Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.
79 Ilaahow, quruumihii kale waxay u soo galeen dhaxalkaagii,
Macbudkaagii quduuska ahaana way nijaaseeyeen,
Oo Yeruusaalemna waxay ka dhigeen tuulmooyin.
2 Meydadkii addoommadaada waxay cunto uga dhigeen haadka samada,
Oo hilibkii quduusiintaadana waxay cunto uga dhigeen dugaagga dhulka.
3 Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale,
Cid aastaana ma jirin.
4 Waxaannu cay u noqonnay derisyadayadii,
Kuwa nagu wareegsanna wax la quudhsado oo lagu qoslo.
5 Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa?
Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?
6 Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon,
Iyo boqortooyooyinka aan magacaaga kugu baryin.
7 Waayo, waxay laayeen reer Yacquub,
Rugtoodiina way baabbi'iyeen.
8 Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo,
Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado,
Waayo, aad baa lanoo dhibay.
9 Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi,
Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.
8 Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas waxaa qabriyadoodii laga soo bixin doonaa lafihii boqorrada dalka Yahuudah, iyo lafihii amiirradiisa, iyo lafihii wadaaddada, iyo lafihii nebiyada, iyo lafihii dadkii Yeruusaalem degganaaba. 2 Oo waxaa lagu kala bixin doonaa dhulka hoos yaal qorraxda, iyo dayaxa, iyo ciidanka samada oo dhan, kuwaasoo ay jeclaan jireen, oo ay u adeegi jireen, oo ay daba socon jireen, oo ay doondooni jireen, oo ay caabudi jireen. Lama soo ururin doono, lamana aasi doono, oo sida digo oo kale ayay dhulka saarnaan doonaan. 3 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa qoladan sharka ah ka hadhi doona oo dhammu waxay nolosha ka dooran doonaan dhimasho, waana kuwa ku hadhi doona meelaha aan u kexeeyey oo dhan.
Dembi Iyo Ciqaab
4 Weliba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dhacaa miyeyan soo kicin? Kii leexdaase miyuusan soo noqon? 5 Haddaba dadkan reer Yeruusaalem bal maxay dib ugugu simbiriirixdeen dibunoqosho weligeed ah? Iyagu khiyaano way xajisanayaan, wayna diidaan inay soo noqdaan. 6 Waan dhegaystay oo waan maqlay, laakiinse si qumman uma ay hadlin. Oo midkoodna xumaantiisii kama toobadkeeno, isagoo leh, Bal maxaan sameeyey? Mid kastaaba wuxuu u leexdaa jidkiisii sida faras dagaal ku yaacaya. 7 Sida xaqiiqada ah xuurta samadu xilligeeda way taqaan, oo qoolleyda, iyo dabfallaadha, iyo saratoosiyuhuba way dhawraan xilliga imaatinkooda, laakiinse dadkaygu Rabbiga xukunkiisa ma ay yaqaaniin. 8 Haddaba bal sidee baad u tidhaahdaan, Annagu xigmad baannu leennahay, oo Rabbiga sharcigiisuna waa nala jiraa? Laakiinse qalinkii beenta ahaa ee karraaniyada ayaa been ka dhigay. 9 Nimankii xigmadda lahaa way ceeboobeen, wayna argaggexeen oo waa la kaxaystay, bal eega, Eraygii Rabbiga way diideen, haddaba xigmadda ku jirta waa maxay? 10 Sidaas daraaddeed waxaan naagahooda siin doonaa kuwa kale, oo beerahoodana waxaan siin doonaa kuwo xantiyi doona, waayo, midkood kasta kan ugu yar ilaa kan ugu weynuba wuxuu u go'ay damacxumaan, oo nebiga iyo xataa wadaadka inta ka dhexle midkood kastaaba been buu ku macaamiloodaa. 11 Waayo, iyagu dhaawicii dadkayga ayay si fudud u bogsiiyeen, oo iyadoo aan innaba nabadu jirin ayay yidhaahdaan, Waa nabad! Waa nabad! 12 Markay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtiga ciqaabtooda ayay hoos u dhici doonaan. 13 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan wada baabbi'in doonaa. Geedcanabka midho kuma oolli doonaan, oo geedberdahana midho kuma oolli doonaan, oo caleentuna way wada dhadi doontaa, oo waxyaalihii aan siiyey oo dhammu way ka wada dhammaan doonaan.
Ilaah Jacaylkiisa
31 Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah? 32 Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga? 33 Yaa ashtakayn doona kuwa Ilaah doortay? Waa Ilaah kan wax xaq ka dhigaa. 34 Waa ayo kan wax xukumi doonaa? Waa Ciise Masiix kii dhintay, oo haddana kuwii dhintay ka sara kacay, oo Ilaah midigtiisa jooga, oo haddana inoo duceeya innaga. 35 Yaa jacaylka Masiixa inaga sooci doona? Ma dhibaato, mise cidhiidhi, mise silic, mise baahi, mise arrad, mise khatar, mise seef? 36 Sida qoran,
Adiga daraaddaa ayaa lanoo laayaa maalinta oo dhan,
Waxaa lanoo tiriyey sida ido la qalayo.
37 Maya, waxyaalahan oo dhan dhexdooda aad baynu ugu guulaysannaa kii ina jeclaa xaggiisa. 38 Waayo, waxaan hubaa inaan dhimashada, ama nolosha, ama malaa'igaha, ama kuwa madaxda ah, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, ama kuwa xoogga leh, 39 ama kor, ama hoos, ama uun kaleeto inaga sooci karin jacaylka Ilaah oo ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya