Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shoshanniim Ceduud.
80 Na maqal, Adhijirka reer binu Israa'iil jirow,
Kaaga reer Yuusuf sida adhi u hor kacow,
Kaaga Keruubiimta ku dul fadhiyow, soo iftiin.
2 Reer Efrayim iyo reer Benyaamiin iyo reer Manaseh hortooda xooggaaga ku kici,
Oo kaalay oo na badbaadi.
8 Geed canab ah ayaad dalkii Masar ka keentay,
Oo intaad quruumihii ka eriday ayaad meel ku beertay.
9 Meel baad hortiisa ku diyaarisay,
Oo wuxuu yeeshay xididdo dhaadheer, kolkaasuu dhulkii buuxiyey.
10 Oo buurihii waxaa qariyey hooskiisii,
Oo laamihiisiina waxay noqdeen sidii geedaha la yidhaahdo kedar oo Ilaah.
11 Laamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda,
Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga.
12 Bal maxaad deyrkiisii u dumisay
Si ay kuwa jidka maraa oo dhammu u goostaan?
13 Waxaa kharriba doofaarka kaynta,
Oo waxaa iska daaqda ugaadha duurka.
14 Ilaaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo,
Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo,
15 Oo ilaali wixii ay gacantaada midig beertay,
Iyo laantii aad adkaysatay.
16 Dab baa lagu gubay, oo waa la gooyay,
Oo waxay ku halligmeen canaantii jaahaaga.
17 Gacantaadu ha kor saarnaato ninka gacantaada midig jooga,
Iyo binu-aadmigii aad nafsaddaada u xoogaysatay.
18 Markaas dib kaaga noqon mayno,
Na noolee, oo markaasaannu magacaaga ku baryootamaynaa.
19 Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi,
Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
18 Oo maalintaas Sayidku wuxuu iyaga ka qaadi doonaa quruxda dugaagadaha cagahooda, iyo shabagyada timaha, iyo bilaha, 19 iyo waxa dhegaha la sudho, iyo sindiyada, iyo indhashareeryada, 20 iyo waxa madaxa lagu sharraxo, iyo silsiladaha lugaha, iyo waxa madaxa lagu xidho, iyo weelasha cadarka, iyo qardhaasaha, 21 iyo kaatummada, iyo sangelisyada, 22 iyo dharka lagu iido, iyo shaadirrada, iyo go'yaasha, iyo boorsooyinka, 23 iyo muraayadaha, iyo dharka wanaagsan, iyo garbasaarrada, iyo gambooyinka. 24 Oo waxay noqon doontaa in meeshii ay ka carfi jireen ay ka qudhmuunaan doonaan, oo meeshii ay dhex-xidh ka xidhan jireenna xadhig bay dhexda ku xidhan doonaan, oo meeshii ay timo wanaagsan ka lahaayeenna waa looga xiiri doonaa, oo meeshii ay maro wanaagsan ka guntan jireenna, joonyad bay ka guntan doonaan, oo meeshii ay quruxda ka lahaayeenna waa laga sunti doonaa. 25 Raggaagu wuxuu ku le'an doonaa seefta, oo kuwaaga xoogga badanuna waxay ku le'an doonaan dagaalka. 26 Oo Siyoon irdaheeduna way ooyi doonaan oo ay barooran doonaan, oo iyadoo cidla ah ayay dhulka fadhiisan doontaa.
4 Oo maalintaas toddoba naagood ayaa isku nin qabsan doona, oo waxay ku odhan doonaan, Annagaa ismasruufayna oo annagaa is-arrad tirayna, ee magacaaga keliya ha lanoogu yeedho, oo ceebtayada naga fogee.
Biqilka Rabbiga
2 Oo maalintaas ayaa biqilka Rabbigu noqon doonaa wax qurux iyo ammaan badan, oo midhaha dhulkuna waxay kuwa reer binu Israa'iil oo baxsaday u noqon doonaan wax lagu faano oo quruxsan. 3 Oo waxay noqon doontaa in kii Siyoon ku hadhay iyo kii Yeruusaalem sii joogay loogu yeedho quduus, xataa mid kasta oo ku qoran kuwa Yeruusaalem ku nool dhexdooda 4 markii Sayidku maydho wasakhda dadka Siyoon, oo uu Yeruusaalem dhiiggeeda dhexdeeda kaga nadiifiyo ruuxa caddaaladda, iyo ruuxa wax guba. 5 Oo meel kasta oo la deggan yahay oo Buur Siyoon ku taal, iyo shirarkeeda oo dhanba Rabbigu wuxuu ku kor abuuri doonaa maalintii daruur iyo qiiq, habeenkiina dab ololaya iftiinkiis, oo ammaanta oo dhanna waxaa ka sarrayn doona dabool. 6 Oo maalinnimada waxaa jiri doona meel kulaylka laga hadhsado, iyo meel la galo, iyo meel laga dugsado duufaanka iyo roobka.
15 Haddaba goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah ee lagaga hadlay nebi Daanyeel, oo taagan meesha quduuska ah (kii akhriyaa ha garto), 16 markaas kuwa Yahuudiya joogaa, buuraha ha u carareen. 17 Kii guri fuushanuna yaanu u soo degin inuu wixii gurigiisa ku jira soo qaato. 18 Kii beerta joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato. 19 Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya. 20 Barya inaan cararkiinnu noqon wakhtiga qabowga ama sabtida. 21 Waayo, markaas waxaa jiri doona dhib weyn sida mid aan jirin tan iyo dunida bilowgeedii ilaa hadda, mana jiri doonto weligeed. 22 Oo haddaan wakhtigaas la gaabin ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwa la doortay aawadood ayaa wakhtigaas loo gaabin doonaa. 23 Maarkaas haddii laydinku yidhaahdo, Waa kan Masiixa ama waa kaas, ha rumaysanina. 24 Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo. 25 Bal eega, horaan idiinku sheegaye. 26 Haddaba hadday idinku yidhaahdaan, Bal eega, wuxuu joogaa cidlada, ha u bixina. Bal eega, wuxuu joogaa qolalka qarsoon, ha rumaysanina. 27 Waayo, sida hillaacu bari uga yimaado oo u ifiyo galbeed, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya