Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 63

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu joogay cidlada reer Yahuudah.

63 Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa,
Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa,
Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.
Si aan u arko xooggaaga iyo ammaantaadaba aawadeed,
Ayaan kaa fiiriyey meesha quduuska ah.
Waayo, raxmaddaadu way ka sii wanaagsan tahay nolol,
Haddaba bushimahaygu way ku ammaani doonaan.
Sidaas daraaddeed waan kugu mahadnaqayaa intaan noolahay,
Oo gacmahaygana kor baan ugu qaadi doonaa magacaaga aawadiis.
Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo,
Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan
Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto
Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo.
Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad,
Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.
Naftaydu adigay ku raacdaa,
Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)
Laakiinse kuwa naftayda u doondoonaya inay halligaan aawadeed,
Waxay geli doonaan dhulka meelaha ugu hooseeya.
10 Waxaa iyaga loo gacangelin doonaa xoogga seefta,
Oo waxay qayb u noqon doonaan dawacooyinka.
11 Laakiinse boqorku wuxuu ku rayrayn doonaa Ilaah,
Mid kasta oo isaga ku dhaartaa wuu faani doonaa,
Waayo, kuwa beenta sheega afkooda waa la aamusiin doonaa.

Samuu'eel Labaad 2:1-7

Daa'uud Oo Loo Subkay Boqorka Yahuudah

Markaas dabadeed Daa'uud baa Rabbiga wax weyddiiyey, oo yidhi, Magaalooyinka dalka Yahuudah middood ma u kacaa? Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Haah, u kac. Markaasaa Daa'uud yidhi, Xaggee baan u kacaa? Isna wuxuu yidhi, Xebroon tag. Saas daraaddeed Daa'uud halkaasuu u kacay, oo labadiisii naagoodna way raaceen, kuwaas oo ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel, iyo Abiigayil oo u dhaxday Naabaal kii reer Karmel. Oo raggiisii isaga la jirayna Daa'uud wuu kaxaystay, iyadoo nin waluba reerkiisii wato; oo waxay degeen magaalooyinkii Xebroon. Markaasaa dadkii dalka Yahuudah yimid, oo halkaasay Daa'uud ugu subkeen inuu ahaado boqor u taliya dalka Yahuudah.

Waxaana Daa'uud loo sheegay, oo lagu yidhi, Kuwii Saa'uul aasay waxay ahaayeen dadka reer Yaabeesh Gilecaad. Markaasaa Daa'uud wargeeyayaal u diray dadkii reer Yaabeesh Gilecaad, oo ku yidhi, Rabbigu ha idin barakeeyo, waayo, waad u roonaateen oo aasteen sayidkiinnii Saa'uul ahaa. Haddaba Rabbigu ha idiin roonaado oo runtana ha idin tuso; oo anna waan idiinka abaalgudi doonaa roonaantaas, maxaa yeelay, idinku waxaas baad samayseen. Haddaba gacmihiinnu ha xoogaysteen, oo idinna xoog yeesha, waayo, sayidkiinnii Saa'uul waa dhintay, oo reer Yahuudahna anigay ii subkeen inaan u ahaado boqor u taliya.

Yooxanaa 16:25-33

25 Waxyaalahaas ayaan masaallo idinkula hadlay. Waxaa imanaysa goortii aanan mar dambe masaallo idinkula hadli doonin, laakiin aan bayaan idiinkaga warrami doono Aabbaha. 26 Maalintaas waxaad ku weyddiisan doontaan magacayga. Idinkuma lihi inaan Aabbaha baryayo daraaddiin. 27 Waayo, Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay, maxaa yeelay, waad i jeclaateen, oo waadna rumaysateen inaan xagga Ilaah ka imid. 28 Aabbaha ayaan ka imid oo dunida imid. Haddana waan ka tegayaa dunida oo Aabbahaan u tegayaa.

29 Xertiisii ayaa ku tidhi, Bal eeg, bayaan baad hadda u hadlaysaaye, oo masaal ku hadli maysid. 30 Imminka waannu garanaynaa inaad wax walba taqaan, oo aadan u baahnayn qofna inuu wax ku weyddiiyo. Taas aawadeed waannu rumaysan nahay inaad Ilaah ka timid. 31 Ciise ayaa ugu jawaabay, Hadda ma rumaysan tihiin? 32 Ogaada, saacaddii baa imanaysa, waana timid, kolkaad u kala firdhi doontaan mid kasta xaggiisa, anna keligay baad iga tegi doontaan, oo weliba keligay ma ihi, waayo, waxaa ila jooga Aabbaha. 33 Waxyaalahaas waxaan idiinkula hadlay inaad nabad igu haysataan. Dunida ayaad dhib kala kulantaan, laakiinse kalsoonaada, anaa ka adkaaday dunidaye.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya