Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Dambiil Midho Bisil
8 Oo haddana Sayidka Rabbiga ahu wax buu i tusay, oo waxaan arkay dambiil midho bisilu ka buuxaan. 2 Oo wuxuu igu yidhi, Caamoosow, maxaad aragtaa? Oo anna waxaan idhi, Waxaan arkaa dambiil midho bisilu ka buuxaan. Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dadkayga Israa'iil dhammaadkoodii baa yimid, oo anigu mar dambe iyaga iska dhaafi maayo. 3 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintaas gabayada macbudku waxay ahaan doonaan baroor, oo waxaa jiri doona meydad badan, oo meel kasta aamusnaan baa loogu tuuri doonaa. 4 Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow, 5 oo leh, Goormuu dayaxa cusubu dhammaan doonaa aan hadhuudhka iibinnee? Sabtiduse goormay na dhaafaysaa aannu sarreenka soo saarnee, idinkoo miisaanka eefaah yaraynaya, oo miisaanka sheqelkana weynaynaya, kafadahana khiyaano ku beenaynaya, 6 si aannu masaakiinta lacag ugu iibsanno oo aannu saboolka baahanna laba kabood u siisanno, oo aannu sarreenka xaabkiisa u iibinno? 7 Rabbigu waa ku dhaartay islaweynaanta reerka Yacquub, oo wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah anigu shuqulladooda midnaba ka illoobi maayo. 8 Tan daraaddeed miyaan dhulku la gariiri doonin, oo mid kasta oo degganuna miyuusan barooran doonin? Haah, oo dhammaantiis wuxuu u kici doonaa sida Webiga, oo wuu rogrogman doonaa, dabadeedna wuxuu u degi doonaa sida Webiga Masar. 9 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintaas waxaan ka dhigi doonaa in qorraxdu hadhkii dhacdo, oo dhulkana maalin cad baan gudcur ka dhigi doonaa. 10 Iidihiinnana waan u beddeli doonaa tacsi, oo gabayadiinna oo dhanna baroorasho baan u beddeli doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa in qof kasta joonyad xidho oo madax kastana la xiiro, oo waxaan ka dhigi doonaa sidii baroorasho wiil madi ah loogu baroorto, oo dhammaadkeedana sidii maalin qadhaadh. 11 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan dalka abaar u soo diri doono, mana ahaan doonto abaar cunto la waayo ama biyo loo oomo, laakiinse waxay ahaan doontaa abaar la waayayo erayada Rabbiga. 12 Oo waxay wareegi doonaan bad ilaa ka bad, iyo woqooyi ilaa tan iyo bari, oo waxay u ordi doonaan hore iyo dib iyagoo doondoonaya erayga Rabbiga, oo mana ay heli doonaan innaba.
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii Do'eeg oo reer Edom ahaa uu Saa'uul u yimid oo u sheegay oo ku yidhi, Daa'uud waa yimid Axiimeleg gurigiisa.
52 Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa?
Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa.
2 Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn,
Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano.
3 Wanaagga waxaad ka jeceshahay xumaanta,
Oo inaad xaqnimo ku hadashidna waxaad ka jeceshahay beensheegidda. (Selaah)
4 Waxaad jeceshahay erayada wax baabbi'iya oo dhan,
Iyo carrab khiyaano miidhan ah.
5 Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba,
Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada,
Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah)
6 Kuwa xaqa ahuna way arki doonaan, oo way cabsan doonaan,
Wayna ku qosli doonaan, oo waxay odhan doonaan,
7 Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu,
Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan,
Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.
8 Laakiinse anigu waxaan la mid ahay sida geed qoyan oo saytuun ah, oo guriga Ilaah ku dhex yaal,
Anigu weligay iyo weligayba waxaan isku hallaynayaa naxariista Ilaah.
9 Weligayba waan kugu mahadnaqayaa, maxaa yeelay, adigu waad samaysay,
Oo magacaaga ayaan wax ku rajaynayaa, waayo, wuu ku wanaagsan yahay quduusiintaada hortooda.
15 Isagu waa suuraddii Ilaaha aan la arki karin, oo ah curadka uunka oo dhan; 16 waayo, wax kastaba isagaa uumay, waxyaalaha samooyinka ku jira, iyo waxyaalaha dhulka joogaba, waxyaalaha la arki karo iyo waxyaalaha aan la arki karinba, hadday yihiin carshiyo ama sayidnimo ama madax ama amarro; wax walba isagaa uumay oo loo uumay. 17 Isagu wax kastaba wuu ka horreeyaa, oo wax kastaaba isagay isku haystaan. 18 Oo isagu waa madaxa jidhka, kaas oo ah kiniisadda, oo isagu waa bilowgii iyo curadka kuwii dhintay ka kacay, si uu uga horreeyo wax kastaba. 19 Waayo, waxaa Aabbaha ka farxisay in buuxnaanta oo dhammu ay isaga ku jirto, 20 iyo inuu isaga wax kastaba xaggiisa kula heshiiyo, isagoo kula nabday dhiiga iskutallaabtiisa; hadday yihiin waxyaalaha dhulka jooga ama hadday yihiin waxyaalaha samooyinka ku jiraba. 21 Idinku waa hore waxaad ahaydeen kuwo ajanabi laga dhigay, oo maankiinnana cadow baad ka ahaydeen xagga shuqulladiinna sharka ah, 22 laakiinse haatan isagu wuxuu idinkula heshiiyey jidhkiisii aadmiga oo dhintay, inuu isagu hortiisa idin keeno idinkoo quduus ah oo aan iin iyo eed midna lahayn, 23 haddii aad ku sii jirtaan iimaanka, oo aad gun iyo xidid adag ku leedihiin, oo aydnaan ka fogaan rajadii injiilkii aad maqasheen, kaas oo lagu wacdiyey uunka samada ka hooseeya oo dhan, oo anigoo Bawlos ah layga dhigay midiidin.
Qaybtii Uu Bawlos Ka Qaatay Shuqulka Ciise Masiix
24 Haatan waxaan ku farxaa xanuunsigayga aan idiin xanuunsado, oo waxaan dhammaystiraa dhibaatooyinka Masiixa oo jidhkayga ku dhiman jidhkiisa aawadiis kaasoo ah kiniisadda. 25 Taas waxaa la iiga dhigay midiidin xagga wakiilnimada Ilaah oo aniga aawadiin la ii siiyey inaan dhammaan erayga Ilaah ku wada wacdiyo. 26 Wuxuu ahaa wax aan la garanayn oo qarsoonaa tan iyo weligiis iyo qarni kasta, laakiinse haatan waxaa loo muujiyey quduusiintiisa. 27 Kuwaas Ilaah baa ku farxay inuu iyaga ogeysiiyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta qarsoodigan ee ku dhex jira quruumaha, kaas oo ah Masiixa idinku jira oo ah rajada ammaanta. 28 Isaga waannu naadinnaa, annagoo nin kasta waaninayna oo nin kasta wax ku barayna xigmad oo dhan, inaannu nin walba hor keenno isagoo Masiixa kaamil ku ah.
Maarta Iyo Maryan
38 Intay socdeen wuxuu galay tuulo. Markaasaa qof dumar ah oo Maarta la odhan jiray ayaa gurigeeda gelisay. 39 Waxayna lahayd walaal Maryan la odhan jiray, oo iyaduna waxay ag fadhiisatay cagihii Sayidka oo ereygiisa maqashay. 40 Laakiin Maarta waxaa jiidanaysay hawl badan, oo intay u timid ayay ku tidhi, Sayidow, miyaanay waxba kula ahayn in walaashay i daysay inaan keligay adeego? Haddaba la hadal inay ila qabato. 41 Laakiin Sayidku waa u jawaabay oo ku yidhi, Maarta, Maartay, wax badan ayaad ka welwelaysaa oo isku dhibaysaa. 42 Laakiin mid baa loo baahan yahay, Maryanna waxay dooratay intii roonayd oo aan laga qaadi doonin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya