Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Gabayga meelokoridda.
132 Rabbiyow, bal xusuuso Daa'uud
Dhibaatooyinkiisii oo dhan,
2 Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay,
Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,
3 Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga,
Sariirtaydana fuuli maayo,
4 Indhahayga seexasho isugu qaban maayo,
Il iyo baalna isu keeni maayo,
5 Ilaa aan meel u helo Rabbiga,
Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.
6 Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah,
Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.
7 Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa,
Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.
8 Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal,
Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.
9 Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen,
Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
10 Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis
Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.
11 Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay,
Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo,
Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.
12 Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga
Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono,
De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.
13 Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon,
Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.
14 Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba,
Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.
15 Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud,
Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.
16 Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado,
Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
17 Halkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo,
Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.
18 Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb,
Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.
Kitaabkii Sharciga Oo La Helay
22 Yoosiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ka ahaa kow iyo soddon sannadood. Oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Yediidaah ina Cadaayaah oo reer Bosqad ahaa. 2 Oo isagu wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray oo dhan, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
3 Oo Boqor Yoosiyaah sannaddiisii siddeed iyo tobnaad wuxuu Shaafaan ina Asalyaah oo ahaa ina Meshullaam oo karraanigii ahaa u diray gurigii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi, 4 Orod oo waxaad u tagtaa Xilqiyaah oo ah wadaadka sare, oo isagu ha xisaabo lacagta guriga Rabbiga la soo geliyey oo irid-dhawrayaashu ay dadka ka soo ururiyeen. 5 Oo iyagu ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya, oo si meelaha guriga ka jajabay loo dhiso iyana ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga ku jira, 6 kuwaasoo ah nijaarrada, iyo waxdhisayaasha, iyo wastaadyada, oo ha ku soo iibiyeen alwaax iyo dhagaxyo la qoray oo guriga lagu dhiso. 7 Habase yeeshee lama xisaabin lacagtii iyaga loo dhiibay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen kuwa la aaminay. 8 Markaasaa Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi Shaafaan oo karraanigii ahaa, Waxaan guriga Rabbiga ka dhex helay Kitaabkii Sharciga. Oo Xilqiyaah kitaabkii buu u dhiibay Shaafaan, oo isna wuu akhriyey. 9 Markaasaa Shaafaan oo karraanigii ahaa boqorkii u yimid, wuuna u soo warramay oo ku yidhi, Addoommadaadii lacagtii guriga Rabbiga laga dhex helay way soo ururiyeen, oo waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya. 10 Oo Shaafaan oo karraanigii ahaa ayaa boqorkii u sheegay oo ku yidhi, Wadaadkii Xilqiyaah ahaa wuxuu ii dhiibay kitaab. Markaasaa Shaafaan kitaabkii ku akhriyey boqorka hortiisii.
Dhimashadii Istefanos
54 Haddaba markay waxyaalahaas maqleen way ka xanaaqeen oo u ilka jirriqsadeen isaga. 55 Laakiin isagoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxo ayuu samada aad u fiiriyey, oo wuxuu arkay ammaanta Ilaah iyo Ciise oo midigta Ilaah taagan, 56 oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan arkayaa samooyinkii oo la furay iyo Wiilkii Aadanaha oo midigta Ilaah taagan. 57 Laakiin markaasay cod weyn ku qayliyeen oo dhegaha furaysteen, oo iyagoo isku wada qalbi ah ku yaaceen isagii. 58 Markaasay intay magaalada ka soo saareen dhagxiyeen; kuwii maragga ahaana dharkoodii waxay ag dhigteen nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Sawlos. 59 Markaasay dhagxiyeen Istefanos oo Rabbiga baryaya oo ku leh, Rabbi Ciisow, ruuxayga qaado. 60 Markaasuu jilba joogsaday oo cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Rabbiyow, dembigan dushooda ha ka dhigin. Oo markuu sidaas yidhi, ayuu dhintay.
Masiixiyiintii Ayaa La Silciyey Oo La Kala Firdhiyey
8 Sawlosna raalli buu ka ahaa diliddiisa.
Oo maalintaas kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil aad baa loo silciyey; oo dhammaantoodna rasuulladii mooyaane waxay ku kala firdheen dalalka Yahuudiya iyo Samaariya.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya