Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
11 Anigu Rabbigaan isku halleeyaa,
Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan,
Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?
2 Waayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada,
Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga,
Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan.
3 Haddii aasaaska la dumiyo,
Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?
4 Rabbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah,
Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada,
Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga.
5 Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah,
Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay.
6 Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno,
Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.
7 Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay,
Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.
14 Codkooday kor u qaadi doonaan, wayna dhawaaqi doonaan, oo haybadda Rabbiga ayay badda aad ugaga qaylin doonaan. 15 Haddaba sidaas daraaddeed xagga bari Rabbiga ka ammaana, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisana waxaad ka ammaantaan gasiiradaha badda.
16 Darafka dhulka ugu shisheeya ayaan ka maqalnay gabayo lahaa, Ammaanu ha u ahaato kan xaqa ah. Laakiinse anigu waxaan idhi, Caatoobay oo caatoobay, anaa iska hoogay! Khaa'innadii khiyaanay sameeyeen, hubaal khaa'innadii aad iyo aad bay khiyaano xun u sameeyeen. 17 Kan dhulka degganow, waxaa ku hor yaal cabsi iyo yamays iyo dabin. 18 Oo kii qaylada cabsida ka cararaa yamayskuu ku dhici doonaa, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, waxaa la furay daaqadihii xagga sare, oo aasaaskii dhulkuna wuu gariirayaa. 19 Dhulkii dhammaantiis wuu dumay, oo dhulkii kulligiis wuu burburay, oo dhulkii aad iyo aad buu u dhaqdhaqaaqay. 20 Dhulku wuxuu u dhicdhici doonaa sida nin sakhraansan, oo waxaa loo dhaqdhaqaajin doonaa sida buul oo kale. Xadgudubkiisuna wuu ku cuslaan doonaa, oo wuu dhici doonaa, oo mar dambena sooma kici doono.
21 Oo waxay maalintaas noqon doontaa in Rabbigu ciidanka kuwa sare kor ku ciqaabi doono, oo boqorrada dunidana dhulkuu ku ciqaabi doonaa. 22 Oo iyaga waxaa laysugu soo ururin doonaa sida maxaabiista godxabsiga loogu urursho, oo waa la xabbisi doonaa oo maalmo badan dabadeed ayaa la ciqaabi doonaa. 23 Oo markaasaa dayaxu isku qasmi doonaa, oo qorraxduna way ceeboobi doontaa, waayo, Rabbiga ciidammadu boqor buu ku ahaan doonaa Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, isagoo odayaashiisa hortooda sharaftiisa ka muujinaya.
41 Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, ma annaga ayaad masaalkan nagula hadlaysaa ama dadka oo dhan? 42 Sayidkuna wuxuu yidhi, Haddaba yuu yahay wakiilka aaminka ah oo caqliga leh, kan uu sayidkiisu u sarraysiin doona dadka gurigiisa, inuu qaybtooda oo cuntada ah siiyo wakhtigeeda? 43 Waxaa barakaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya. 44 Runtii waxaan idinku leeyahay. Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarraysiin doonaa isaga. 45 Laakiin haddii addoonkaas qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkayga imaatinkiisii waa raagay, oo uu bilaabo inuu garaaco midiidinyada ragga iyo dumarka ahaa, iyo inuu wax cuno oo wax cabbo oo sakhraamo, 46 addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn oo saacad aanu ogayn, oo waa kala jeexi doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela kuwa aan aaminka ahayn. 47 Addoonkaas ogaa doonista sayidkiisa, oo aan diyaargarayn, oo aan yeelin sidii doonistiisu ahayd, wax badan waa la garaaci doonaa. 48 Laakiin kii aan ogayn oo yeelayse wixii garaacid istaahila, wax yar baa la garaaci doonaa. Mid kasta oo wax badan la siiyey, wax badan ayaa laga dooni doonaa, oo kan wax badan loo sii dhiibtay, wax ka badan ayaa la weyddiisan doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya