Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
94 Rabbiyow, Ilaaha aargudashada lahow,
Ilaaha aargudashada lahow, soo iftiin.
2 Xaakinka dunidow, sara joogso,
Oo kuwa kibray abaalkooda mari.
3 Rabbiyow, kuwa sharka lahu ilaa goormay,
Kuwa sharka lahu ilaa goormay guulaysanayaan?
4 Way bulxamaan, oo kibir bay ku hadlaan,
Oo xumaanfalayaasha oo dhammu way faanaan.
5 Rabbiyow, iyagu waxay burburiyaan dadkaaga,
Oo dhaxalkaagay silciyaan.
6 Carmalka iyo shisheeyaha ayay laayaan,
Oo agoontay nafta ka qaadaan.
7 Oo waxay isyidhaahdaan, Waxan Rabbigu ma arki doono,
Oo Ilaaha reer Yacquubna kama fikiri doono.
8 Kuwiinna doqonnada ah oo dadka ku dhex jirow, fiirsada,
Oo kuwiinna nacasyada ahow, goormaad caqli yeelanaysaan?
9 Kii dhegta abuuray, sow wax maqli maayo?
Kii isha sameeyeyna, sow wax arki maayo?
10 Kan quruumaha edbiyaa, sow wax hagaajin maayo?
Kaasoo ah kan dadka aqoonta bara?
11 Rabbigu waa og yahay fikirrada binu-aadmigu
Inay micnela'aan yihiin.
12 Rabbiyow, waxaa barakaysan ninkii aad edbiso,
Oo aad sharcigaaga wax ka barto,
13 Si aad uga nasiso maalmaha belaayada
Inta kan sharka lahaa godka loo qodayo.
14 Waayo, Rabbigu dadkiisa xoori maayo,
Oo dhaxalkiisana dayrin maayo.
15 Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada,
Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.
16 Bal yaa ii kacaya oo sharfalayaasha iga hor joogsanaya?
Oo yaa ii soo istaagaya oo xumaanfalayaasha iga celinaya?
17 Rabbigu haddaanu i caawin,
Hadda naftaydu waxay joogi lahayd meesha aamusnaanta.
18 Markaan idhi, Rabbiyow, cagtaydu waa simbiriirixanaysaa,
Waxaa kor ii qaadday naxariistaada.
19 Kolkay fikirro badan igu dhex jiraan
Waxaa naftayda ka farxiya qalbiqaboojintaada.
20 Carshiga sharnimadu ma xidhiidh buu kula yeelanayaa,
Kaasoo belaayo qaynuun ku qabanqaabiya?
21 Waxay dhammaantood isu soo wada urursadaan kan xaqa ah naftiisa,
Oo waxay xukumaan dhiig aan eed lahayn.
22 Laakiinse Rabbigu waxa weeye munaaraddayda,
Ilaahayna waa dhagaxii magangalkayga.
23 Oo wuxuu dushooda ku soo celiyey xumaatadoodii,
Oo wuxuu iyaga ku dhex baabbi'in doonaa sharnimadooda,
Rabbiga Ilaaheenna ahu wuu wada baabbi'in doonaa.
Abaar, Gaajo Iyo Seef
14 Kanu waa Eraygii Rabbiga ee abaarta ku saabsanaa ee Yeremyaah u yimid. 2 Dadka dalka Yahuudah way barooranayaan, irdahoodii way jilceen, oo iyagoo ooyaya ayay dhulka fadhiyaan, oo Yeruusaalem qayladeeduna kor bay u kacaysaa. 3 Oo kuwooda waaweyn ayaa yaryarkooda biyo u soo dira, oo waxay yimaadaan ceelasha, biyona kama ay helaan, oo weelashooda oo madhan ayay dib ula soo noqdaan, oo intay ceeboobaan oo qasmaan ayay madaxa hagoogtaan. 4 Dhulkii wuu dildillaacay, waayo, roob kuma di'in, oo taas darteed raggii beerta qodan jiray ayaa ceebooba, oo madaxay hagoogtaan. 5 Oo xataa deeradii duurkay ku dhashaa, oo ilmaheedana way dayrisaa, maxaa yeelay, meeshaasu caws ma leh innaba. 6 Oo dameerdibadeedyadana waxay istaagaan meelaha dhaadheer, oo waxay u hinraagaan sida dawacooyin oo kale. Indhahoodii way madoobaanayaan, maxaa yeelay, doog bay waayaan.
7 Rabbiyow, in kastoo ay xumaatooyinkayagu nagu marag furayaan, magacaaga aawadiis wax u samee, waayo, dibunoqoshadayadu way badan tahay, oo adigaannu kugu dembaabnay. 8 Rajadii reer binu Israa'iilow, Badbaadiyahoodii wakhtiga ay dhibaataysan yihiinow, bal maxaad dalka dhexdiisa ugu noqonaysaa qariib iyo sidii nin socdaal ah oo u soo leexda inuu habeen ku hoydo? 9 Bal maxaad u noqonaysaa sidii nin amankaagay, iyo sidii nin xoog badan oo aan waxba badbaadin karin? Laakiinse Rabbiyow, adigu waad na dhex joogtaa, oo annana magacaagaa naloogu yeedhaa, haddaba ha naga tegin.
10 Rabbigu wuxuu dadkan ka leeyahay, Waxay jeclaadeen inay warwareegaan, oo cagahoodana ma ay celin, sidaas daraaddeed Rabbigu iyaga ma aqbalo. Haatan wuu soo xusuusan doonaa xumaantoodii, oo dembiyadoodana wuu ciqaabi doonaa.
17 Waxaad iyaga ku tidhaahdaa erayadan, Habeen iyo maalinba indhahayga ilmo ha ka hoorto, oo yaanay marnaba joogsan, waayo, dadkayga oo ah sida gabadh bikrad ah nabar weyn baa ku dhacay iyo dhaawac aad iyo aad u xun. 18 Haddaan duurka tago waxaan arkaa kuwa seef lagu laayay, oo haddaan magaalada galona waxaa arkaa kuwa gaajo la buka, waayo, nebiyadii iyo wadaaddadiiba dalkay ku dhex warwareegaan iyagoo aan aqoon lahayn.
19 Rabbiyow, aslanba dalka Yahuudah ma nacday? Naftaadu Siyoon ma karahday? Bal maxaad wax noogu dhufatay oo aannu u bogsan waynay? Nabad baannu filanaynay, laakiinse wax wanaagsanina ma iman, oo waxaannu filanaynay wakhti caafimaad leh, laakiinse waxaa noo timid cabsi keliya! 20 Rabbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay. 21 Magacaaga aawadiis waan ku baryayaaye, Ha na karaahsan oo arshigii sharaftaadana ha sharafjebin, bal na soo xusuuso, oo ha nagu axdi furin. 22 Sanamyada beenta ah oo quruumaha miyaa lagu arkaa mid roob keeni kara? Amase samooyinku miyey iska soo tiixi karaan? Rabbiyow Ilaahayagow, sow adigu ma tihid kan kara? Sidaas daraaddeed adiga uun baan ku sugaynaa, waayo, adigaa sameeyey waxyaalahaas oo dhan.
Butros Dafiriddiisii Horaa Loo Sii Sheegay(A)
31 Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen, 32 laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee. 33 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sayidow, diyaar baan u ahay inaan kuu raaco xabsiga iyo dhimashadaba.
Butros Waa Dafiray Ciise(A)
54 Markaasay isagii qabteen oo kaxeeyeen, oo wadaadkii sare gurigiisa ayay geliyeen. Laakiin Butros baa meel fog ka daba socday, 55 oo goortay barxadda dhexdeeda dab ka shideen, oo ay wada fadhiisteen, ayaa Butros dhexdooda fadhiistay. 56 Laakiin gabadh baa intay aragtay isagoo dabka iftiinkiisa fadhiya, aad bay u dayday oo tidhi, Kanuna waa la jiray isagii. 57 Isaguse waa dafiray oo ku yidhi, Naag yahay, anigu garanba maayo isagii. 58 Waxoogaa yar dabadeed qof kale ayaa arkay oo yidhi, Adiguna midkood baad tahay. Butros baase yidhi, Nin yahow, anigu ma ihi. 59 Goortii saacad dhaaftay mid kale ayaa adkeeyey isagoo leh, Run weeye, kanuna waa la jiray, waayo, waa reer Galili. 60 Laakiin Butros wuxuu ku yidhi, Nin yahow, anigu garan maayo waxaad leedahay. Kolkiiba intuu weli hadlayay, diiqii baa ciyey. 61 Markaasaa Rabbigu soo jeestay oo Butros eegay; Butrosna wuxuu xusuustay ereygii Rabbiga siduu ku yidhi, Maanta intaanu diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa. 62 Markaasuu dibadda u baxay oo aad u ooyay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya