Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
18 Murugtaydu waa mid aan la fududayn karin, oo qalbigaygiina waa igu dhex taag darnaaday. 19 Bal maqla codka qaylada dadkayga oo dal fog ka yeedhaya. Sow Rabbigu Siyoon ma joogo? Sow boqorkeedii ma dhex joogo? Bal maxay iigaga cadhaysiiyeen sanamyadooda xardhan iyo waxyaalahooda qalaad ee aan waxtarka lahayn? 20 Beergoosadkii waa dhaafay, oo midhoguriddiina waa idlaatay, laakiin innagu weli ma aynu badbaadin. 21 Anigu waxaan ku xanuunsaday nabarkii ku dhacay dadkayga. Murug baan la madoobaaday, oo yaab baa i haya. 22 Ma Gilecaad baan beeyo dawo ah oollin, mase dhakhtar baan halkaas joogin? Bal maxaa bogsiinta dadkaygu u dhammaystirmi weyday?
9 Bal muu madaxaygu biyo noqdo, oo bal may indhahayguna il biyood oo ilmo daadisa noqdaan, si aan habeen iyo maalinba ugu ooyo kuwa laga laayay dadkayga!
Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.
79 Ilaahow, quruumihii kale waxay u soo galeen dhaxalkaagii,
Macbudkaagii quduuska ahaana way nijaaseeyeen,
Oo Yeruusaalemna waxay ka dhigeen tuulmooyin.
2 Meydadkii addoommadaada waxay cunto uga dhigeen haadka samada,
Oo hilibkii quduusiintaadana waxay cunto uga dhigeen dugaagga dhulka.
3 Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale,
Cid aastaana ma jirin.
4 Waxaannu cay u noqonnay derisyadayadii,
Kuwa nagu wareegsanna wax la quudhsado oo lagu qoslo.
5 Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa?
Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?
6 Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon,
Iyo boqortooyooyinka aan magacaaga kugu baryin.
7 Waayo, waxay laayeen reer Yacquub,
Rugtoodiina way baabbi'iyeen.
8 Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo,
Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado,
Waayo, aad baa lanoo dhibay.
9 Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi,
Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.
Caabudidda
2 Sidaas daraaddeed ugu horraysta waxaan kugu waaninayaa inaad Ilaah u baridid, oo aad u tukatid, oo aad u ducaysid, oo aad u mahadnaqdid dadka oo dhan, 2 khusuusan boqorrada iyo kuwa amarka lehba, inaynu nolol xasilloon oo nabdaysan ku noolaanno, innagoo si walba cibaado iyo maamuus u leh. 3 Taasu way wanaagsan tahay, waana mid Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu aqbali karo. 4 Wuxuu doonayaa in dadka oo dhammu badbaado oo ay runta gartaan. 5 Waayo, waxaa jira Ilaah keliya iyo dhexdhexaadiye keliya oo u dhexeeya Ilaah iyo dadka, waana ninka Ciise Masiix ah, 6 oo naftiisii dadka oo dhan furashadooda u bixiyey, oo wakhtigiisii qummanaa loo markhaati furay. 7 Taas daraaddeed baa layga dhigay inaan noqdo mid wax wacdiya oo rasuul ah oo macallin dadka aan Yuhuudda ahayn ugu ah iimaan iyo run. Taasu waa runtay, oo been sheegi maayo.
Wakiilkii Aan Aamminka Ahayn
16 Haddana wuxuu xertii ku yidhi, Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo wakiil lahaa, kan loogu ashtakeeyey inuu alaabtiisa khasaarinayay. 2 Markaasuu u yeedhay oo ku yidhi, Waa maxay waxan kugu saabsan ee aan maqlayo? I sii xisaabtii wakiilnimadaada, waayo, hadda ka dib wakiil sii ahaan kari maysid. 3 Markaasaa wakiilkii isku yidhi, Maxaan sameeyaa, waayo, sayidkayga ayaa wakiilnimadii iga qaadaya? Itaal aan wax ku qodo ma lihi, inaan dawarsadona waan ka xishoonayaa. 4 Waan garanayaa waxaan samaynayo, in goortii wakiilnimada layga saaro ay dadku guryahooda iigu dhowayn doonaan. 5 Markaasuu u yeedhay mid walba oo sayidkiisu dayn ku lahaa. Kii hore ayuu ku yidhi, Sayidkaygu immisuu kugu leeyahay? 6 Wuxuu yidhi, Boqol qiyaasood oo saliid ah. Markaasuu ku yidhi, Wixii laguu qoray soo qaad, oo dhaqso u fadhiiso oo qor, Konton. 7 Markaasuu wuxuu mid kale ku yidhi, Immisuu kugu leeyahay? Isaguna wuxuu yidhi, Boqol qiyaasood oo sarreen ah. Markaasuu ku yidhi. Wixii laguu qoray soo qaad, oo qor, Siddeetan. 8 Sayidkiisii ayaa wakiilkii xaqa darnaa faaniyey, waayo, si caqli leh ayuu u sameeyey, waayo, wiilashii wakhtigan waxay wiilasha iftiinka kaga caqli badan yihiin waxa qarnigooda ku saabsan.
Sida Qumman Oo Maalka Loo Isticmaalo
9 Oo waxaan idinku leeyahay, Saaxiibbo ku samaysta maalka xaqdarrada in goortuu dhammaado ay idiinku dhoweeyaan degmooyinka weligood ah. 10 Kan waxa u yar aamin ku ah, ayaa weliba wax badan aamin ku ah. Kan waxa u yar ku xaqdaran, ayaa waxa badanna ku xaqdaran. 11 Haddii aydnaan maalka xaqdaran aamin ku ahayn, waxa run ah yaa idinku aaminaya? 12 Haddii aydnaan wixii qof kale leeyahay aamin ku ahayn, yaa idin siinaya wixiinna? 13 Midiidinna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya