Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 42

Kitaabka Labaad

Sabuurrada 42-72

Kanu waa gabay Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.

42 Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo,
Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.
Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool.
Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?
Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii,
Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan,
Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah,
Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.
Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.
Ilaahayow, naftaydu waa igu murugaysan tahay,
Oo sidaas daraaddeed waxaan ka xusuusnahay dalkii Urdun,
Iyo fiiqfiiqyada Buur Xermoon iyo Buur Miscaar.
Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan,
Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.
Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa,
Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa,
Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo.
Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday?
Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
10 Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan,
Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
11 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa
Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.

Sabuurradii 43

43 Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn,
Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.
Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay?
Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
Nuurkaaga iyo runtaada ii soo dir, oo ha i hoggaamiyeen,
Oo ha i keeneen buurtaada quduuska ah, iyo taambuugyadaada.
Oo markaasaan tegi doonaa meesha allabariga Ilaah,
Iyo Ilaaha ah farxaddayda weyn,
Ilaahow, Ilaahaygiiyow, kataaradda waan kugu ammaani doonaa.
Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa
Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.

Ayuub 6:14-30

14 Kii diyaar u ah inuu qalbi jabo waa in saaxiibkiis u naxariisto
Waaba intaasoo uu ka tago cabsida Ilaaha Qaadirka ahe.
15 Walaalahay waa u khiyaano badnaayeen sida durdur oo kale,
Sida biyaha durdurrada ee iska baabba'a,
16 Kuwaasoo barafka la madoobaaday,
Oo uu barafka cad isku qariyo.
17 Markay qorraxoodaan way libdhaan,
Oo markay kululaadaanna meeshooday ka baabba'aan.
18 Kuwa safraa gees bay uga leexdaan,
Waxay u baxaan xagga cidlada oo halkaasay ku dhintaan.
19 Waxaa fiiriyey kuwa Teemaa ka safray,
Oo socotooyinkii Shebaa ayaa fishay.
20 Way ceeboobeen, waayo, way rajeeyeen,
Halkaasay yimaadeen, oo way hungoobeen.
21 Waayo, hadda idinku sidaasaad ii noqoteen,
Waxaad aragteen belaayo, waanad baqdeen.
22 Bal anigu miyaan idhi, Wax i sii?
Amase, Maalkaaga hadiyad iiga keen?
23 Amase, Cadowga gacantiisa iga samatabbixi?
Amase, Iga furo gacanta kan i dulma?
24 Bal wax i bar, oo anna waan iska aamusayaa;
Oo i garansii wixii aan ku qaldamay.
25 Erayo runu xoog badanaa!
Laakiinse bal canaantiinna muranka ahu maxay caddaysaa?
26 Ma waxaad u malaynaysaan inaad erayo canaanataan?
Maxaa yeelay, kii quustay hadalkiisu waa sida dabayl oo kale.
27 Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta,
Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.
28 Haddaba raalli ahaada oo bal i fiiriya,
Waayo, sida runta ah been idiin sheegi maayo.
29 Haddaba waan idin baryayaaye iska noqda, yaan caddaaladla'aanu dhicin,
Ee mar kale iska noqda, waayo, xaalkaygu waa xaq.
30 War ma caddaaladla'aan baa carrabkayga saaran?
Mase carrabkaygaan waxyaalo xunxun dhadhamin karin?

Galatiya 3:15-22

15 Walaalayaalow, sida dadkaan u hadlayaa, In kastoo ay tahay xataa axdiga dadka, mar haddii la hubiyo, lama buriyo, waxbana laguma daro. 16 Ballamada waxaa loo qaaday Ibraahim iyo kii ka soo farcamay. Lama odhan, Kuwa ka soo farcamay sida kuwa badan, laakiinse sidii mid keliya, oo ah kan ka soo farcamay, kaas oo ah Masiixa. 17 Waxaan leeyahay, Ilaah baa axdi hore u dhigay, oo sharcigii afar boqol iyo soddon sannadood dabadeed yimid ma buriyo axdigaas oo ballanka ma baabbi'iyo. 18 Waayo, haddii dhaxalka laga helo sharciga, ballanka lagama sii heleen; laakiinse Ilaah baa Ibraahim ballan ku siiyey.

Waxa Sharciga Loo Soo Dejiyey

19 Haddaba sharcigu waa maxay? Waxaa loogu daray xadgudubyo aawadood, ilaa farcankii loo ballanqaaday yimaado, oo waxaa xagga malaa'igaha lagaga amray dhexdhexaadiye gacantiis. 20 Dhexdhexaadiye mid keliyahu ma leh, laakiinse Ilaah waa mid keliya. 21 Haddaba sharcigu miyuu ka gees yahay ballamadii Ilaah? Ma suurtowdo, waayo, haddii sharci wax noolayn kara laysa siiyey, sida runta ah, xaqnimada waxaa laga heli lahaa sharciga. 22 Laakiin Qorniinku wax walba dembiguu ku hoos xidhay in ballanka rumaysadka ee Ciise Masiix la siiyo kuwa rumaystay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya