Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 81:1

Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.

81 Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah,
Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.

Sabuurradii 81:10-16

10 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah,
Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar,
Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa.
11 Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii,
Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin.
12 Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda.
Si ay taladooda ugu socdaan.
13 Bal may dadkaygu i dhegaystaan,
Oo reer binu Israa'iil bal may jidkayga ku socdaan!
14 Oo waxaan haddiiba jebin lahaa cadaawayaashooda,
Oo gacantaydana waan ku jeedin lahaa colkooda.
15 Kuwa Rabbiga necebu waxay hoos geli lahaayeen isaga,
Laakiinse wakhtigoodu weligiis wuu waari lahaa.
16 Oo weliba wuxuu iyaga ku quudin lahaa sarreenka ugu wanaagsan,
Oo waxaan ka dhergin lahaa malabka dhagaxa ka soo baxa.

Yeremyaah 11:1-17

Axdigii Waa La Jebiyey

11 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh, Axdigan erayadiisa dhegayso, oo dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba la hadal. Oo adigu waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Inkaaru ha ku dhacdo ninkii aan dhegaysan erayada axdigan ee aan awowayaashiin ku amray waagii aan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar iyo foornadii birta, oo aan ku idhi, Codkayga addeeca, oo wixii aan idinku amro oo dhan yeela, oo sidaasaad dadkaygii ku noqon doontaan, oo aniguna Ilaahiin baan idiin ahaan doonaa, si aan u oofiyo dhaartii aan awowayaashiin ugu dhaartay inaan siin doono dal caano iyo malab la barwaaqaysan, sida ay maantadan tahay. Markaasaan u jawaabay oo waxaan idhi, Aamiin, Rabbiyow.

Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela. Waayo, si aad ah ayaan awowayaashiin ugu digay tan iyo waagii aan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, anigoo goor wanaagsan u digaya oo ku leh, Codkayga addeeca. Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.

Oo waxaa Rabbigu igu yidhi, Dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba waxaa laga dhex helay shirqool. 10 Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay. 11 Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga ku soo dayn doonaa masiibo ayan kari doonin inay ka baxsadaan, oo in kastoo ay ii soo qayshadaanna, innaba dheg uma dhigi doono. 12 Oo markaasaa magaalooyinka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganuba waxay u tegi oo u qayshan doonaan ilaahyadii ay fooxa u shidi jireen, laakiinse iyagu innaba ma ay badbaadin doonaan wakhtiga ay dhibaataysan yihiin. 13 Dadka Yahuudah ahow, ilaahyadiinnu waxay tiro le'eg yihiin magaalooyinkiinna, oo jidadka Yeruusaalem intay tiro le'eg yihiin oo kale ayaad meelo allabaryo u qotomiseen waxaas ceebta miidhan ah, waana meelo allabaryo oo aad foox ugu shiddaan Bacal. 14 Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo iyaga aawadood kor ha ugu qaadin qaylo iyo salaad toona, waayo, anigu dheg uma dhigi doono wakhtigii ay ii soo qayshadaan dhibkooda aawadiis.

15 Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa. 16 Rabbigu wuxuu magacaaga u bixiyey Geed saytuun oo cagaar ah, oo qurxoon, oo midho wanaagsan. Cod buuq weyn ayuu dab kula daayay, oo laamihiisiina way wada jajabeen. 17 Waayo, Rabbiga ciidammada oo adiga ku beeray ayaa masiibo kaaga hadlay, waana xumaanta dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah aawadeed, taasoo ay qudhoodu isku sameeyeen markay igaga cadhaysiiyeen fooxii ay Bacal u shideen.

1 Butros 3:8-12

Jixinjixa Masiixiyiinta

Ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Kulligiin isku maan ahaada, oo isu jixinjixa, oo sida walaalo isu jeclaada, oo isu naxariista, oo is-hoosaysiiya. Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo,

10 Kii doonaya inuu nolol jeclaado,
Oo arko maalmo wanaagsan,
Carrabkiisa shar ha ka joojiyo,
Bushimihiisana yaanay khiyaano ku hadlin.
11 Oo ha ka leexdo shar, oo wanaag ha sameeyo;
Nabad ha doondoono oo ha raacdaysto;
12 Waayo, Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah,
Dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda;
Laakiin wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya