Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 59

Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed. Wuxuu tiriyey markii Saa'uul cid u diray, oo ay gurigii ilaaliyeen inay isaga dilaan.

59 Ilaahayow, cadaawayaashayda iga samatabbixi,
Oo kuwa igu kacayna meel sare iga saar.
Iga samatabbixi xumaanfalayaasha,
Oo dadka dhiigyocabyada ahna iga badbaadi.
Waayo, bal eeg, waxay gaadaan naftayda,
Oo kuwa xoogga badanuna way isu kay wada urursadaan,
Rabbiyow, weliba ma aha xadgudubkayga aawadiis iyo dembigayga aawadiis toona.
Waxay u ordaan oo isu diyaariyaan wax aanan eed ku lahayn,
Dartay u kac inaad i caawiso oo aad i eegto.
Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow,
Sara joogso oo quruumaha oo dhan soo booqo,
Oo innaba ha u naxariisan xadgudbayaasha. (Selaah)
Fiidkay soo noqdaan, oo waxay u ciyaan sida eey oo kale,
Oo waxay ku warwareegaan magaalada hareeraheeda.
Afkooda waxaa ka qubmaysa cay,
Bushimahoodana waxaa ku jira seefo,
Waayo, waxay isyidhaahdaan, Bal yaa na maqla?
Laakiinse Rabbiyow, iyagaad ku qosli doontaa,
Quruumaha oo dhan waad quudhsan doontaa.
Xooggaygiiyow, adigaan ku sugi doonaa,
Waayo, Ilaah waa qalcaddayda.
10 Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona,
Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.
11 Sayidow, gaashaankayagiiyow,
Iyaga ha layn, waaba intaasoo ay dadkaygu illoobaane,
Laakiinse iyaga xooggaaga ku kala firdhi, oo hoos u soo deji.
12 Kibirkoodu iyaga ha dabo
Dembiga afkooda iyo erayada bushimahooda aawadood,
Iyo weliba habaarka iyo beenta ay ku hadlaan aawadood.
13 Iyaga cadho ku baabbi'i, si aanay mar dambe u jirin iyaga baabbi'i,
Oo ha ogaadeen in Ilaah u taliyo reer Yacquub
Tan iyo dhulka darafkiisa. (Selaah)
14 Oo iyagu fiidka ha soo noqdeen, oo sida eey oo kale ha u ciyeen,
Oo magaalada hareeraheeda ha ku warwareegeen.
15 Waxay u warwareegayaan inay cunto helaan,
Oo haddaanay dherginna habeenkii oo dhan way sii joogayaan.
16 Laakiinse anigu waxaan ka gabyi doonaa xooggaaga,
Haah, oo aroortii ayaan naxariistaada aad uga gabyi doonaa,
Waayo, waxaad ahayd qalcaddaydii,
Oo maalintii aan dhibaataysnaana magangal baad ii ahayd.
17 Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.

Boqorradii Labaad 9:1-13

Yeehuu Oo Loo Subkay Boqornimada Israa'iil

Markaasaa Eliishaa u yeedhay mid qoonkii nebiyada ka mid ahaa, oo wuxuu ku yidhi, War guntiga isku giiji, oo weelkan saliidda ahna gacanta ku sii qaado, oo waxaad tagtaa Raamod Gilecaad. Oo markaad halkaas tagto waxaad doondoontaa Yeehuu ina Yehooshaafaad oo ahaa ina Nimshii, oo u tag oo walaalihiis ka dhex kici, oo intaad kaxaysid qol hoose la gal. Oo markaas waxaad qaadataa weelka saliidda ah oo madaxiisa ku shub, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya dalka Israa'iil. Oo markaas intaad albaabka furtid carar oo innaba ha raagin. Sidaas daraaddeed ninkii dhallinyarada ahaa oo nebiga ahaa wuxuu tegey Raamod Gilecaad. Oo markuu yimid ayuu arkay saraakiishii ciidanka oo fadhida; oo wuxuu ku yidhi, Sirkaalow, farriin baan kuu wadaa. Markaasaa Yeehuu yidhi, Kayagee baad u waddaa? Isna wuxuu yidhi, Adigaan kuu wadaa, sirkaalow. Oo markaasuu intuu kacay ayuu gurigii galay, dabadeedna saliiddii buu madaxiisa ku shubay, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu kugu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya dadka Ilaah oo ah dadka Israa'iil. Oo adna waa inaad laysaa reerka Axaab ee sayidkaaga, inaan ka aargudo dhiiggii addoommadaydii nebiyada ahaa, iyo addoommadii Rabbiga oo dhan ee ay Yesebeel daadisay. Waayo, Axaab reerkiisa oo dhammu waa halligmayaa; oo Axaab waan ka baabbi'in doonaa wiil kasta ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan. Oo reerka Axaab waxaan ka dhigayaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad iyo sidii reerkii Bacshaa ina Axiiyaah oo kale. 10 Oo Yesebeel ayaa eeydu ku cuni doonaan dhulka Yesreceel, oo ninna iyada ma xabaali doono, oo markaasuu albaabkii furay oo cararay. 11 Markaasaa Yeehuu u soo baxay addoommadii sayidkiisii; oo midkood baa wuxuu isagii ku yidhi, War wax waluba ma hagaagsan yihiin? Ninkan waalanu muxuu kuugu yimid? Oo isna wuxuu ku yidhi, Idinku waad garanaysaan ninka iyo hadalkiisu wuxuu ahaaba. 12 Oo iyana waxay yidhaahdeen, Taasu waa been; ee bal hadda noo sheeg. Markaasuu yidhi, Saas iyo saas buu igula hadlay, oo igu yidhi, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya dalka Israa'iil. 13 Markaasay dhaqsadeen oo nin waliba wuxuu qaatay dharkiisii, oo hoostiisay dhigeen jaranjarada dusheeda, buun bayna ku dhufteen, oo waxay yidhaahdeen, Yeehuu waa boqor.

1 Korintos 1:18-31

Xoogga Iskutallaabta

18 Waayo, hadalka ku saabsan iskutallaabtu waa u nacasnimo kuwa lumaya, laakiin waa u xoogga Ilaah kuweenna badbaadaya. 19 Maxaa yeelay, waxaa qoran,

Xigmadda kuwa xigmadda leh waan baabbi'in doonaa,
Oo garashada kuwa garashada leh ayaan diidi doonaa.

20 Meeh kan xigmadda lihi? Meeh kan culimmada ka mid ahi? Meeh kan wakhtigan muranka badani? Ilaah miyaanu nacasnimo ka dhigin xigmadda dunida? 21 Dunidu Ilaah kuma ay garanaynin xigmaddeeda, laakiin Ilaah xigmaddiisa aawadeed ayuu ku farxay inuu kuwa rumaysta ku badbaadiyo nacasnimadii wacdiga. 22 In kastoo ay Yuhuuddu calaamooyin doonaan oo Gariigtuna ay xigmad doonaan, 23 annaguse waxaannu dadka ku wacdinnaa Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay, oo u ah xagga Yuhuudda wax lagu turunturoodo, xagga Gariigtana u ah nacasnimo. 24 Xagga kuwa loo yeedhayse, ha ahaadeen Yuhuudda ama Gariigta, Masiix baa u ah xoogga Ilaah iyo xigmadda Ilaah. 25 Waayo, nacasnimada Ilaah waa ka xigmad badan tahay xigmadda dadka, oo itaaldarrada Ilaahna waa ka itaal badan tahay itaalka dadka.

26 U fiirsada waxa laydiinku yeedhay, walaalayaalow, sidaan loogu yeedhin qaar badan oo xigmad leh xagga jidhka, ama qaar badan oo xoog leh, ama qaar badan oo gob ah, 27 laakiinse Ilaah wuxuu doortay waxyaalaha nacasnimada ah ee dunida inuu ceebeeyo kuwa xigmadda leh, oo Ilaah baa doortay waxyaalaha itaalka daran inuu ceebeeyo waxyaalaha itaalka leh. 28 Waxyaalaha hoose iyo waxyaalaha la fududaystana Ilaah baa doortay, xataa waxyaalaha aan jirin, inuu waxyaalaha jira wax aan wax tarin ka dhigo, 29 si aan qofna ugu faanin Ilaah hortiisa. 30 Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada, 31 in sida qoran, Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya