Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. Oo wuxuu u tiriyey sidii Yeduutuun.
77 Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa,
Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.
2 Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka,
Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan,
Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.
11 Waxaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa,
Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.
12 Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan,
Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.
13 Ilaahow, jidkaagu wuxuu ku dhex yaal meesha quduuska ah,
Ilaahee baa sida Ilaah u weyn?
14 Waxaad tahay Ilaah cajaa'ibyo sameeya,
Xooggaagii waxaad ogeysiisay dadyowga.
15 Gacantaadaad dadkaagii ku soo furatay,
Kuwaasoo ah ilma Yacquub iyo Yuusuf. (Selaah)
16 Ilaahow, biyuhu way ku arkeen,
Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen,
Oo moolalkuna way gariireen.
17 Daruuruhuna biyay soo daayeen,
Cirkuna wuxuu diray dhawaaq,
Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.
18 Codkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta,
Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida,
Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.
19 Jidkaaguna badduu dhex maray,
Waddooyinkaaguna waxay dhex mareen biyo badan,
Oo raadadkaagana lama aqoon.
20 Dadkaaga waxaad u hor kacday sidii adhi oo kale,
Oo waxaad iyaga ku hoggaamisay gacanta Muuse iyo tan Haaruun.
13 Oo haddana boqorkii wuxuu isagii u diray sirkaal saddexaad oo konton nin xukuma ee kontonkiisii nin wata. Oo sirkaalkii saddexaad oo kontonka nin xukumayna kor buu ugu baxay, oo intuu u yimid ayuu Eliiyaah hortiisa jilbo u dhacay oo baryay, oo wuxuu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waan ku baryayaaye naftayda iyo kontonkan nin oo addoommadaada ah naftooda hortaada qaali ha ku noqdeen. 14 Waayo, bal eeg, dab baa samada ka soo degay oo wada baabbi'iyey labadii sirkaal oo iga soo horreeyey iyo kontomadoodiiba, laakiinse haatan naftaydu hortaada qaali ha ku noqoto. 15 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay Eliiyaah ku tidhi, Tag oo isaga raac; hana ka cabsan. Kolkaasuu kacay oo intuu isagii la dhaadhacay ayuu boqorkii u tegey. 16 Oo wuxuu isagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Waxaad wargeeyayaal u soo dirtay inaad Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon wax soo weyddiiso ee sababtu ma waxay tahay inaan dalka Israa'iil jirin Ilaah aad hadalkiisa wax weyddiiso? Haddaba sidaas daraaddeed sariirtii aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa. 17 Markaasuu u dhintay sidii Eraygii Rabbiga oo Eliiyaah ku hadlay ahaa. Oo Yehooraam ayaa boqor ka noqday meeshiisii, oo taasuna waxay dhacday Yehooraam ina Yehooshaafaad oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah sannaddiisii labaad, maxaa yeelay, isagu wiil ma uu lahayn. 18 Haddaba Axasyaah falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
3 Oo qoonkii nebiyada ahaa oo Beytel joogay ayaa Eliishaa u soo baxay, oo waxay ku yidhaahdeen, War ma og tahay in Rabbigu maanta sayidkaaga kaa qaadi doono? Oo isna wuxuu ku yidhi, Haah, waan ogahaye iska aamusa. 4 Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Eliishaa, waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu haddana wuxuu ii diray Yerixoo. Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay yimaadeen Yerixoo. 5 Oo haddana qoonkii nebiyada ahaa oo Yerixoo joogay ayaa Eliishaa u soo dhowaaday, oo waxay ku yidhaahdeen, War ma og tahay in Rabbigu maanta sayidkaaga kaa qaadi doono? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ogahaye iska aamusa.
Ciise Wuxuu Sii Sheegay Dhimashadiisa Iyo Sarakiciddiisa(A)
21 Laakiin wuu waaniyey oo wuxuu ku amray inaanay ninna waxaas u sheegin, 22 isagoo leh, Waxay waajib ugu tahay Wiilka Aadanahu inuu wax badan ku xanuunsado, oo ay waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimmadu diidaan, oo la dilo, oo maalinta saddexaad la sara kiciyo.
Waa In Nafta La Diido(B)
23 Markaasuu wuxuu kulligood ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana maalin walba ha soo qaato oo ha i soo raaco. 24 Waayo, kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday, kaasaa badbaadin doona. 25 Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu islumiyo oo khasaaro? 26 Maxaa yeelay, ku alla kii ka xishooda aniga iyo ereygaygaba, Wiilka Aadanaha ayaa ka xishoon doona isaga, goortuu ku yimaado ammaantiisa iyo ammaanta Aabbihiis iyo tan malaa'igaha quduuska ah. 27 Laakiin run baan idiin sheegayaa, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya