Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. Oo wuxuu u tiriyey sidii Yeduutuun.
77 Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa,
Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.
2 Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka,
Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan,
Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.
11 Waxaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa,
Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.
12 Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan,
Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.
13 Ilaahow, jidkaagu wuxuu ku dhex yaal meesha quduuska ah,
Ilaahee baa sida Ilaah u weyn?
14 Waxaad tahay Ilaah cajaa'ibyo sameeya,
Xooggaagii waxaad ogeysiisay dadyowga.
15 Gacantaadaad dadkaagii ku soo furatay,
Kuwaasoo ah ilma Yacquub iyo Yuusuf. (Selaah)
16 Ilaahow, biyuhu way ku arkeen,
Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen,
Oo moolalkuna way gariireen.
17 Daruuruhuna biyay soo daayeen,
Cirkuna wuxuu diray dhawaaq,
Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.
18 Codkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta,
Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida,
Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.
19 Jidkaaguna badduu dhex maray,
Waddooyinkaaguna waxay dhex mareen biyo badan,
Oo raadadkaagana lama aqoon.
20 Dadkaaga waxaad u hor kacday sidii adhi oo kale,
Oo waxaad iyaga ku hoggaamisay gacanta Muuse iyo tan Haaruun.
KITAABKII LABAAD EE
BOQORRADII
Axasyaah Oo Xukunkii Ilaah Ku Dhacay
1 Oo markii Axaab dhintay dabadeed ayaa reer Moo'aab ku caasiyoobeen dalka Israa'iil. 2 Oo Axasyaahna wuxuu ka dhacay daaqaddii qolkiisii sare oo Samaariya ku yiil, wuuna bukooday, markaasuu wargeeyayaal diray, oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon waxaad ii soo weyddiisaan bal inaan buktadan ka bogsanayo iyo in kale. 3 Laakiinse malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi Eliiyaah kii reer Tishbii, Kac oo ka hor tag wargeeyayaasha boqorka Samaariya, oo waxaad ku tidhaahdaa, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad Bacal Sebuub wax u soo weyddiinaysaan? 4 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa. Dabadeedna Eliiyaah waa iska tegey. 5 Kolkaasaa wargeeyayaashii isagii ku soo noqdeen, oo isna wuxuu ku yidhi, War maxaad u soo noqoteen? 6 Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, War nin baa naga hor yimid, oo wuxuu nagu yidhi, Taga, oo boqorkii idin soo diray ku noqda, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad u cid diranaysaa in wax la soo weyddiiyo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon? Haddaba sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa. 7 Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Ninkii idinka hor yimid oo waxakan idiin sheegay nin caynkee ah buu ahaa? 8 Oo iyana waxay isagii ugu jawaabeen, Wuxuu ahaa nin xaad badan, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa. Markaasuu yidhi, Kaasu waa Eliiyaah kii reer Tishbii. 9 Markaasaa boqorkii wuxuu u diray sirkaal konton xukuma oo wata kontonkiisii ninba. Isna kor buu ugu baxay, oo bal eeg, buur korkeed buu fadhiyey, oo intuu la hadlay buu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, boqorkii wuxuu kugu soo yidhi, Soo deg oo kaalay. 10 Oo Eliiyaahna wuxuu ugu jawaabay sirkaalkii kontonka nin xukumay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dab, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba. 11 Oo haddana wuxuu isagii u diray sirkaal kale oo konton nin xukuma ee isna wata kontonkiisii. Oo isna intuu u jawaabay buu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waxaa boqorkii kugu soo yidhi, Soo deg oo haddiiba kaalay. 12 Markaasaa Eliiyaah ugu jawaabay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dabkii Ilaah, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba.
Dibunoqoshada Waa Laga Digay
8 Laakiinse markii aydnaan Ilaah garanayn, waxaad addoommo u ahaydeen kuwo aan ilaahyo ahayn xagga dabiicadda. 9 Laakiin haatan idinkoo Ilaah gartay ama Ilaah idin gartay, sidee baad mar kale ugu noqotaan waxyaalaha aasaaska oo miskiinnimada ah, tabartana daran, kuwa aad jeceshihiin inaad mar kale addoommo u noqotaan?
10 Waxaad dhawrtaan maalmo, iyo bilo, iyo xilliyo, iyo sannado. 11 Waxaan ka baqayaa inaan waxtarla'aan idinkugu hawshooday.
12 Waxaan idinka baryayaa, walaalayaalow, inaad noqotaan sida aan ahay, waayo, anba waxaan ahay sida aad tihiin. Waxba iguma aydnaan xumayn. 13 Laakiin waad og tihiin in itaaldarrada jidhka aawadeed aan markii ugu horraysay injiilka idinku wacdiyey. 14 Waxa ku saabsan jidhkayga oo idin jirrabay ma aydnaan quudhsan, mana aydnaan nicin, laakiin waxaad ii aqbasheen sidii malaa'ig Ilaah, xataa sidii Ciise Masiix. 15 Haddaba meeday farxaddiinnii? Waayo, waxaan idiinku markhaati furayaa inaad ii bixin lahaydeen indhihiinna oo aad i siin lahaydeen, hadday suurtowbi lahayd. 16 Haddaba cadowgiinnii miyaan noqday runta aan idiin sheego aawadeed? 17 Aad bay idinku doondoonayaan si aan wanaagsanayn, laakiin waxay doonaan inay idinka kaayo xidhaan, si aad idinku iyaga u doondoontaan. 18 Waa wanaagsan tahay in aad loo doondoono wixii wanaagsan had iyo goorba, oo ayan ahayn markaan idinla joogo oo keliya. 19 Carruurtaydiiyey, mar kalaan idin foolanayaa ilaa Masiix idinku dhex abuurmo. 20 Waxaan jeclaan lahaa inaan haatan idinla joogo oo aan codkayga beddelo, waayo, waan idinka shakiyayaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya