba wuxuu noqday doqon aan aqoon lahayn, oo dahabshube kastaaba wuxuu ku ceeboobay sanamkiisii la xardhay, waayo, sanamkiisii la shubay waa been oo innaba neef ma leh. 15 Iyagu waa wax aan waxtar lahayn iyo shuqul lagu majaajilowdo, oo wakhtiga ciqaabiddoodana way wada baabbi'i doonaan. 16 Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.

1 Korintos 9:19-23

Aad Buu Ugu Dadaalay Inuu Dad U Jiido Masiix

19 Waayo, in kastoo aan xor ka ahaa dad oo dhan, dhammaan ayaan addoon isaga dhigay, si aan qaar kaloo badan u soo kordhiyo. 20 Yuhuudda waxaan u noqday sida Yuhuudi oo kale, si aan Yuhuud kale u soo kordhiyo. Kuwa sharciga ka hooseeyana, sida mid sharciga ka hooseeya ayaan u noqday, aniga oo aan sharciga ka hoosayn, si aan kuwa sharciga ka hooseeya u soo kordhiyo. 21 Xagga kuwa aan sharciga lahayn, sida mid aan sharci lahayn ayaan u noqday anigoo aan ahayn mid sharci la' xagga Ilaah, laakiin sharci leh xagga Masiix, si aan u soo kordhiyo kuwa aan sharciga lahayn. 22 Xagga kuwa itaalka daran waxaan u noqday mid itaaldaran, si aan kuwa itaalka daran u soo kordhiyo. Dadka oo dhan ayaan wax kasta u noqday inaan si kastaba qaar ku badbaadiyo. 23 Wax kasta waxaan u sameeyaa injiilka aawadiis, si aan u noqdo mid injiilka la qaybsada iyaga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya