Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 42

Kitaabka Labaad

Sabuurrada 42-72

Kanu waa gabay Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.

42 Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo,
Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.
Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool.
Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?
Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii,
Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan,
Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah,
Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.
Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.
Ilaahayow, naftaydu waa igu murugaysan tahay,
Oo sidaas daraaddeed waxaan ka xusuusnahay dalkii Urdun,
Iyo fiiqfiiqyada Buur Xermoon iyo Buur Miscaar.
Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan,
Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.
Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa,
Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa,
Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo.
Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday?
Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
10 Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan,
Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
11 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa
Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.

Sabuurradii 43

43 Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn,
Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.
Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay?
Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
Nuurkaaga iyo runtaada ii soo dir, oo ha i hoggaamiyeen,
Oo ha i keeneen buurtaada quduuska ah, iyo taambuugyadaada.
Oo markaasaan tegi doonaa meesha allabariga Ilaah,
Iyo Ilaaha ah farxaddayda weyn,
Ilaahow, Ilaahaygiiyow, kataaradda waan kugu ammaani doonaa.
Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa
Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.

Maahmaahyadii 11:3-13

Kuwa qumman waxaa kaxayn doonta daacadnimadooda,
Laakiinse khaayinnada qalloocnaantoodu waa baabbi'in doontaa iyaga.
Maalinta cadhada maal faa'iido ma leh,
Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
Ninkii kaamil ah xaqnimadiisu jidkiisay toosisaa,
Laakiinse kan sharka lahu wuxuu ku kufi doonaa sharkiisa.
Kuwa qumman xaqnimadoodaa samatabbixin doonta,
Laakiinse khaayinnada waxaa qabsan doona damacooda xun.
Nin shar lahu markuu dhinto, wuxuu filanayay way baabbi'i doontaa,
Oo xumaanfalayaasha rajadooduna way baabba'daa.
Kii xaq ah waxaa laga samatabbixiyaa dhibaato,
Oo meeshiisana waxaa yimaada kii shar leh.
Labawejiilahu afkiisuu deriskiisa ku halligaa,
Laakiinse kan xaqa ahu aqoon buu ku samatabbixi doonaa.
10 Kuwa xaqa ahu markay barwaaqoobaan, magaaladu way rayraysaa,
Laakiin kuwa sharka lahu markay halligmaan farax baa lagu dhawaaqaa.
11 Kuwa qumman ducadooda magaaladu sare bay ugu kacdaa,
Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu magaaladuu dumiyaa.
12 Kii deriskiisa quudhsadaa waa caqli daranyahay,
Laakiinse ninkii garaadka lahu wuu iska aamusaa.
13 Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon,
Laakiinse kii ruuxiisu aamin yahay xaalkuu qariyaa.

Matayos 9:27-34

Laba Nin Oo Indha La'

27 Ciise intuu meeshaas ka tegayay, waxaa daba socday laba nin oo Indhala, iyagoo qaylinaya oo leh, Ina Daa'uudow, noo naxariiso. 28 Goortuu guriga galay ayay nimankii indhaha la'aa u yimaadeen. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma rumaysan tihiin inaan waxan yeeli karo? Waxay ku yidhaahdeen, Haah, Sayidow. 29 Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto. 30 Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan. 31 Laakiin iyagu way baxeen oo warkiisa ku fidiyeen dhulkaas oo dhan.

Nin Carrab La' Oo Jinni Qaba

32 Kolkay baxeen, bal eeg, waxaa loo keenay nin Carrabla oo jinni qaba. 33 Oo goortii jinnigii la saaray, ninkii carrabka la'aa waa hadlay, dadkii badnaana way yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Sidaas oo kale Israa'iil weligeed laguma arag. 34 Laakiin Farrisiintii waxay yidhaahdeen, Wuxuu jinniyada ku eryaa madaxda jinniyada.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya