Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Gabaygii Beerta Canabka
5 Aan gacaliyahayga ugu gabyo gacaliyahayga gabaygiisa oo ku saabsan beertiisa canabka ah. Gacaliyahaygu wuxuu beer canab ah ku lahaa kur barwaaqaysan. 2 Oo wuxuu hareereheeda ka qoday god, oo dagaxyadii ku jirayna wuu ka saaray, markaasuu ku dhex beeray geedcanabka ugu wanaagsan, oo dhexdeedana wuxuu ka dhisay munaarad, oo weliba wuxuu dhexdeeda ka sameeyey god macsareed, oo wuxuu ka sugayay in midho canab ka soo baxaan, laakiinse waxaa ka soo baxay kuwa xunxun. 3 Haddaba, dadka Yeruusaalem deggan iyo dadka Yahuudahow, waxaan idinka baryayaa inaad aniga iyo beertayda canabka ah noo kala gar qaybisaan. 4 Bal maxaa kaloo beertayda loo samayn karay oo aanan u samayn? Maxayse markaan ka sugayay inay midho canab ka soo baxaan kuwa xunxun uga soo baxeen? 5 Haddaba waxaan idiin sheegayaa waxaan beertayda canabka ah ku samayn doono: heeraarkeeda waan ka qaadi doonaa, oo dhammaanteed way baabbi'i doontaa, oo deyrkeedana waan dumin doonaa, oo waa lagu joogjoogsan doonaa, 6 oo iyada waxaan ka dhigi doonaa baabba' oo lama gooyn doono, lamana xagaafi doono, laakiinse waxaa ka soo bixi doona yamaarug iyo qodxan, oo weliba daruurahana waan ku amri doonaa inayan roob ku soo dayn. 7 Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.
Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shoshanniim Ceduud.
80 Na maqal, Adhijirka reer binu Israa'iil jirow,
Kaaga reer Yuusuf sida adhi u hor kacow,
Kaaga Keruubiimta ku dul fadhiyow, soo iftiin.
2 Reer Efrayim iyo reer Benyaamiin iyo reer Manaseh hortooda xooggaaga ku kici,
Oo kaalay oo na badbaadi.
8 Geed canab ah ayaad dalkii Masar ka keentay,
Oo intaad quruumihii ka eriday ayaad meel ku beertay.
9 Meel baad hortiisa ku diyaarisay,
Oo wuxuu yeeshay xididdo dhaadheer, kolkaasuu dhulkii buuxiyey.
10 Oo buurihii waxaa qariyey hooskiisii,
Oo laamihiisiina waxay noqdeen sidii geedaha la yidhaahdo kedar oo Ilaah.
11 Laamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda,
Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga.
12 Bal maxaad deyrkiisii u dumisay
Si ay kuwa jidka maraa oo dhammu u goostaan?
13 Waxaa kharriba doofaarka kaynta,
Oo waxaa iska daaqda ugaadha duurka.
14 Ilaaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo,
Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo,
15 Oo ilaali wixii ay gacantaada midig beertay,
Iyo laantii aad adkaysatay.
16 Dab baa lagu gubay, oo waa la gooyay,
Oo waxay ku halligmeen canaantii jaahaaga.
17 Gacantaadu ha kor saarnaato ninka gacantaada midig jooga,
Iyo binu-aadmigii aad nafsaddaada u xoogaysatay.
18 Markaas dib kaaga noqon mayno,
Na noolee, oo markaasaannu magacaaga ku baryootamaynaa.
19 Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi,
Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
29 Rumaysad bay ku dhex mareen Badda Cas sidii dhul engegan, laakiin markay Masriyiintu saas isku dayeen, way liqday.
30 Derbiyadii Yerixoo rumaysad bay ku dumeen kolkii toddoba maalmood lagu warwareegay dabadeed. 31 Dhilladii Raxab rumaysadkeedii aawadiis lama ay halligmin kuwii caasiyiinta ahaa, maxaa yeelay, basaasyadii bay nabad ku dhowaysay.
32 Oo maxaan kale oo idhaahdaa? Waayo, wakhtigu waa igu gaabnaan doonaa haddaan wax ka sheegi lahaa Gidcoon, iyo Baaraaq, iyo Samsoon, iyo Yeftaah, iyo Daa'uud, iyo Samuu'eel iyo nebiyadii. 33 Rumaysad bay kaga adkaadeen boqortooyooyin, oo xaqnimo ku sameeyeen, oo ballamo ku heleen, oo afafka libaaxyada ku xidheen, 34 oo xooggii dabka ku demiyeen, oo seefta afkeedii kaga baxsadeen, oo itaaldarradii kaga xoogaysteen, oo dagaal ku itaal weynaadeen, oo colalkii shisheeyaha ku eryeen. 35 Dumar baa waxay heleen kuwii ka dhintay iyagoo la sara kiciyey, qaar kalena waa la xanuujiyey ilaa ay ka dhinteen iyagoo aan aqbalin in la samatabbixiyo si ay ku gaadhaan sarakicid ka wanaagsan. 36 Qaar kalena waxay jirrabaad ahaan ula kulmeen majaajilo iyo karbaashid iyo weliba silsilado iyo xabbis. 37 Waana la dhagxiyey, miinshaarna waa lagu kala jeexay, waana la jirrabay, seefna waa lagu gowracay, wayna warwareegeen iyagoo qaba hargo idaad iyo hargo riyood, iyagoo caydh ah oo la dhibay oo la silciyey. 38 Dunidu ma ay istaahilin iyagii. Waxayna warwareegi jireen lamadegaanka iyo buuraha iyo boholaha iyo godadka dhulka. 39 Kuwaas oo dhammu, iyagoo loo markhaati furay rumaysadkoodii daraaddiis, ayaanay helin wixii loo ballanqaaday; 40 waayo, Ilaah wuxuu hore u arkay wax ka wanaagsan oo inagu saabsan, inaan la'aanteen iyaga kaamil laga dhigin.
Ciise Wuxuu Yahay Bilaabaha Iyo Dhammeeyaha Rumaysadkeenna
12 Sidaas daraaddeed, innagoo haysanna markhaatiyaal badan oo sida daruur u weyn oo inagu wareegsan, aynu iska dhigno culays kasta iyo dembiga dhibyaraanta inoogu dhegaya, oo aynu adkaysasho ku orodno tartanka ina hor yaal, 2 innagoo fiirinayna Ciise oo ah Bilaabaha iyo Dhammeeyaha rumaysadkeenna, kii farxaddii hor tiil daraaddeed u adkaystay iskutallaabta, isagoo fududaysanaya ceebta, oo fadhiistay midigta carshiga Ilaah.
Calaamooyinkii Wakhtiyada(A)
49 Waxaan u imid inaan dab dhulka ku tuuro, oo maxaan doonayaa hadduu durba shidan yahay? 50 Anigu waxaan leeyahay baabtiis in laygu baabtiisayo oo sidee lay cidhiidhiyey ilaa uu dhammaado! 51 Miyaad u malaynaysaan inaan u imid inaan nabad dhulka siiyo? Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiinse kalasoocid. 52 Waayo, intii haddeer ka dambaysa waxaa guri ku jiri doona shan kala soocan, saddex laba ka gees ah iyo laba saddex ka gees ah. 53 Waa kala soocmayaan, aabbe wiil ka gees ah iyo wiil aabbe ka gees ah, hooyo gabadh ka gees ah iyo gabadh hooyadeed ka gees ah, soddoh afadii wiilkeeda ka gees ah iyo afadii wiilkii soddohdeed ka gees ah.
54 Weliba wuxuu dadkii badnaa ku yidhi, Goortaad aragtaan daruur gabbaldhac ka soo baxaysa, kolkiiba waxaad tidhaahdaan, Roob baa soo socda, oo sidaasuu noqdaa. 55 Oo goortaad aragtaan dabayl koonfureed oo dhacaysa waxaad tidhaahdaan, Kulaylku waa iman doonaa, waana noqda. 56 Labawejiilayaal yahow, waxaad kala garanaysaan muuqashada dhulka iyo cirka, laakiin wakhtigan sidee baad u kala garan weydaan?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya