Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 14

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

14 Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro.
Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah,
Ma jiro mid wanaag sameeya.
Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga,
Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya,
Oo Ilaah doondoona.
Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen,
Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn?
Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan,
Mana ay baryaan Rabbiga.
Halkaasay aad ugu cabsadeen,
Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.
Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka,
Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.
Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado!
Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo,
Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.

Yeremyaah 4:13-21

13 Bal eega, isagu wuxuu u iman doonaa sida daruur oo kale, oo gaadhifardoodyadiisuna waxay ahaan doonaan sida dabayl cirwareen ah oo kale, oo fardihiisuna xataa gorgorrada way ka sii dheereeyaan. Annagaa hoognay! Waayo, waannu baabba'nay. 14 Yeruusaalemay, qalbigaaga xumaanta ka maydh, si aad u badbaaddo aawadeed. Ilaa goormay fikirradaada sharka ahu kugu sii dhex jirayaan? 15 Waayo, xagga Daan cod baa ka yeedhaya, oo buuraha Efrayimna belaayo baa laga naadiyaa. 16 Quruumaha u diga oo Yeruusaalem ogeysiiya in ilaallo ay dal fog ka imanayaan, oo ay magaalooyinkii dalka Yahuudah ku qaylinayaan. 17 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida kuwa beer dhawraya ayay hareeraheeda kaga kacsan yihiin, maxaa yeelay, iyadu way igu caasiyowday. 18 Jidkaaga iyo falimahaaga ayaa waxyaalahan kuu keenay, tanu waa belaayadaada, wayna qadhaadh tahay, oo waxay gaadhaysaa xataa ilaa qalbigaaga. 19 Calooshaydiiyey, calooshaydiiyey! Aniga qalbigaa i xanuunaya, oo wadnahaa i fig leh. Iskamana aamusi karo, maxaa yeelay, naftaydiiyey, waxaad maqashay buunka dhawaaqiisii iyo qayladii dagaalka. 20 Belaayo baa belaayay ku soo kor dhacday, ayaa lagu dhawaaqay, waayo, dalkii oo dhan waa baabba'ay. Teendhooyinkaygii haddiiba way baabbe'een, oo daahyadaydiina daqiiqad qudha ayay dhammaadeen. 21 Ilaa goormaan calanka arkayaa, oo aan buunka dhawaaqiisa sii maqlayaa?

Yeremyaah 4:29-31

29 Magaalada oo dhammu waxay ka qixi doontaa qaylada fardoleyda iyo qaansoleyda, oo jiqday ku carari doonaan, dhagaxyada dushoodana way fuuli doonaan, magaalo kastana waa laga tegi doonaa, oo nin qudhuhuna ma degganaan doono. 30 Oo markii lagu dhoco bal maxaad samayn doontaa? In kastoo aad dhar guduudan xidhatid, iyo in kastoo aad dahab isku sharraxdid, iyo in kastoo aad indhakuul iska badisidba, waxtarla'aan baad isu qurxinaysaa, waayo, kuwii ku caashaqi jiray way ku wada quudhsadaan, oo waxay doonayaan inay nafta kaa qaadaan. 31 Waayo, waxaan maqlay cod sidii naag foolanaysa, iyo qaylo sidii mid ilmaheedii ugu horreeyey dhalaysa, waana codkii magaalada Siyoon, oo taahaysa, oo gacmaheeda kala fidisa, oo waxay tidhaahdaa, anigaa haatan hoogay! Waayo, naftaydii aad bay ugu daallan tahay gacankudhiiglayaasha aawadood.

Yooxanaa 10:11-21

11 Waxaan ahay adhijirka wanaagsan. Adhijirka wanaagsanu wuxuu naftiisa u bixiyaa idaha daraaddood. 12 Kan ciidanka ah oo aan adhijirka ahayn, iduhuna aanay kuwiisa ahayn, kolkuu arko yeeyda oo soo socota, wuu ka tagaa idaha oo ka cararaa. Markaasay yeeydu qabsataa oo kala firdhisaa iyaga. 13 Wuu cararaa, waayo, isagu waa ciidan uun, oo idaha waxba kama gelin. 14 Waxaan ahay adhijirka wanaagsan; waan garanayaa kuwayga, kuwayguna waa i garanayaan, 15 sida Aabbuhu ii garanayo, anna aan Aabbaha u garanayo; oo naftaydana waan u bixiyaa idaha daraaddood. 16 Ido kale ayaan leeyahay oo aan kuwa xeradan ahayn, kuwaasna waa inaan keenaa, waxayna maqli doonaan codkayga, oo waxaa jiri doona adhi keliya iyo adhijir keliya.

17 Sidaas daraaddeed Aabbuhu waa i jecel yahay, waayo, naftaydaan bixiyaa inaan mar kale qaato. 18 Ninna igama qaado, laakiin anaa iska bixiya. Waxaan leeyahay amar aan ku bixiyo, waanan leeyahay amar aan haddana ku soo qaato. Amarkan waxaan ka helay Aabbahay.

19 Yuhuuddu haddana way kala qaybsameen hadalladaas aawadood. 20 Badidood waxay yidhaahdeen, Jinni buu qabaa, wuuna waalan yahay, ee maxaad u maqlaysaan? 21 Qaar kale waxay yidhaahdeen, Hadalladaasu ma aha kuwa nin jinni qaba. Jinni miyuu indhaha u furi karaa nin indha la'?

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya